“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 17aad

 

wuxuu guda galay C/casiis sheekadii dheerayd ee uu doonayay in uu la wadaago hinda, wuxuu uga cudur daartay marka hore in is barashadooda uu uga been sheegay in uu Xamar kasoo jeedo.

Wuxuu yiri waxaan kasoo jeedaa dhalasho ahaan Bakool, waxaan ahaa mid ka mid ah dhalin yaradii askarta u ahayd mid ka mid ah hogaamiya kooxeedyadii gobolada Baay iyo Bakool.

Waxaan ahaa isbaariiste dadka waddada u gala kana qaata wax walba oo ay sitaan, dumarkana fara xumeeya, dila dadka qaar ee waddada aan ka helno, noloshayda oo dhan mugdi ayey ka samaysnayd, dhibaato u joog ayaan ahaa, waa walba oo ii dillaaco wuxu ahaa mid walwal leh.

Waxaan ahaa mid maalin walba usoo diyaar garooba in uu wax dilo, wax dhaco, wax kufsado, wax dhibaateeyo, ama aniga la i dhibaateeyo oo naftayda ay sidaa igu dhaafto, noloshayda oo dhan ayaa ka samaysnayd qarribaad.

Dhaca iyo kufsiga aan raga iyo dumarka kula kici jirnay ima xanuujin jirin mana dareemi jirin ilaa hal gabar oo kufsigeeda iyo xoolaheeda dhiciddoodaba aan ku lug lahaa.

Gabadhaas waan kufsaday, balse sakankii aan dusheeda ka kacay noloshayda oo dhan ayaa is baddashay, xitaa maalinkaas ma aanan calfan xoolihii rakaabka ay la socotay laga dhacay.

Wal wal iyo dhibaato iyo cabsi ayaa ila soo darastay, waxay noqotay gabadha noloshayda oo dhan baddashay, waxaan go’aansaday in aan kasoo haajiro dhulkaas aan dadka ku dhibaatayn jiray.

Waxaan imid magaalada Marka, halkaas oo in aan dib isku dhaqan celsho aan ka bilaabay ilaa aan ka noqday ninka aan maanta ahay, runtii markii aan kasoo haajirayay dhulkayga ayaan go’aansaday haddiiba aan mar arko gabadhaas in aan qaladka aan ka galo aan dib u saxo iyadana aan u abaal gudo.

Dadaal dheer kadib waa ii suura gashay, hinda gabadhaas qof kale maahan waa adiga, ninka ku kufsaday ee xanuunka ku baday waa aniga, isla ninka haddana ku guursaday ee maanta aad meeshan la joogto waa aniga, ma aqaan sida aad igu cafin doonto.

Xanuunka aad soo martay waan dareemi karay, midkaas mid la mid ah ayaana aniga soo maray, in aad gabarnimadaada dartey u wayso waxay naf huris u ahayd in aan anigana soo hanuuno oo aan noqdo ninka aad maanta u jeeddid.

Xanuunkaaga ma bogsiin karo mana damin karo dabkii aan ku shiday, balse ugu yaraan waxaan is iri sax khaladkii aad gashay, gabadhana nolol sii, waxaan mar walba Alle uga mahad celshaa in uu ila kaa kulansiiyay adiga oo wali guursan misana uu Alle calf iiga kaa dhigay.

Shukaansigaaga iyo guurka aan ku guursaday dhamaan waxaan ka lahaa hal u jeeddo oo ahayd in aan dib u saxo una dhayo nabarradii aan kuu gaystay, waa fakarakayga iyo sida ay igula muuqatay, waan khaldanaan karaa.

Hinda waxaan kuu keenay meeshan Baytka Alle ah in aad ku ogaato ninkaaga dhabta sawirkiisa runta ah, in uu yahay kan ku dhibaateeyey, in uu yahay kan ku kufsaday, misana yahay kana aad u dhaxdo ee aad Awlaaddiisa korinayso.

Waxaan kaa codsanayaa in aad iska key cafiso, haddi aadan i cafinayna arrintan waligeen labadeena ayey ku koobnayd in ay nagu koobnaato, noloshaadana adiga ayaa aqtiyaar u leh haddaad isii haysanayso iyo haddii aad i daynaysaba, aniga ujeeddadii iyo riyaddii aan lahaa waan gaaray, in aan noloshaada dib u dhiso ayaan rabay, waana dhisay, in aan dib kuu dareensiiyo ayaan rabay waxa aad u qalanto waana ku guulaystay sida aan qabo.

Qaalida noloshayda adiga maalinka aad xanuunkaag ila wadaagaysay waad wal walsanayd waxaana ka baqaysay in aad i wayso ama aan kaaga tago xaaladdaas, balse ma aadan ogayn in ninka xaaladdaas ku galshay uu aniga ahaa, anigana, aniga oo og ayaan kugu qaatay, maanta xaalka sidaa maahan wuu ka duwan yahay, go’aanka nolosheena gacantaada ayuu ku jiraa, wax aan ka ahayn i cafi kuma oran karo.

Mid xusuusnnow hinda, in xilliga aan ku dhibaateynayay aan ahaa Xayawaan Waxshi ah, oo wax uu ka naxayo iyo wax uu dareemayo aysan jirin, maantase bani aadannimada aan ahay aad adiga sababteeda leedahay.

In aad xanuunsato oo sharaftaada aad wayso, waxay sabab u ahayd in aan soo hanuuno oo garto qiimaha Bani aadanimada,  gacantaada ayey ku jirtaa noloshayda, sida aad rabto iga yeelo hinda, aniga ma u xanuusan sida aad u xanuusatay, mana u ooynin sidaad u oysay, qalbigana ugama guban sida aad uga gabatay.

Hinda oo la yaaban Mucjisada nolosheeda ayaa isla markiiba ku cafisay meesha, iyada oo Alle ka tuugtay in uu u dambi dhaafo ninka ay jeceshahay, isla markaana Alle uga mahad celisay in uu u baddalo ninka ay dunida ugu necbayd ninka ay maanta dunida ugu jeceshahay.

Hinda runtii wax walba oo ay dareemi lahayd iyo wax walba oo ay ahaan lahayd waxay ku illowday wanaaga uu ugu baddalay xumaanta uu u hormarshay, misana daacadnimada iyo kalsoonida uu maanta ugu sheegay waxa uu ahaa maantana yahay.

Iyada oo indhaheeda illin ay ka qubanayso ayey Alle uga mahad celisay sida uu nolosheeda u baddalay, waxay kaloo isku Samirsiisay in ninka ay maanta u dhaxdo uu dhibkeeda sababtiis uu maanta ku noqday ninka uu yahay.

Qof walba halka uu Waqtigu geyn doono lama garan karo, qof walba waxa uu noqon doono lama oga, marka maanta xaaladda lagu jiro qofka laguma tilmaami karo, Hebel waa xun yahay lama oran karo, balse waxaa la oran karaa hebel Xaaladda uu hadda ku jiro ayaa xun ee isaga ma ahan.

Kufsadaha Hinda ayaa wuxuu noqday Halyayga ay dunida oo dhan ku sugaysay, iyo midka ay dunida oo dhan ka fiirsato, sidaas si la mid ah ayuu ahaa midka ay dunida ugu necbayd waligeed, balse is baddalka waqtiga ayaa keenay ayaa la oran karaa in uu isla isgaas noqdo ninka ay ugu jeceshahay.

Shalay hadduu ahaa C/casiis is baariiste dadka dhaca maanta waa Imaam Masjid oo Ganacsada ah, waana nin u shaqaysta dunidiisa iyo aakhiradiisa, isla markaana ah Xaaji u soo xajiyay Guriga Alle

Shalay hadduu ahaa Kufsade fara xumeeyay Gabar Maskiin ah oo walaalaheed oo Agoon ah Bariis u raadinaysay, maanta wuxuu noqday midka kafaala qaaday isla agoontaas, isla markaana guursaday Gabadhii uu fara xumeyay misana cafis kasii dalbaday.

C/casiis wuxuu kufsaday Xaaskiisa Mustaqbalka, meeshii laga rabay in uu jacayl ku bilowdo is barashadooda ayuu Nacayb iyo Cuqdad ku bilaabay, isla waqtigaas ayaa xaliyay oo kalifay in ay misana waji ka wanaagsan kii hore ku kulmaan kuna midoobaan.

Haddii shalay uu hinda ula muuqday C/casiis Kufsade is baariista ah, oo iyada loo soo diray in uu farxaddeeda murugo ku baddalo, isla waqtigaas ayaa maanta kalifay in uu noqdo Ninka ay dunida ugu jeceshay, inta rag dunida maraysana ay isaga ka hoos gashay, isla markaana uu isla isagii noqday kii dammin lahaa Dabka ka baxayay gudaheeda,

Qofka sida uu u muuqdo mar walba waxaa ka dhiga Xaaladaha Nolosha uu markaa wajahayo, haddii uu dhoola caddaynayo micnaheeda maahan in uu Qlabiga saliim ka yahay, ee waa waqtiga waxa ka dhoola cadddaysiiyay isla waqtigaas ayaana ka oohin kara, sidaa darteed, ma nihin kuwa og wax ay yihiin, isla markaana qiimayn kara waxa ay Bari noqonayaan, mar walba waxaan la jaan qaadnaa Xaaladda nala soo darastay, isla xaaladdaas sida ay u taalo ayaana nahay marka laga hadlayo dhabto.

Dhamaad 

Waxaan u mahad celinayaan dhamaan inta aqrisay sheekadan, waxaa kaloo mahad gaar ah mudan, Abwaan C/rixiin H. Galayr oo lahaa magac bixinta sheekadan, Alle ayey mahad u sugnaatay inoo wada sahlay in aan si wanaagsan oo caafimaad qab ah ku bilaabo qorista sheekadan kuna dhameeyo, misana ii sii sahlay in aan idinla wadaago bilowga iyo dhamaadka sheekadan.

Cudur daar.

Waxaan ka cudur daaranayaa haddii aan isticmaalay erayo khaldan iyo erayo aan munaasab ahayn iyo kuwa naxwa ahaan khaldan, iyo qaab qoraalkayga oo laga yaabo in aan mararka qaar sidii la rabay u qorin ama sidii la rabay u eegin.

Waxaan kaloo ka cudur daaranayaa in qaybaha qaar ee sheekada aan dhex galshay  sharraxaad dheer oo aan is laha uga faaiidayso sharraxaadda xikmadda sheekada, waan idinka raali galinayaa dhamaantiin wixii aydaan ku farxin oo sheekada ku saabsan.

Insha allah, way jiri doonaan sheekooyin kale iyo qormooyin kale oo aan idinla wadaagayo, dhamaan Websityada sheekadan soo daabacay ayagana si gaar ah ayaan ugu mahad celinayaa, la’aantiin aqristayaal badan lama gaari lahayn, waa idinka kuwa igu dhiiri galshay in aan wax qoro, waxna idinla wadaago, mahadsanidiin Aqrisytayaal.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN