GUUR KHALDAN. (SHEEKO GAABAN). Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

sh

Guur khladan
(Sheeko gaaban)

Duruufaha i haystay ayaa igu kallifay aniga oo gabar yar ah in aan ka aqbalo in uu i qudbo siraysto (Guur la qarshay), waxaana u arkayay jaanis aan ugu muujin karo dumarnimadayda, naxariistayda, howl karnimadayda, iyo waxa ay la mid tahay ahaanshiyaha Xaaska raaliyada ah.

Waan ogaa in aan ahay xaaskiisa labaad ee la ogayn, wax walba wuu isiin jiray, Shuruuda aan ii cuntaminna waan ka aqbalay aniga oo is leh iska samir marka uu arko waxa aad tahay isaga ayaa dhab usoo jeesan doonee.

Waxaan ahaa mid la qaybsata xaaskiisa kale ee ilmaha u leh, rajadayda mar walba waxay jirtay Hawada sare.

Waxaa sidaa igu dhaaftay Saddex Sano oo ii ahayd Jahannamo, aad ayaan u jeclaaday isaga, marka aan rabana ma heli karin.
Wuxuu ahaa waqtigayga waqtiga galabtii ilaa habeenkii cishaha, inta ka dambaysa aniga ma lahayn.

Dhowr jeer waanu ka wada hadalnay in uu sidan ii dhaamo, mar walbana wuxuu lahaa waa la khayrayaa insha allah.

Mar walba oo aan waco Telka in uusan iga qaban ayaa soo korortay, marka aan arkana waan mashquulsanaa iyo Waqti dambe ayey ahayd ayuu igu maaweelshaa.

Samirka guurkaas Qudbasirada ah aniga ayuu igu dhisnaa, isagu waxay u ahayd Shahwo baddalsho, aad ayuu uga baqi jiray xaaskiisa kale, ma aqaan sababta.

Waxay ii ahayd Saddex sano oo isaga aan farax galinayay, naftaydana aan murugeynayay.

Waxay ii ahayd saddex sano oo aan ku dareemay in aan ahay Dumar aan dhamaystirnayn!

Waxay ii ahayd saddex sano oo aan Rajo ku nool ahaa, aniga oo is leh waa la gaaray waqtigii aad noqon lahayd waxa aad u qalanto.

Balse taas ma dhicin, waxaa dhacday in miisaankayga aan lumiyo, caafimaadkaygana uu hoos u dhac ku yimaado, maskax ahaana aan dagi waayo, waxaa taas ii sii dheeraa laba caruur ah oo aan u dhalay isaga, oo aan helin Xaqa kuwa la midka ah ay lahaayeen.

Waxaan is waydiiyay sababta aan ku aqbalay saddex sano arrintan, waxaan kaloo is waydiiyay miyaanan ku filnayn ninkayga iyo ilmahayga, maxaa u diiday ninkayga in uu simo xaqa labadiisa Xaas, diinteena Islaamka miyeysan afar u bannayn? Maxaa dhacay uu la baqayaa?

Isla hadal badan iyo is waydiiin badan kadib, waxaan go’aansaday in aan soo gunaanado howshan af duubatay noloshayda oo dhan, shaqsiyaddayda oo dhan, waxaa jirta baqdin aan mar walba qabay, taas oo ahayd in si khaldan la ii isticmaalay, sidaa darteed, aan ahay Qaxabad Nin wax ku falaya uusan jirin.

Kadib markii aan ka faraxshay af duubkii guurka khaldanaa, nasiib wanaag waa kanaa mid kale oo aan agtiisa ka ahay naagtii aan is lahaa noqo, shalay haddii aan is lahaa Xaas fiican u noqon nin aan u qalmin in xaas loo noqdo, waa kan maanta aan laabtiisa ku jiro mid aad ugu baahan riyaadaas oo la rumeeyo.

Alle mahadii hadda waan faraxsanahay, waxaan ahay qofka aan doonayay in aan noqdo, waxaan idin kula dardaarmayaa dumarow in aad noqotaan qofka aad jeceshihiin, laga yaabee in uu kugu soo aado mid aan kuu qalmin, balse marnaba ha baddalin waxa aad dhab u tahay.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN