GUY DE MAUPASSANT iyo LABO SHEEKO

GUY DE MAUPASSANT iyo LABO SHEEKO

 

Guy de Maupassant waxa uu ahaa qoraa Faransiis ah oo aan qorista iyo falkinta sheekooyinka gaagaaban laga ga dabadhufan. Waxa uu noolaa 1850-1893.

Sheekooyinka uu qoray kuwa ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah “The Necklace” iyo “Ball of Fat” (Tabbedda Subagga).

Halkan waxa aan ku soo koobayaa labadaa sheeko.

 

Sheeko Koowaad:

The Necklace

Sheekada The Necklace oo soo baxday 1884 waxa ay ku saabsan tahay gabadh qalanjo quruxley ah oo Matilda lagu magacaabo. Matilda waxa ay ka dhalatay qoys danyar ah waana xaaska nin asaguna danyar ah oo ka shaqeeya wasaaradda waxbarashada. Matilda waxa ay jeclaan lahayd in ay ka dhalato qoys maalqabeen ah ayna ku noolaato nolol raaxo badan. Waxa ay jeclaan lahayd in ay tahay inan caan ah, dadka dhan jecel yihiin oo mar walba lagu cusumo xafladaha iyo kulamada ay isugu yimaadaan dadka caanka ah iyo kuwo hantilayaasha ah. Matilda habeen iyo maalinba waa murugaysan tahay mar walba oo ay eegto guriga cooshadaha ah ee ay deggan tahay baroor bay jabsataa.
Ninkeeda oo og murugta Matilda waxa uu ku dedaalaa sidii uu u farxadgelin lahaa mar walba.

Habeen baa Matilda ninkeedi u keenay warqad casumaad ah oo wasiirka waxbarashadu ku casumayo Matilda iyo ninkeedu in ay ka soo qaybgalaan xaflad heer sare oo wasiirku qabanayo, balse Matilda inta ay warqaddii tuurtay bay tiri “sideen baa xaflad sidaa u heersarraysa ku tagi karaa aniga oo aan haysan dirac aan xirto?” Dabadeed ninkeedi ayaa yiri “waa immisa dirac xaflad heer sare ah lagu tagi karo?” “Waa 400 oo Franc bay tiri. Afartii boqol buu siiyay. Hayeeshee Matilda weli waa murugaysan tahay. Markii uu waydiiyay waxa qaldanna waxa ay tiri “dahab ma haysto, sidaa darteed u ma qalmo in aan xafladda aado.” Markaa ayuu kula taliyay in ay saaxiibteed Madame Forestier dahab ka soo amaahato. Matilda oo taladaas u riyaaqday baa saaxiibteed katiinad dahab ah ka soo amaahatay. Madame Forestier waa qofka keliya ee ladan ee Matilda saaxiib la tahay.

Matilda xafladdii waa ay tagtay waqti fiicanna waa ay soo qaadatay dad badan oo caan ahna waa soo baratay. Laakiin markii ay guriga ku soo laabatay bay ogaaday in katiinaddii amaahda ahayd ka luntay. Matilda iyo ninkeedi si walba oo katiinaddii u raadiyeen waa ka samreen. Ka dib na waxa ay go’aansadeen in ay naagtii matiinadda lahayd been u sheegaan oo ku dhahaan “katiinaddii waa kala go’day, sidaa daraaddeed na sii saddex beri oo aan ku soo alxanno.” Waana laga oggolaaday.
Dabadeed suuqa dahabka inta aadeen bay katiinaddii mid nooceedi ah soo gorgoriyeen. Qiimaha ugu yar ee ay ku heli karaan waxa uu noqday 36,000 oo Franc. Dabadeed waxa ay raadiyeen lacagtaa tirada badan. Wax ay soo daynsadeen iyo wax ninku meelo kale ka jaafjaafay ka dib katiinaddii waa iibiyeen Dabadeedna naagtii lahayd bay u geeyeen.

Markaa ka dib Matilda iyo ninkeedi waxa ay galeen halgan dheer oo ay dayntii ku gudayaan. Gabadhii jaariyadda ahayd bay fasaxeen, gurigii ay degganaayeen bay ka guureen oo waxa ay degeen mid ka sii liita, Matilda na waxa ay noqotay jaarid reeraha weelasha u xasha.

Toban sano ayay ku qaadatay in ay gudaan lacagtii ay soo daynsadeen. Laakiin waa goor ay silceen, quruxdii iyo dhaldhalaalkii Matilda na lumeen.

Toban sano ka dib baa Matilda oo lugaynaysa waxaa ka soo hor baxay Madame Forestier. Madame Forestier waa ay garanwayday Matilda laakiin markii ay isku sheegtay oo mashaqadii qabsatay uga warrantay baa Madame Forestier oo yaabbani tiri “miskiin Matilda! Katiinaddii aad iga amaahatay dahab ma ahayn ee waxa ay ahayd bulukaati qiimaheedu uusan dhawr boqol oo Franc ka badnayn.

 

Sheeko Labaad:

Ball of Fat

Sheekada gaaban ee Ball of Fat (Tabbedda Subagga) ee uu sannadkii 1880 qoray Guy de Maupassant waa mid ka mid ah kuwo ugu cajiibsan sheekooyinka de Maupassant, haddiiba aysan ahayn tan ugu mudan. De Maupassant waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa “master of short stories.”

Sheekadu waxa ay dhacaysaa intii uu socday dagaalkii Franco-Prussian War (Faransiiska iyo Germany) kaa oo dhacay sannadihii 1870-1871. Dagaalkaa oo Faransiiska si xun loogu jabiyay waxa uu ku dhammaaday Jarmalka oo midoobay oo hal dawlad noqday iyo Faransiiska oo la qabsaday, Imbaraaddoorkii Faransiiska Napoleon III oo Jarmalku qabteen xukunkiisina la riday iyo France oo mar kale Jamhuuriyad noqotay.

Sheekadu waxa ay ka bilaabanaysaa, magaalada Rouen oo ciidankii Jarmalku qabsadeen ayaa 10 ruux oo ka kala yimid dabaqadaha kala duwan ee dadka Faransiisku balse u badan burjuwaasiyiin iyo aristokaraatiyiin waxa ay go’aansanayaan in magaalada gumaysigu haysto ay ka qaxaan oo aadaan magaalada Le Havre oo aan ayada la qabsan. Si kastaba ha ku soo qanciyaane waxa ay oggolaansho qoran ka soo qaateen jenaraalkii maamulayay ciidanka Jarmalka ee magaalada qabsaday. Dabadeed waxa ay xamaamahooda ku guranayaan gaari-faras.

Dadka qaxayaa waxa ay kala yihiin Mudane Cornudet oo aragtida dimoqraaddiga aad ugu dheggan; lammaane lagu magacaabo M. and Mme. Loiseau kuwaa oo ah burjuwaasiyiin dukaanley ah; lammaane lagu magacaabo M. and Mme. Carré-Lamadon oo ah burjuwaasiyiin dabaqadda sare ah sidaa oo kalena leh warshad; Comte and Comtesse of Bréville oo lammaane ah; labo dumar soorooyin ah (nuns); iyo Elisabeth Rousset oo lagu naanayso Ball of Fat.

Shakhsiyadda wayn (main character) ee sheekadu waa Elisabeth Rousset oo ah gabadh aan Rouen sumcad suubban iyo taageerayaal badan ku lahayn sababtuna waa in raadka raggu gurigeeda ku badan yahay. Si kale haddii aan u dhigno Elisabeth waa Amran tii ku jirtay Aanadii Negeeye. Sidaa daraaddeed markii gaari-faraska la fuulayba indho xajiin leh iyo foolal dhiillo xambaarsan baa Elisabeth lagu wada eegay.

Cimilada oo xumayd awgeed safarku waxa uu ahaa mid gaabis ah oo daal iyo rafaad miiran ah, sidaa daraaddeed waa la daalay lana gaajooday ilaa Elisabeth tabbed ay sidatay aabburka ka qaadday oo inta ay cunto macaan ka soo fagtay ka saftay saaxiibbadeedi indha xajiimaysan ku eegeegayay. Taasina waxa ay sababtay in Elisabeth halkii indho xajiimaysan laga ga eegayay indho saaxiibtinimo iyo kal furan loogu beddalo.

Yeelkeede, mashaqo aan cidina filayn baa dhacday. Wadihii gaari-faraska ayaa inta uu jidkii ka habaabay ka war helay asaga oo dhextaagan degmada Tôtes oo ciidanka Jarmalku haysto. Dabadeed waxaa kooxdii safarka ahaa ku hoydeen hoteel yar oo degmada ku yaalla. Aroortii markii ay quraacdeen oo socdaal u ginginteen bay wadihii gaari-faraska waayeen, cabbaar goortii la doondoonayna waa la soo helay balse waxa uu kooxdii ku wargeliyay in taliyaha xukuma ciidanka magaalada haystaahi uu ku amray in aysan bixi karin ilaa uu asagu fasaxo mooyee.

Labo beri markii ay degmadii fadhiyeen welina taliyihii Jarmalka ahaa fasixi la’yahay ayaa Elisabeth Rousset jaallayaasheed u sheegay in sababta taliyuhu ugu dheggan yahay tahay in uu ayada (Elisabeth) ka dalbaday in ay la seexato balse ay ka diidday. Elisabeth saaxiibbadeed aad bay go’aankeeda ugu taageereen oo waxaa u cuntami waayay in askari gumayste ah oo dalkoodi haysta loogu biiriyo la seexashada gabdhaha uu dalkooda haysto iyo gogol uusan gar u lahayn.

Maalin walba dhawr goor Elisabeth waxaa looga yeerayay xafiiska taliyaha si loo waydiiyo in diidmadeedi ay ka noqotay iyo in kale ayaduna diidamadeeda ayay ku adkaysataa.

Markii waqtigii dheeraaday baa kooxdii kale adkaysan waayeen dabaadeedna waxa ay cadaadis ku bilaabeen Elisabeth ayaga oo raba in ay oggolaato la seexashada taliyaha Jarmalka ah si uu u fasaxo laakiin Elisabeth waa diidday. Kama ay quusan ee cadaadiskii ayay ku sii wadeen ayaga oo hadba dhinac wax ka tusaya saykooloji ahaanna u wiiqaya. Waxa ay ku dul akhriyeen sheekooyinka badan oo werinaya dumar qisadan oo kale qabsatay dabaadeedna la seexday askartii gumaysiga si ay dadkooda u badbaadiyaan. Xataa waxa ay uga sheekeeyeen naag cudurro halis ah oo degdeg loogu dhinto loo qaadsiiyay dabaadeedna loo diray Napoleonkii 1aad si inta ay la seexato uu degdeg ugu qurbaxo. Waxa ay isku dayayaan in ay Elizabeth ka dhaadhiciyaan in fulinta dalabka taliyuhu loojig iyo mooral ahaanba saxan yahay.

Ugu dambayn, Elisabeth cadaadiskii la saaray waa u dabacday taliyihiina waa ay la seexatay.

Habeenkii Elisabeth taliyaha la seexatay aroortii xigtayba waa la fasaxay safarkii laakiin markii Elisabeth gaari-faraskii fuushay saaxiibbadeed waaba inkireen hadalna u ma furin, halkii ay fadhiday waa laga wada sikatay ayada oo si dhiillo iyo nac huwan indhaha loogu gubayo. Waxaa taa ka sii daranaa markii kooxdii kale cunto la soo baxeen dabaadeedna ay Elisabeth horteeda ku cuneen.

Safarkii waxa uu idlaaday Elisabeth oo baroornaysa oo ilmadu daamankeeda dareerayso kana qoomamaynaysa sharafteedi ay u saddaqaysay dad aan mudnayn in wax abaal ah la gashado.

Guy de Maupassant waxa uu sheekada ku muujinayaa fulaynimada iyo baqo-cararka, bakhiilnimada, musuqa iyo maaddinimada dabaqadda sare iyo burjuwaasiyiin Faransiiska. Halka uu dhan kale, muujinayo waddaniyadda iyo nafhurnimada dabaqadda hoose ee Elizabeth matalayso.

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN