Habeen kaama tagin! W.Q: Maxammad Haybe Axmed

Dadka qaar marka ay arkaan dad kale oo guuleystay, waxa ay naftooda u sheegaan inaanay iyagu guuleysan karin.
Haddii uu arko qof kale oo jaamacad ka baxay, kaasi oo soo waday geedigaa afar gu’, markaaba waxa maankiisa kusoo degdegaaya in isaga waqtigu ka dhacay oo aannu hadda guuleysan karin!
Wuxuu iska dhaadhiciyaa iney wax walba ku wanaagsanaayeen xilli hore. Dabadeed, inta uu labada kelyood qabsado ayuu madaxa hoos u foorariyaa. Wuxuu bilaabaa inuu fikiro, isaga oo debintiisa ruugaya.
Haddii lagu yidhaahdo: “maxa aad la fikireysaa, adiguba ileen waad guuleysan kartaaye?” Wuxuu ku odhanayaa: dadka aan isku faca aheyn 10 gu’ ka hor ayay waxan ku guuleysteen. Ma hadda ayaa aan buug isdaba sidi karayaa. Ani amintii wey iga dhacday!
Marar badan ma aragtey dad guuleystay?  Indhahaagu ma qabteen dadkaa oo  aad u faraxsan, looguna tahniyadeynayo guulaha ay gaadheen? Inta aad sidaa u eegtay, uurka ma ka jamatey inaad sidoodaa oo kale guuleysato?
Haddaba, haddaad ka mid tahay dadka sidaa u fikira, waxa aan kuu hayaa tallaabooyinkii aad kaga mid noqon laheyd guuleystayaasha, waana kuwan ee raac:
 1. Iska ilow xilliga tagay.
Waxa aad ogaataa in wixii tagay ay tageen. Waqtiga dib looma soo celiyo.
Horena waxa loo yidhi: “wax tagay tiigsimaad ma leh”.
Iska ilow dadka kale ee ujeedooyinkoodii ay lahaayeen, gacanta ku dhigay. Adigu iyaga ma noqon kartid. Waqtiga tagay aad u ooyaysid, haddii xitaa markaa lagu siin lahaa, inaad guuleysan laheyd iyo in kale ma garan kartid!
Sidaa awgeed, horta waa in aad ka garaabtaa in amintaasi sidaa kaaga galbatay!
Waxa kaliya ee kula gudbooni waa in aad hadda u dhaqaaqdaa waxa aad dooneysid inaad qabatid.
Hore haddii waqti kaaga lumay, bal hadda uun yaanu kaa lumin!
2. U dhaqaaq halka dooneyso inaad gaadho.
Hadda ayaad u xadhko xidhanaysaa. Taxa ayaad giijisaneysaa. Hadda bilow. Maxaa aad dooneysaa inaad xaqiijiso? Muxuu yahay haddafkaagu? Waxa aad dooneyso ha noqdo wax cad.
Waxa rabto inaad xaqiijiso yaanu noqon wax dad kale daraadood u samaynayso. Ha is odhan dadkii hore gaadh. Waxba cid kale ha eryan. Waxa kaliya ee aad ceydhsanaysaa ha noqdo hadafkaaga.
Runta aan ku taabsiiyee, runtu waxa ay tahay: haddii naftaadu si cad u aaminsan tahay in sida dadkaa kale u guuleysteen ay u guuleysan karto, waa hubaal inaad guuleysan doonto!
3. Qorshe guud u samayso geedigaaga.
Maxa aad u maleynaysaa in ay ku gaadhsiinayaan halka aad dooneysid?
Waa inaad samaysaa baadhis dheer.
Waa inaad wax ka weyddiisaa cidii kaaga horeysay waxa aad dooneysid. Ka wareyso waaya-araga. Ileen ceel ninkii galey baa laga wareystaaye.
Adiga oo jidka aad u socotay warbixin badan ka haya ku dhaqaaq.
4. Si maalinle ah u horumari caadooyinkaaga.
Si aad geedigaaga guushu meel u gaadho, waa inaad lahaataa caadooyinkiisii. Hadaf kastana kama maarmo caado suubban.
Aan kuu jilciyo hadalkee, si waxa aad rabto usoo taabato, waxa lagama maarmaan ah, inaad si joogto ah u samayso waxyaabo kuu dhaweynaaya hannashada hadafkaaga.
Aan waliba kuugu sii iftiimiyo tusaale’ e, qofka doonaya inuu noqdo orodyahan, waa inuu si joogto ah u sameeyaa orod.
Waa inuu maalin walba sameeyaa jimicsi. Waa inuu hiirta waabari soo kacaa; Si jidhkuusu u adkaado, murqhiisuna u dhismaan.
Sidaa ayuu ku noqonayaa of haftabaxsan. Ugu dambeytana kugu guuleysta tartamada orodka!
Sidaa si la mid ah, wax kasta oo aad u jeel qabto helidiisa, waa inaad horumarisaa caadooyinkiisa kuu dhaweynaya adiga oo joogteynaya.
5. Maalgasho naftaada.
Waa inaad u dhaqaaqdaa sida aad u horumarin laheyd naftaada. Si aad u gaadho, Waxa naftaada ka dhex guuxaya , waa inaad maalgashi yagleeshaa. Waxyaabaha aad ku maalgashan karto naftaada waxaa ka mid ah: inaad waxbarato. Ku deddaal akhriska si maankaagu u kobco.
Sidoo kale waa inaad ku qalabeysaa xirfado badan oo kala duwan.
Marka aad naftaada ka dhisto dhinac kasta oo noloshaada ah, waxa u bilaabmaysa iney kobocdo. Waxa ku xigaya iney korto; Iney kaalingasho oo ay xidigaha korkooda gaadho!
Marka ay daruuraha gaadhana, waxa ay kuu bilaabeysaa iney kuu soo da’do. Markaana wadigaa ku qabowsadey.
Wax walba oo aad maanka galisoba, si fudud ayaad u xaqiijinaysaa ileen waxa aad maalgashatey naftaadii oo aad dhinac kasta oo ay ka liidatay ka dhistaye.
Waxa aad gawsdambeedka ku qabsataa in naftaadu tahay sida beer oo kale; wixii aad ku beerato uun baad ka goosan.
Haddii aad midho xun ku shinniyayso, kuwaa ayaa kaaga soo gu’i. Haddii aad midho wacan ku rididna, kuwaa ayaad calafsan.
Ugu dambeytana, waxa aad noqon mid ku nool, nolol ka ka madhan culeys iyo cidhiidhi.
Neftaaduna, waxa ay noqon mid deggan oo farxaddu buuxdhaafisay!
Waxba yaanu hadalku ila sii durkine,  maanta laga bilaabo  waxa aan kuu bixinayaa magac cusub! Magacaaga waa GUULEYSTE!
Sow dad kaleba may guuleysan?
Guushu ma kaligood ayay la dhalatey?! Waa MAYA. Sida dadka kaleba u guuleysteen ayaad adiguna u guuleysan kartaa. Cid  guusha kaa hor istaagi kartaana ma jirto.
Waxa qudha ee aad u baahan tahay waa KALSOONI. Haa, waa kalsooni. Naftaada kalsooni sii. Niyadaada wanaaji oo  rajo wanaagsan ku beer. Tallaabooyinkii aynu soo xusneyna raac. Bas sidaa ayaaba guuleyste ku tahay!
Guuleyso.
W.Q: Maxammad Haybe Axmed.

SHEEKOOYIN