HANUUN | CABDISALAAN-CEERYAAMO

Dr. Mustafa Maxamuud, horaantiisii waxa uu ahaa Alle-kood in ka badan soddon sannadood Ilaaheey raadinayay; balse markii dambe soo helay. In kastoo aanan doonayn in aan Sooyaalkiisa nololeed ka sheekeeyo, haddana waa muhiim in aan sheego: dhaqtar iyo qoraa wayn labadaba in uu ahaa; isla markaasna buugaagtiisu boqol in ku dhow cagacagaynayaan, si waynna loo yaqaanno. Dhacdooyin badan, oo hab-nololeedkiisa beddelay ayaa jira—kuwaasoo aanan hadda wada sheegayn, mid se aan ka soo qaato.

1968-dii—isaga oo ku sugan waddanka Marooko; gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Rabbaat—ayuu la kulmay islaan gabowday oo reer Faransa ah. Waxa ay uga sheekaysay sheeko amakaag badan, oo noloshiisa raad ku reebtay. Waxa ay u sheegtay, soddon sannadood ka hor in ay timid Marooko, iyada iyo dalxiisayaal kale; si ay halkaas ugu qaataan inta ka harsan fasaxooda.

Waxa ay u sheegtay in ay degeen hoteel, dabadeedna ay habeen riyootay. Nin aad u qurux badan oo maryo cadcad xiran, ayay aragtay. Isla markiiba waxaa maskaxdeeda ku soo degdegay, in uu yahay nabi Muxammed—NNKH. Kitaab yar oo Qur’aan ah, ayuu jeebkiisa ka soo saaray, dabadeedna wuu siiyay—sida ay iyaduba soo werisay. Hurdadii ayay ka soo boodday, jirkeedii oo dhanna waa uu gariiray, ilaa ay dib ugu noqon wayday. Waxa ay u sheegtay, in ay riyaadaasi argagax gelisay. Sidaas oo kale waxa ay weydiisay: sababta ay nabi Muxammed ugu riyootay?

Dr. Mustafa Maxammuud, saaxiibbadiisii kale ayuu arrinkii la wadaagay. Waxa ay kula taliyeen, in uusan aad uga fikir arrinkaas, oo uusan sii furfurin; hase yeeshee kama uusan hoos-qaadin. Waxa uu kala sii sheekaystay dadkii uu aqoonta diineed ku tuhmayay, iyo saaxiibbadiisii kale ee reer Marooko. Si kastaba ha ahaatee waxa uu garwaaqsaday, in ay riyadaasi ahayd farriin isaga ku socota— taas oo u sheegaysa in uu diinta Islaamka u barto; si hufan oo haqab-tiran.

Maalmihii fasixa ayaa dhammaday; dabadeedna waxaa u yimid saaxiibbadiisii reer Faransa, si ay ugu laabtaan Faransiiska. Si walbaba ha noqotee, arrinkaas wuu ka diiday, waxa uuna u sheegay, in uu diinta baranayo. Waa ay ku buuqeen, waxa ayna isku dayeen in ay wax uun ka dhaadhiciyaan, wuuse ka dhaartay. Sidaas aawadeed, nin waalan ayay ku tilmaameen, waana ay ka sii tageen.

Intaas ka dib, waxa uu si wanaagsan u daraaseeyay diinta Islaamka iyo Af-Carabiga; dhab ahaantiina si la yaqaan ayuu meel u saaray, uguna raaxaystay, sida uu isaga qudhiisuba marar badan iyo meelo badan ka sheegay —taasna waxa ay keentay, in uu dib u muslimo oo dacwadda dhankiisa ka galo. Waxa uu sii daayay barnaamij afar boqol oo xalqadood ah, oo la yiraahdo Al-cilmu wal-Iimaan—kaas oo runtii dad badan ku soo riday, dhabbaha hanuunka iyo dhab-u-noolaanshiyaha—inta uusan geeriyoonna, masaajid wayn oo markii dambe isaga loogu magac-daray, ayuu ka dhisay magaalada Giza loo yaqaanno, kaas oo si wayn caan uga noqday gudaha Masar oo dhan.

Cabdisalaan-Ceeryaamo

SHEEKOOYIN