GUURKA HALA BADSHO. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

guurka

GUURKA HALA BADSHO.

Inaga oo ku nool duni waayadan dambe inta is furta ee qoyskoodu burburo iyo inta is guursata ee qoys dhista ay xisaab ahaan isla eg yihiin haddaaba la oran Karayn waxaa badan inta is furta.

Dhalinyara badan ayaaba is waydiiya in guur la is guursado waayadan uu macna badan samayn karo, halka qaarkood ayba ka aaminaan in guurku yahay dhibaato la soo darasta qofka, taas oo xornimadiisa xakamaysa.

Qaar kale ayuu guurku macna ahaan la yahay wax aan ku haboonayn dhalinyarada, qaarkood marka aad waydiiso sababta ay u guursan waayeen ayeyba kuugu jawaabaan wali waan yarahay oo 22 ayaaba jiraa maxaa ii dadajinaysaa aan kaa raaxaystee? oo muxuu qofkaas ku raaxaysan? Dabcan Xaaraan.

Raaxaadaas ay aaminsan yihiin qaarkood ayaanan ahayn mid Diin ahaan iyo Dhaqan ahaan ku timid ee waa mid ay naftooda iyo hawadooda ku xalaalaysteen wax aan asalkaba xalaal ahayn.

In maanta muran ama su’aal la galsho guurka ayaa sababtay in uu bato furiinka faraha badan, iyo in aan dhab loo fahamsanayn macnaha dhabta ah ee guurka loogala jeedo, xaqiiqatan maanta dayac badan ayaa bulshadeena ka muuqdo.

Inkastoo aaanan ku arkin dhulka aan ku noolahay dad aan is qabin oo isla dagan, hadana xanta ah in ay jiraan waa mid isoo gaartay, waxaaba taas sii dheer in waddamada qurbaha ay dhalinta ka fog waalidkooda iyo ehelkii la hadli lahaa ayba isla dagan yihiin, xitaa qaarkood ay ilma ka badan labo leeyihin, kuwaas oo aan ku dhaln Nikaax xalaal ah, balse ku dhashay wax ay ku macneeyeen is fahamka labada qof.

Dadka qaar ee kasoo horjeeda in qofka dhalinyarada ah uu guurka ku dag dago ayaaba ku dhahaya maxaa macna ah uu leeyahay Guurka, soo guurkuba maahan in laba qof ay ku heshiiyaan in ay nolosha wada qaybsadaan? soosa is faham maahan? kana waa is faham kale oo waxaa ka dhiman oo kaliya waxa caadada dhaqanka ah ama diinta la aaminsan yahay(Nikaax), taas oo runtii marka aad u fiirsato fahamka qofka sidaas u hadlay ay kuusoo baxayso in uu dhex dabaalanayo Bad wayn aan ahayn badwaynteena Xalaasha.

Waxaan isku dayay in aan tixraac ku sameyo fikaradda ka dambaysa in dhalinta soomaaliyeed qaarkood ay sidaa u dhaqmaan una fakaraan, waxaasa ogaaday in wadamada dariska ah iyo kuwa aan islaamka ahayn ba ay bulshadooda gaar ahaan Raga aysan wax dhib ah ku hayn in dumarkooda ay lahaadaan ilmo aan ayaga ku abtirsan,micnaha Cunaga marka uu dhasho haddii aabaha iyo hooyada ay is faham darro  soo dhex gasho oo sidaa lagu kala tago  markaas ilamaha la siinayo magaca hooyada, tusaala ahaan haddii  magaca hooyada uu ahaa Heblaayo James uu wiilkuna noqon doono Hebel James.

Sii ogaasho kale oo aan ku sameeyay arrintaa ayey iigu caddaatay in haweenta ilmahaas dhalaysa aysan dhibba ku qabin, wax cayb la dhaho oo ay ka cabsanaysana aysan jirin, bal ayba ku helayso Lacag, ayna ku qanacsantahay inay korsato cunugaas aan aabaha lahayn, halka raga ilmahaas dhalay ayagana aysan wax dan ah ba ka lahayn in ilmahaas magacooda aan loogu yeerin, muhiimaddooduna ay tahay inta dumar ay la seexan karaan xilliga ay doonaan iyo marka ay doonaan.

Waxay ku doodayaan qaarkood in intii ay guursan lahaayeen ay uga dhib yartahay in aysan guursan, sababta ayey ku macneeyeen in guurku qarash badan yahay misana madax xanuunkiisa aan loo adkaysan karin, hadana, haweenayda aad qabto ay iyada xaq u leedahay in waqtiga ay doonto iska kaa furi karto, taas oo haddii ay dhacdana dhaqaala ahaan inta aad haysato ay kula qaybsanayso hadhow iyada oo ay kuu sii dheertahay in lagaa sii qaadayo lacagta baxnaaninta Caruurta oo si Otomatik ah looga jaranayo qasnaddaada Bangiga, marka waxay is waydiiyeen ragaas, anaga oo heli karna dumar kala duwan, dhaqaalaheenana uusan inaga go’in, dumar na gumaysanaya oo qaylo iyo hanjabaad nala dul taagana aysan jirin, maxaa na galinaya Xabsi aan isku qufulno? Micnaha Guur.

Dabcan waad fahmi kartaa halka ay falaartoodu ku foorarto, muhiimaddase waxay tahay in dhaqankooda iyo dhaqanka dumarka ay kala kulmayaan iyo sharciga u yaala waddamada ay ku nool yihiin ba uusan ahayn mid guurka dhiiri galinaya, dabcan tan macnheeda ma ugala jeedo in mid ka mid ah raga ama dumarka aan ku eedayo qiima dhaca guurka, ee waa mid gabi ahaanba la dhihi karo waxaa sababay qaab nololeedka ay dagsadeen ka bulsho ahaan iyo dabcan Maamul ahaanba.

In labada qof ay mar walba ku wada jiraan hal xero oo lagu magacaabo guur micnaheeda waa mid ah in la is jeclaado, Dhib iyo dheefba la qaybsado, Xumaanta duulaysa albaabka banaanikiisa la iska dugaashado, si loo dhiso Mustaqbal waara oo labada dhinacba ay ku xasilaan.

In aad guur gashid oo qofka aad noloshaada u xulatid aad si sharci ah oo wada farax galsha dhamaan bulshada idinku hareeraysan ha ahaadaan qoyska labadiina dhinacba ha ahaadaan ilmaha aad dhali doontaan iyo dabcan labadiinaba waa mid qalbi ahaan lagu wada farxo oo inta dhadhamisa dhadhanka guurkaas ay ka wada dhargi karaan, balse haddii aysan sidaa ahayn mar walba waxaa jiraya is karaahsasho dhaliil iyo xan dhinac walba ka timaada, ha ka reebin cuqdad nafsi ilamaha ku dhasha guur la’aanta oo mar walba wax tabanaya.

Dhinaca kale guurka waa mid bulsho oo dad aan is aqoon ay isku dhex galaan iskuna hilibsadaan, iskuna jeclaadan, waa mid abuura is dhex galka bulshada, xushmad gaar ahna kala siiya dadka aan hilib wadaagta ahayn, iyo dabcan kuwa hilib wadaagta awal ahaa oo si gaar ah isugu sii dhawaada.

Hadaba dhalinyaro, badiya guurka si waalidiintena ay ugu farxaan una dareemaan in riyadooda iyo hankooda uu rumoobay ayna soo saareen bulsho xalaal quudata ah oo mar walba kuwada jirta Xerada Xalaasha ah ee guurka sharciyeesan.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Xabuu8@gmail.com

ekisyare@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN