“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

                                                        “GODOB IYO GARAAW”

                                                          (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybta 5aad

 

Dhib marka aad la nooshahay oo aad u bandhigayso meel ka baxsan naftaada waa in aad xaqiijisaa xalka dhibkaas in aad heli karto, haddii aadan helayn oo dhib kale oo ka daran uu kaaga soo dhex bixi karo, markaas macna kuuma samaynayo in aad la qaaqlayso ama la qayliso dhibka kugu dhacay, Aamusnaanta marbey Xalka qaybtiisa tahay.

Hinda in ay Kufsi la kulantay Cid uma sheegin, nasiib wanaag wax Uur ah kuma soo bixin, shaqadeeda ayey iska wadatay, balse mar walba waxaa ku taagnaa Cuqdad Nafsi aysan qofna la wadaagin, taas oo ahayd in ay waysay kaamilnaanta qayb ka mid ah jirkeeda.

Waxaa jira su’aalaha qaar marka ay waydiiyaan Ragga ay la haasawayso ay dhibsan jirtay, sida gabar miyaa tahay ama masoo martay Guur? Cid og ma jirin sirteeda, balse iyada ayaa is ogayd, marka la waydiiyo su’aalaha nuucaasna waxaaba gali jiray darreen ah in dadka dhan wada og yihiin.

Waxaa jiray su’aala ay mar walba is waydiin jirtay oo ahaa, waa maxay sababta ay kuugu dhacday dhacdadan? ma sidan ayaad ula noolaanaysaa inta noloshaada ka dhiman sirta kugu keedsan, ololka gudahaaga ka shidanse, ma sidan ayaad u haynaysaa waligaa?

Waa xanuun aad u daran rutnii, qofka uu ku dhacay ama ku dhaco ayaana dareen ahaan ku muujin kara balse gabadhan in ay xanuunsanayso daah ma saarna, tallow maxay waydiin doontaa marka ay hor tagto ninka sababta u ah xanuunadan ay la riinto, mararka qaarna lasoo salasho saqda dhaxa habeenada?

Is waydiintu waxay tahay imisa dumar ah ayaa la xanuunsanaya xanuunkan oo kale, hinda tusaalaha sheekada waa inoo noqon kartaa, balse, imisa hinda oo kale ah ayaa la nool ama la aamusan dhacdadan oo kale?

Inaga wax awood ah kuma lihin qaddarta Eebe, doorashadase Xaq iyo awoodba waan u leenahay, waxay ku dhacday Qaddar Eebe dhacdadan, qof ku faraxsanna ma jiro labada dhinac, waa kan ficilka geystay iyo kan uu ku dhacayba,

Waxayse xaq u leeyihiin ama jaanis u leeyihiin in ay si ka duwan xanuunkan is dareensiiyaan, haddiiba ay dhacdo in ay is arkaan, Alle maanta yaa waydiiya labadoodaba, qof walba marka uu qofka kale horyimaado ficilka uu ku samayn lahaa, haddii ay noqoto wax waydiin qaabka uu wax u waydiin lahaa.

Waayuhu waa kuwa sidaa isku gudbaya, Hinda ma oga in uu kula noolahay magaalada Marka ninka dhibaatadaas ay la riimayso gaarsiiayay, waxaasa is waydiin mudan maadaama uu falka ku dhacay si argagax leh, Hinda aqoon ma u leedahay ninka dhibka u gaystay? mase caddayn kartaa in uu isaga yahay haddiiba ay ka hor timaado?

Waxaa xusid mudan in markii la kufsanayay hinda madaxa Qori looga hayay laguna amray in ay wajiga daboolato inta falka kufsiga ah lagu hayay, balse waxaa jiray dhawaq gooni ah oo wadnaheeda ku dhacay, kaas oo ay ku qayaasaysay in uu ahaa dhawaqa ninka kufsiga kula kacay.

Waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah iyada oo maraysa meel Suuqa Magaalada Marka ah oo cabitaan lagu miiro, doonaysayna in ay cabitaan ka cabto meesha, ay isla meesha u yimaadeen C/casiis iyo Jamaacada masjidkiisa oo cabitaan doon ahaa.

Waxay wada fadhiyeen Kuraas meesha tiil, wayna wada kaftamayeen, hinda iyada wax dareen ah kuma jirin oo sida qof iska caadi ah oo meesha Biyo uga baahday ayey u dalbatay cabitaankii ay doonaysay, waxaase si hal haleel ah ugu soo dhacayay wadanaheeda cod u eg codkii argagaxa ee marka la kufsanayay ay maqlaysay.

Hinda si fiican ayey u eegtay, waxay niyadda iska tiri soo kan ma ahayn ninka ku kufsaday, hadana waxaa isku qaban waayay Goobta uu kufsiga ka dhacay oo ahayd Gobolka Bakool iyo halka ay jooogto oo shabeelada hoose ah, iyo ninka Wadaadaka ah ee Culimada la socda.

Tashuush badan ayaa galay, mar waxay damacday in ay si dareen ku jiro usii dhagaysato Codka ay rabto in ay soo qabato, hadana isla qalbigeeda ayaa su’aalo badan oo jawaabtooda adagtahay isla markiiba kala hortagayay malada ay qabto.

Shib ayey iska tiri, biyaheeda ayay dhamaysatay, wayna iska tagtay, iyada oo isku samirsiisay in ay isku ekaan karaan codka ninkaas iyo ninkan ay maanta indhaheeda ku aragtay, waxayna is tusaalaysay in ay qaldami karto, dadka qaarna sidaas ay isku shabbahaan cododkooda.

Muuqaalka wiilka ay codkiisa tuhmayso aad ayuu u qurx badnaa, Sunnada ayaa ka muuqatay, nadaafad wanaagsana waa ka muuqatay, ma ahayn laba muuqaal oo la is bar bar dhigo muuqaalkii kufsiga iyo muuqaalka ay maanta indhaheeda ku aragtayba.

Waxaan maqli jiray waa maadaysi adduunyada, dadkuna way matalayaan, dunidana waa sida filim oo kale, kaas oo uu qaabeeyaha filimka yahay Allaha ina abuurtay, dhacdo walba billowgeeda iyo dhamaadkeedaba isaga ayaa agaasima sida ay ku bilaabanayso iyo sida ay ku dhamaanaysaba.

La soco qaybta 6aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN