GORFEYN XAL IYO XIGMAD W/Q. Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

GORFEYN XAL IYO XIGMAD
W/Q. Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

 

“Xal iyo Xigmad” waa dhigane lagu soo ururiyay boqol sheeko xigmadeed. Dhammaadkii sannadkii tegay (2021) ayaa lagu daabacay magaalada Stockholm. Waxa qoray Macallin Daahir Axmed Jeyte oo ah suugaanyahan, murtidhaadhi, qoraa, iyo bare in badan ku dhexjiray tacliinta iyo toosinta ubadka. Sidaas oo kalena waa samafale kala taliya waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden arrimaha ilmaha, qoyska, waxbarashada, afka iyo dhaqanka.

Qoraagu wuxuu dhiganahan ku soo ururiyay boqol sheeko xigmadeed oo aan oran karo waa miiddii murtida Soomaalida iyo dunida. Waa sheekooyin nuxurkoodu ku saabsan yahay laamo kala geddisan sida: dhaqanka, diinta, murtida afka iyo garnaqsiga, isla markaasna akhristaha u ah maandhis, madaddaalo iyo maaweelo.

• Dhaqan: sheekooyinka buugga qofka akhriya wuxuu ka heli doonaa casharro baraya dhaqanka san ee Soomaalida sida martisoorka, garnaqsiga, dhowrista birimagaydada, xulashada hoggaanka dhaqanka iyo kuwo kale oo badan. Buuggu waxa uu buuxinayaa gaabiska dhaqan ee ka muuqda jiilka koraya oo ay saameeyeen qaxa, barakaca, qabyaaladda iyo tiknolojiyaddu.

• Diin: wuxuu qoraagu ku soo qaatay buugga sheekooyin diini ah oo ka digaya khiyaanada, dulmiga, xaaraan cunidda, bakheylnimada iyo sinada. Wuxuuna boorrinayaa samafalka, iskaalmaysiga, deeqsinimada iyo dhaqanka suubban oo dhan.

• Murti: sida ka muuqata magaca “Xal iyo Xigmad” sheekooyinka buuggu waa kuwo soo gudbinaya casharro murti lagu xariiray, akhristahana u sahli doona inuu helo aqoon uu ku maareeyo heerarka kala duwan ee nolosha.

• Af: in badan oo dadka ka mid ah waxaa isaga khaldama aftahamada iyo afmiishaarnimada oo ah labo aad u kala duwan. Qofka aqrista “Xal iyo Xigmad” wuxuu ka kororsan doonaa aftahamo iyo anshax oraahtebineed oo ka anfici doona xiriirkiisa bulshada iyo weliba af maalmeedkiisa.

Garnaqsi: buugga waxaa ku jira xigmado uu akhristuhu ka baran karo anshaxa iyo habka lagu heli karo caddaalad iyo garnaqsi hufan. Bal aan jalleecno sheekada “Garsoorihii laga gar helay.” Waa sheeko dulucdeedu tahay nin milay abaareed qaalin lo’ ah uga iibsaday nin ay deris ahaayeen dibi cayillan si uu ilmaha ugu qasho. Balse markii abaartii laga baxay oo aaran la degay ayuu arkay qaalintii oo weyl dhashay, sidaas ayuuna kaga noqday heshiiskii beeca. Gartii ayaa loo geeyay garsoore laaluush qaate ah. Wuxuu qaalintii u xukumay ninkii abaarta dibiga ku qashay. Nabaddoon caaqil ah oo goobta fadhiyay ayaa garsoorihii ku yiri “Bal garsoore anigana kitaabka ii dhiib aan fiiriyo e.” Muddo ayuu kitaabkii rogrogay isaga oo aamusan. Nabaddoonka oo la ogaa in uusan Quraanka aqoon ayaa la weydiiyay waxa uu kitaabka ka baarayo. Wuxuu yiri “kitaabka waxaan ka baarayay, abaarta hilib ha cunin aarankana caano ha maalin, waana ka waayay.” Taas oo caddaysay in garsooruhu aanu caddaalad falin, dabadeedna xukunkii racfaan laga qaatay.

Madaddaalo: aadanuhu kama maarmo maaweelo iyo madaddaalo. Xigmadaha, dhacdooyinka iyo dhammaan sheekooyinka buugga waxaa laga helayaa maaweelo iyo madaddaalo dhextaal u noqon kara kulamada, shirarka, hadal-jeedinta iwm.
Waa buug ka caawinaya waalidka in ay carruurta uga sheekeeyaan deegaaanka, duurjoogta iyo hab nololeedyo tooda ka baxsan balse xaqiijinaya maandhis iyo baraarug cusub.

Hubaal, kuwani waa sheekooyin maankii lagu tallaalo ku beeraya dhaqan suuragelinaya isu tanaasul, isu turid iyo in dagaalka iyo isdiidka lagu beddelo is aqbal, iyo garnaqsi si loo helo nabad iyo nolol xasilan.

Sheekooyinka uu halkan ku soo ururiyay qoruhu waa kuwo uu aqriste kasta iska dhex helayo ha ahaado wadaad iyo waranle, madax iyo shacab, dhallinyaro iyo waayeel. Maxaa yeelay wuxuu adeegsanayaa murti la falgelaysa nolosha heer kasta iyo had walba. Waa murti laba uun midkood ah: in ay xoojinayso arrin togan ama ay ka digeyso mid taban.

Gunaanad

SanNado badan oo jahawareer iyo dhibaato lagu jiray, waxaa muuqata yididdiilo in ay Soomaaliya dib u hibaaddo. Dhiganaha “Xal iyo Xigmad” waxa aan u arkaa mid raad san iyo rejo qurxan ka dhex abuuri kara ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ku talin lahaa in dhalinyarada ku jirta xilliga baraarugga iyo waxbarashada looga faa’iideeyo oo buugga la dhigo jaamacadaha iyo maktabadaha. Sidaas si la mid ah waa manhaj-kaabe Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay uga faa’iideyn karto jiilka cusub ee nabadda lagu barbaarinayo.

 

Aw Cabdiqani Xasan Muxumed
Muqdisho – Soomaaliya
gababdigani@gmail.com
11 Jan 2022

 

Naga la soo xiriir:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN