“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

 

                                                        “GODOB IYO GARAAW”

                                                          (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybta 6aad

 

Dhacdadan xanuunka badan ee ku habsatay gabadhaas hinda ah oo safar ahayd, isma lahayn dhacdo nuucaas ah ayaad la kulmaysaa, wiilka C/casiis ahna wuxuu ku jiray Dullinimo iyo dulminta Dadka masaakiinta ah iyo daadinta dhiigooda iyo dhicidda xoolahoodaba.

Waxaa jirta Xikmad uu Alle u doortay in dhacdadan ay sabab u noqoto, hubaal in Alle ficil walba uu qaddaro xikmad ka dambayso ay jirto, Hinda waa xanuunsanaysaa si la mid ah sidaa ayuuna u xanuunsanayaa C/casiis oo wuu ka qoomamaynayaa in uu ficilkaas gaystay.

C/casii wuxuu ahaa mid mar walba aad u doonayay in uu la kulmo gabadha uu sida goonida ah uga qoomameeyay dhibka uu u gaystay, magaceeda ma yaqaan, muuqaal ahaanteedase wuu xasuusan karay, waaba hadii uu mar labaad arki lahaa.

Hinda iyada warba uma hayn, marnaba kuma fakarin in ay la kulmi doonto ninkaas dhibaateeyey, sida uu falka lama filaanka ah ugu dhacay ayeyba la tacaalaysay xaalkiisa, waxaase ku jiray dareen ah in uu ninka ay ku aragtay meeshii biyaha laga cabayay uu isaga ahaa, hadana is qabadsiinta arrinta ay la taahayso iyo qofka ay ku tuhmayso ayaa ku adag caddayntooda.

Hinda ganacsi ahaan waa hormartay oo dhaqaala fiican ayey yeelatay, shaqadii oo dhan iyada ayaa faraha looga qaaday, ilmihii agoonta ahaa ee walaalaheed ahaana meel wanaagsan ayey markan taagan yihiin, oo waa koreen, inkastoo aysan qaarkood heerkii la rabay wali gaarin.

Maalmo kadib markii xoogaa la joogay ayaa waxaa xoogaa xanuunsaday  Hinda hooyadeed waxaana la damcay in la Quraan saaro, Wiil ay hinda ahaayeen ilmo habreed oo ka tirsanaa Jameecada Masjidka C/casiis uu wax ka bartay ayaa loo xil saaray in uu keeno wadaaddadii quraan saari lahaa hooyada hinda, oo markaa xaaladdeeda aad u liidatay.

Waxaa dhacday in jameecadii quraan saarka uu ka mid noqdo C/casiis, Kufsadihii Hinda, hindana maalinkaa waxay ku jirtay oo ku mashquulsanayd qaabkii loo agaasimi lahaa jameecada wadaaddada ah ee u imaanaysay in ay hooyadeed quraan saaraan.

Saddex xaalad oo kala duwan ayey ku kulmeen labadan, waa Hinda iyo C/casiis, mar waxay ku kulmeen kufsigii, markii labaadna waxay ku kulmeen meeshii biyaha laga cabayay, haddana waaba guriga hinda, balse markan hinda uma suura galin in ay aragto wiilkaas.

Hinda waa laga yaabaa in ay isku qaban waysay ninkii kufsaday ee baday xanuunka ay kaligeed la xanuunsato in uu magaalada Marka dhinac kala joogo, waliba isaga oo Sheikh ah, balse, Sawirka dhabta ah wuxuu maanta u muuqan doonaa C/casiis oo aan marnaba hilmaamin gabadha uu sidaa u galay muuqeeda, uuna mar walba ku hammin jiray hadduu arko in uu wax walba u samaynayo sida uu cafis uga dalban lahaa.

waxaa la gaaray xilligii ay jameecada quraan saarka imaan lahaayen Xaafaddii Hinda, isla markii albaabka la soo galayna waxay indhaha C/casiis qabteen Wajiga Hinda, hindase iyada wax dareen ah ma galin, muuqa ninkana horey waa u aragtay, balse, waxay iska dhaadhicisay in uusan u muuqan ninka ay mooddo, maadaama uu Wadaad yahayna ay sidaa iskaga dhaaftay, marka araga ay aragtay waa arag u tilmaamay in ay tahay Qof iyada iska riyootay oo xanuunka Qalbiyan u haya uu sidaa wax ugu sawirayo.

C/casiis markii uu arkay muuqeeda, isla markiiba wuu dareemay in gabadhu gabadhii tahay, balse magaceeda ma uusan aqoon, wuxayna maalintaas u ahayd Maalin Murugo marka la eego Xaaladda uu kala kulmay gabadhaas arageeda.

Wuxuu galay Xaalad argagax leh, Cabsi aad u darrana waa haysay oo wuxuu is lahaa armey gabadhu kusoo qabataa oo maanta marada kaa dhacdaa, wuxuu ahaa Nin aad loo xushmeeyo, oo misana ka mid noqday dadka loo soo xushay in ay qayb ka noqdaan Alle tuugan loo samaynayo hinda hooyadeed.

Tuug isaga tuhun ayaa mar walba ku jiro oo wuxuu ka fakarayo iyo waxa ay xaaladdu tahay waa kuwa kala fogo, isaga ma oga oo ma dareensana qaabkii ay u dhacday dhacadadii foosha xumayd ee lagu samaynayay dumarkii faraha badnaa ee masaakiinta ahaa.

Wuxuu moogyahay in maalinkaas dumarka dhan indhaha laga wada xiray inta falka kufsiga dhacayay, wadnihiisa aad ayuu u sabbaynayay maalinkaas, heer xitaa culimadii la socotay ay waydiiyeen waxa ku dhacay maanta, Dhidid aad u waaweena wuu ka qubanayay wajigiisa, ilaa cimaamaddiisa caddayd ay isku baddashay Shukumaan lagu qubaysatay camal.

Ma jeclayn in xaaladdan oo kale uu kula kulmo, wuxuuna isla markiiba iska dhigay Nin aanan arag gabadha, is moogaysiis ayuuba galay, isla markiina waxaa la guda galay in Quraanka lagu aqriyo Hinda hooyadeed.

Intii quraanka ay Culimada aqrinayeen C/casiis isaga ma joogin, tiisa ayaa haysatay, Sawirro badan ayaa hor imaanayay ku saabsan dhacadda uu smaeeyay iyo Xaaladda maanta uu ku sugan yahay.

La soco qaybta 7aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN