HADDAAD FURTO HANTIDAADA BARKEED AYEY LEEDAHAY!!!!!!
Waxaa sii badanaya qayla dhaanta dumarka xaqooda lagu raadinayo Daafaha Dunida, maamul walba oo la dhiso waxaa lagu qasbaa ama lagu dhiira galshaa in uu qaybtooda siiyo dumarka, taas oo mararka qaar lagala kulmo Caqabado adag.
Waxaad mooddaa in qaabka dunida u shaqayso uu isi sii baddalayo oo dumarku awood badan sii yeelanayaan, waxaana muuqda dadaalada lagu baadi goobayay xuquuqda dumarka in ay qaarkood mira dhaleen oo dumarka dunida qaar maanta ay yihiin kuwa hogaanka u haya waddamo badan oo tayo leh, qaar kalana ayba u sharaxan yihiin Jagooyinka Hogaanka sare ee waddamadooda.
Dhaqanka ay umahada haysteen oo kala duwan iyo danaha shaqsiyadeed ee markaa ay dadku kala lahaayeen baa la oran karaa in ay qayb ku lahaayeen in xuquuda dumarka ay sidaa ku lunto, maskax ahaana bulshada laga dhaadhacsho in aysan dumarku qayb ku yeelan Karin ka arriminta ayaaha umadaha ay ka midka yihiin.
Taariikhda dunida marka dib loo eego in dumarku ay hogaan noqdaan ma ahayn mid ku cusub dunida. dumarka qayb muuqato ayey ku lahaan jireen hogaanka umadahooda mar walba, balse waqtiyada dunida oo is baddalayay ayaa mar walba dhinac u wiiqayay xuquuqda dumarka ay lahaayeen.
Sidoo kale waxaa la oran karaa dana siyaasadeed kama marnayn in dhinac loo leexsho ama loo riixo danaha dumarka ay ku dhex lahaayeen bulshadooda haddii ay noqon lahayd dhan Hogaan iyo dhan dhaqanba.
Dadka qaar ayaa xajiimooda marka ay maqlaan qof dumar ah ayaa u sharaxan jagada sare ee umad markaa kuwada abtirsata hal dhul ama Waddan magiciisa, qaar ayaa isla markaas lasoo booda in dhaqankooda uusan ogalayn in dumar ay hogaamiso, halka qaar kale ay ayaguna ku andacoodaan in diinta aysan ogolayn in haweenku hogaanka qayb ka noqdaan..
Waxay doontaba sifada ama doodda ka taagan dumarka hogaanimadooda ha ku qotonto, mid ayaasa xaqiiqda ah in dunida maanta ay tahay duni aan looga dhaqmin Diin iyo Dhaqan toona oo labadaas arrinba ay maanta baddashay waxa loo yaqaano Qaynuunka ay umadda markaa wada nool ku heshiyeeen ama ay meel dhigteen si ay iskugu hogaanshaan.
Hadaba aqriste haddii aad maqli jirtay qaynuun hebel haddii la dhaqan galinayo waa in la waafajiyaa diinta, wax walba oo diinta ka hor imaanaya waa in la iska laalaa ama la iska tuuraa, maanta waxaan kuu hayaa dumar aqoonayahano ah oo waliba dhanka diinta ku xeel dheer oo ku doodaya in dumarka xaqooda qaynuunka dalkaa ka jira lagu daro walibana diinta islaamka aysan waxba ka qabi Karin arrintaa.
Aamina Nasiir oo ah macalimad wax ka dhigta Jaamacadda Azhar ee Dalka Masar qaybteeda Caqiidada iyo Falsafadda ayaa ka dalbatay Golaha sharci dajinta waddankeeda in ay qaynuunka ku daraan qaynuun qeexaya ama caddeynaya in haweenayda ay qayb cayiman ku yeelato hantida ninkeeda marka uu damco in uu furo iyada oo laga xisaab qaadanayo inta Sano uu jiray guurkaas.
Iyada oo sii qeexaysa dooddeeda ku qotonta xuquuda dumarka ee muslimka ah ayey tiri, “haweenayda haddii ay wada jireen ninkeeda muddoo gaaraysa 25 Sano, markaas qaynuunka ay doonayso in lagu daro dastuurka waddankeeda ayey ku sheegtay haweentu in ay xaq ugu yeelanayso ninkeeda in ay hanitidiisa bar ka mid ah qaadato maadaama moddo rubuc qarni ah ay u qidmaynaysay ninkeeda, waxayna arrintaa ku sifaysay in ay tahay Caddalaad Rabbaani ah ayna uga dhigantahay ninka in uusan ku dag dagin ka fakaridda in uu xaaskiisa si fudud ku furo, xaqeedana meel uga dhaco”.
Aamina nasiir ayaa raacisay hadalkeeda iyada oo waraysi siinaysa idaacad Fm ah oo lagu magacaabo Nujuum Fm ayey tiri “ soo jeedintayda iyo dadaal u galidda aan doonayo in uu nidaamkan dhaqan galo waxay soo jiitamaysay ilaa laba sano, haweenayda xaaska ahna waxay xaq ugu leedahay ninkeeda in ay mushaar kaga hesho u adeegidda ay u adeegayso isaga”.
Waxay kaloo carrabka ku adkaysay in qaanuunkan ay ku dalbanayso xuquuda dheeraadka ah ee qoyska, qaasatan dumarka xaqa ay u leedahay in ay hantida ninkeeda ku yeelato qayb cayiman oo muhiim ah, ayey tiri “haddii qaynuunkan la waayo cid gudbisa in iyada nafteeda ay gudbin doonto maadaama ay qayb ka tahay golaha ku matala Jaamacadda Azhar dhinaca Baarlamaanka.
Aamina Nasiir waxay ku doodaysaa in qaynuunkeeda uu qayb wayn ka qaadan karo xallinta furriinka faraha badan ee macna darrada ah ee dumarka muslimiinta ah ee dalkeeda ay kala kulmaan ragooda.
Waxay tiri haweeney ninkeeda la noolayd muddo ku dhow ama ka badan 50 Sano hadduu furo xagey aadaysaa, xaqeedase xagee ka helaysa, konton sano isaga ayey u qidmaynaysay marka ay xoog yarayso ayuu furayaa iyada oo haysan wax ka baxsan meherkeeda, naxariis darrada iyo caddaalad darrada nuucaas ah Alle raali kama ahan, dhaqan ahaana ma qabto diinteena ayey tiri Aamin Nasiir.
Aamina nasiir waxay tiri ma jiro Dal Muslim ah oo maanta diinta islaamka ku dhaqma haddi lagu dhaqmi lahaa diinta islaamka ma jiri lahayn xuquuq dayacan oo dumarka ay raadsadaan, balse maadaama waxa lagu dhaqmo ayey yihiin qawaaniin ay dagsadeen Bani aadamka, maxaa diidaya in dumarku ay qayb ka noqdaan ama maslaxaddooda wixii ah ay ku raadsdaan qaynuunka la dajiyay ee lagu dhaqmayo?.
Runtii dulan badan ayaa jira, qaynuunka u adeegaya maslaxadda raga ee aan u adeegayn dumarka da’da ah ee dulman ee marka laga dhamaysto la leeyahay waad cajuusowday waan ku furayaa oo mid kale ayaan guursanayaa, waa in la dareensiiyaa cawaaqibka daran ee arrintaas ay yeelan karto raga sida xun ula dhaqma haweenkooda masaakiinta ah.
Waxay tiri Alle dulmi ma jecla, maadaama sida uu sharcigiisa usoo dajiyay aan loo qaadanayn ma ahan in nala ku xiraa marka xuquuqdeena aan qaynuunka ku raadsada damacno in diinta aysan sidaa ogolayn, oo yey tahay cidda ku dhaqmaysa Diinta? maxaasa loola soo cararaa diinta marka xaqa dumarka la raadinayo? haddii waddanka oo dhan diinta lagu dhaqayo dastuuradan aan maalin walba wax ku darayno waxna ka dhimayo aan iska xoorno? waanu ogolnahay in aan diinta ku dhaqano, balse ma rabno diin lagu dulminayo dumarka masaakiinta ah, iyada oo aan ognahay in aysan diintu dulmin dumarka muslimaadka ah.
Ma ahan waxa aan u doodayno hogaan siyaasadeed, ma ahan waxa aan u doodayno Dhaxal oo taa diinta ayaa ka hadashay qaybta ay dhigtayna waa caddahay waana ku qanacsanahay, waxaan ka doodayo oo aan ka dhiidhinayno ayaa ah xaq darrada raga ay kula kacaan dumarka u qidmeynayay 50 Sano iyo ka badan.
“Iyada oo dhalinyar ayaad shalay gurigeeda kasoo wadatay, awlaad badan ayey kuu dhashay, way kuu adeegaysay intaas oo sano, maanta marka aad damacdo in aad guursato ama aad dano kale yeelato ma ahan in aad iyada haddii aad furayso in aad iyada oo fara maran aad dirto, ama aad ku tuurto qashin qubka.
Hantida aad leedahay 50 sano ayey kula tacbaysay, waa in ay qayb cayiman ku yeelataa, isla qaynuunka aan dagsanay ayaana laga doonayaa in uu xuquuqdaas caddeeyo, ma ahan in qayanuun iyada oo lagu dhaqmayo hadana la aado dhanka Diinta, diinta iyo qaanuunka isma waafaqi karaan, dulmiga iyo munaafaqnimada waa in laga daaayaa dumarka oo xaqooda la ciyimaa ayey kusoo gunaanadday hadalkeeda Aamina Nasiir”.
Hadaba aqriste, hadalka haweenaydaas aqoonyahanadda ah maxaa kaaga baxay, ma is tiri wax badan oo waxa ay ka hadlayso ah ayaa dumarkeenana ku dhaco maanta?
Imisa jeer ayaad aragtay dumar 30 Sano ka badan la qabay oo marka ay dhalma gooyaan la leeyahay booska ayaad iga buuxisay, waan ku furay xaqaagana waa meherkaaga, sidaana cagta ciida loogu saaro iyada oo fara maran.
Waxa kaliya ee ay haweenaydaas ku bad baaddo ayaa ah ilmaha ay dhashay waaba haddi ay u koreen Allena u toosiyo, haddii aysan ilma dhalina waa mid ku rafaadda la qabsashada Nolosha cusub ee wehel la’aanta ah.
Haweenayda marka ay yartahay haddi la furo dhib ma lahan oo mid kale ayey heli kartaa, balse haweeney Da’a ah oo muddo soo hagaysay guri ay leedahay maanta la yiri ka bax, xagee qabanaysaa bal aan is waydiino, muxuusa noqon karaa aayaheeda dambe?
Runti warka ay sheegayso haweenaydaas Aqoonyahanadda ah wax badan ayaa ka jira, qaynuunka ay sheegaysana waan ku dhaqanaa, marka la yiraahdo dumarka qaybtooda aan siinana waxaan la soo boodnaa dhaqankeena ma qabo iyo diinteena ma ogola, aan is waydiino marka hore dhaqanka aan ka hadlayno iyo diintaba ma ku dhaqanaa? Diinta iyo dhaqanka aan leenahay ma ogolo in dumarka ay wax ka helaan awoodaha maamulka, ma diintaas iyo dhaqankaas ayaa ogol in dumarka la dulmiyo? Maxaa keenay marka xuquuqda dumarka laga hadlayo in dhaqanka iyo diinta lagu cararo iyada oo la ogyahay in Diin iyo Dhaqan toona aan lagu dhaqmin.
Dulmi fara badan ayaa lagu hayaa haweenkeena, waxaan dhihi lahaa haddii la doonayo in la hagaago waddada toosan hala qaato, haddi diinta lagu dhaqmayana waa in sida ay tahay loo qaataa, waana wada ogyahay oo cid diidi karta ama dood ka keeni karta ma jirto booska ay diinteena dhigtay dumarkeena, haddii sidaas loo qaatana waa hubaal in Cid dulman aysan jiri doonin.
Dadkeena waa in ay kala fahmaan marka dastuur lagu dhaqmayo iyo marka lagu dhaqmayo dhaqan iyo marka lagu dhaqmayo diin, saddexdaas mid walba meel ayuu leeyahay waana in la dhigaa mid walba meeshiisa iyada oo aan midna lagu qasin kan kale.
W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor