Hammi caashaq iyo hunga been ah Q39AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q39AAD

Tan kale Saaxiib waayo aragnimo ka qaado, jacaylka kugu dhacay, ragga kula jaalka ahna qisadaada u weri si ay cashar ugu noqoto, kolay raggu waa jabkii ka sheekeey’e.

Axmed oo qosolaaya ereyada widaaygiisa ka soo burqadayna ku faraxsan ayaa yiri: haa waan ka sheekay doono, kama aamusi doono ee nabad gelyo.

Waa kala hadaafeen labadii saaxiib ayaga wada qoslaayaa faraxsan nin walba jiho markaa dani ka jirtay ayuu tallaabada u qaaday.

Axmed  waxa uu si toos ah u aaday tukaan uu lahaa si uu u hubiyo in shaqaalihiisu sidii la rabay ay shaqada u wadaan, kolkii uu tukaankii soo galay ayaa waxaa arkay asaga oo faraha taag taagaaya oo tallamaaya Nuur Ganey oo  ka mid ah shaqalihiisa, Kaftan iyo sheeko wadaagna ay yihiin , Axmed aad buu uga helaa shactarada iyo sheekooyinka Nuur Ganey, weliba marka uu ka sheekaynaayo sheeko ku saabsan dumar.

Isla durbadii uu Axmed dukaanka soo galayba waxaa su’aal kaftan ah ku tuuray Nuur  kuna yiri: Axmedow maanta si baad u faraxsanatahy waadna fikiraysaa siday wax u jiraan?

Axmed: Nuurow kaalay aan shaax wada cabnee haddii aadan shaqo hayn sheeko  Ayaan kuu hayaahe.

Nuur: “Haye mudane”, ayuu hoos u yiri asaga oo is leh, ma qalad ayaad samaysay oo shaqada ayaa lagaa eryi rabaa.

Shaaxbaa la wada shubtay kaftan iyo hadal iska caadi ah kolkii dhowr mar laysku tuutuuray ayuu yiri Axmed: horta wiligaa jacyl ma kugu bdhacay Nuurow?

Nuur: waagii aan kurayga ahaa ayaa jeclaaday gabar aanu deris ahayn mase calfan haddase dumarba waan ka xanaaqaa dhibaato badan ayaa iga soo martay, ee saaxiib su’ashaan kediska ahi maxay ahayd?

Nuur waa runtiis oo dumarka  dhibbay soo kala mareen, halkaanba carar dumar ku sababay ayaa keenay asna in badan uu soo calaajinyiyay.

Axmed: haye qisada kugu layaabka badneed ee dumar kaa soo marta galabta iiga shekee?

Nin yahow qisadaas haddii aan xasuusto amaan miir dabool maa? Qisadaasi waa mid aad agtayda  ugu wayn oo i damqisa oo dareenkayga kicisa haddiiba aan xasuusto, waa arrinta iga fogaysay dadkayga haddii aan kaaga sheekeeyana waan hubaa in aad la yaabi doonto.

Axmed: nuurow kolay qisada aan kaaga sheekow doono kama xanuun badno e soo daa.

Nuur: waa runta nin walba  qisada ku dhacday ayuu u arkaa in ay tahay  mucjiso mug wayn , waa iska dabeecad binu aadam,  ee dhegayso aan kaaga dhaco sheekado e.

Aniga oo Nairobi jooga dhalinyarana iska ah, dumarkana aad ugu fara dhuudhuuban, yacni ay ii dhib yartahay inaan gabar kasta shabaqa aan rabbo kusoo rido ayaa  waxaan bartan faysbuug (Facebook)iska baranay, gabar Nasro la yiraahdo, oo Hargaysa markaa joogtay, gabdhu waxa ay ahayd gabar aad u qurux badan oo aad ii cajabisay, maankayga gabar deeqday ayay ahayd, waxaan u jeedaa waan ka helay, aadbaan isku fahanay xiirkeenii mid aan u bogay oo markii danbe in ay ii timaado dhalay ayuu noqday, gabdha waa la qabay , balse iima aysan sheegin oo waa iga qarisay.

Waxaan ku heshiinay in ay ii timaado, hammi Ayaan geliyay oo beenbaan u sheegay, inaan nin lacag fiican haysta ahay Ayaan ugu sheekeeyay ayaduna waa iga rumaystay,  waxya soo caga dhigatay magaalada Nairobi, ayada oo reerkeedoo iyo ninkeediiba ka soo fakatay, dee Axmadow anigu markaa sida aan hadda u deganahay uma deganayn, dhalinyaro nimo  ayaa i haysay, gabdhii meher been ah Ayaan ku mehriyay, hal bil Ayaan hoteel wada degaynayn. Kadib waan iska fogeeyay, uurbay yeelatay waana aan ku inkiray, wiilbay dhashay waana ka dhintay, ceebtuse waxa ay tahay gabdha ninka qabay markii aan xariirka samaynaynay waxa uu ahaa abtigay,  anoo mooga ah ayaa maalin guri gabar ina adeertay ahi joogtay niman aan qaraabo nahay iigu yeereen, inaan gabar abtigay qabay guursadayna halkasbaa laygu sheegay, in ay I xiraan ayay damceen waase ka fakaday cararkiina halkaanbaan ku imiday.

Axmad oo yaaban ayaa hadalkii qaatay asaga oo shakisan isna leh ninku miyuu kugu ciyaarayaaa, werwersana ayaa ku hadaaqay: saaxiib gabdha aad magaceeda sheegtay  iyo qisad aad ka sheekaysaba shaki ayay igu abuureen.

Nuurow aniga iyo adigu waan isku qiso egnahay, anigu waxaan jeclaaday gabar Nasro la yiraaho oo Nairobi deggan, aniga oo u qalab qaatay inaan guursado ayaa waxaa la ii sheegay in ay laba nin soo guursatay, markaan daba agalay waxaan soo ogaaday in ay arrintaasi run tahay weliba ay laba nin oo qaraaba ah soo guursatay hal mar.

Nuur ayaa soo booday oo yiri: ma adiga ayaa jeclaaday gabar Nasro la yiraahdo oo laba nin oo qaraabo ah soo guursatay?

Axmed:Haa saaxiib weliba in badan Ayaan jeclaa, qisooyinkeenu meelbay iska shabahaan  ee ma ila aragtaa.

Nuur: haa waaba yaabanahay, amay gabdhu aan ka wada sheekaynaynaa hal agabr tahay?

Axmed: waa lagayaabaa  ee bal i tus sawir ma ka haysaa?

Nuur: Dee saaxiib qofta waa hore ayaa igu danbaysay balse faysbuugeeda Ayaan hayaa, ee sug aan ku tuso sawirkeeda’e.

Waxa uu galay isla markiiba degalka ay ka degan tahay Nasro barta internet-ka  waxa uu soo helay sawir ay mardhow soo dhigtay, waxa uuna tusay Axmed Asaga leh waa tan mida i qarabtay.

Axmed kolkuu arkay waa naxay, waxaa uuna yiri saxiib ciyaarta iga daa tani waa gabdhii aan anigu jeclaaye.

Nuur: kuguma ciyaaraayo saaxiib ee waaa dhabe ee adna itus.

Axmed: maxaan ku tusaa waaba mida aad gacanta ku hayso e, ee bal qanac oo arag waa tane, waa isla ayadaa oo dharkale xiran.

Labadii nin halmar ayay madax wada qabsadeen ninba dhanbuu u jeestay, Axmed baalayada  ku dhacaday ayuu la fajacsan yahay Nuurna waxa labadooda qiso kulmiyay ayuu la jaha wareersan yahay, waxayna ogaadeen in hal gabar god ku wada riday, arrinkoodii qosol ayay kusoo gabagabeeyeen, waxayna is waydiiyeen maggaca loo bixin karo qisada qabsatay.

Axmed oo  madaxu qararay ayaa la soo booday maggac kale uma haye waa hammi caashq iyo hunga been ah.                                                                                                  halmar ayay wada qosleen ayaga isla yaaban si wada jir ah u leh hammi caashaq iyo hunga been ah.

~Dhammaad~                                                                                                                                                                                                                                                                 W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

 

SHEEKOOYIN