Haybtayda ayaa la igu nacay! Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Haybtayda ayaa la igu nacay! (Sheeko gaaban)


Waxaan daganaa Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, magaalada waa Muqdisho, Dukaan ayaan ku lahaa isla xaafaddaas, dhalinyarana waan ahaa usoo baxay waqtigiisa markaa,.
Wax sidaa xaalku ahaadaba waxaan Jacayl daran u qaaday gabar ka mid ahayd macaamiisah dukaankayga oo halkaa ka adeegan jirtay, iyana qof xun ma ahayn oo way ila fahantay halka aan ujeedo iyo damacayga ku aadan xageeda.
Waxaanu ahayn laba isku wanaagsan in kastoo mararka qaar aan madaxa isla gali jirnay, hadana ilaa xad qofka lagu joogo ee dhiniiciisa culayska u badnaa aniga ayuu ahaa.
Gabadhu waxay ahayd gabar leh han dheer oo Waxbarasho, anigana waxaan lahaa han Shaqo, muddo markii la joogay ayey shaqadu igu xumaatay oo dukaankaygii uu hoos u dhac ku yimid, waxaan goystay muddo markaan fakarayay in aan ka baxo Waddanka oo qabto xagaa iyo South Africa.
Ujeeddadu waxay ahayd in aan kobciyo dhaqaalahayga halkaas oo ay igu dhiiri galsheen dad aan qaraabo ahayn si aan ayaga ula shaqaysto.
Kadib kasoo bixitaanka Waddanka xiriirkeena wuu sii socday oo waxaan ahayn laba ku ballantay in marka gabadha waxbarashada ay dhamaysato aan is guursano.
Waxaan ku maqnaa xagaas muddo 7 sano ah, nasiib wanaag waxaa iskusoo aaday waqtigii ay dhamaysatay waxbarashada iyo waqti aan damcay in aan Dalka dib ugu soo laabto.
Inta ay waxbarashada ku jirtay ma ahayn gabadhu mid afka kaliya ka qoyan oo dhanka gacantana waan dhiibi jiray ilaa xad wixii karaankayga ah, micnaha gabadha waan dhaqaalayn jiray oo waan u roonaa, aniga oo damacaygu ahaa in ay noqon doonto marwada aan naftayda u xushay ina xasilin doontaa.
Markii aan dalka kusoo laabtay una xayd xaydanayay damacayga guurka ah, qofka aan isku diyaarinayana ay iyada ahayd ayey lasoo istaagtay “aboowe kuma guursan karo, sababtana waa labo, aniga oo ah qof waxbaratay oo aan doonayn hadda in aan guursado ilaa aan gaaro hadafka aan tiigsanayo, sababta labaadna waxay tahay ciddayda oo ku qanacsanayn Haybta aad tahay, runtii waan ku jeclahay, balse naftayda kuuma qaadan lahayn iga raali noqo”.
Cajiib!!! Waan ku jeclahay kuumana qaadan lahayn naftayda, hadalkaas hadal iga daadago wuu noqon waayay.
Wiishka ayaa igu yeeray, waxaan waydiiyay ballantii ay ila gashay waxa ay ka macna ahayd iyo halka ay ku dambaysay?
Jawaabta ay isiisay ayaa noqotay, in marka ay balantaas ay galaysay ay ahayd Waqti ka duwan waqtiga hadda, hadana uusan ahayn xaalku sidii hore, waxa kaliya ay iga codsanaysana ay tahay in aan iska cafiyo iskana ilowo in ay wax na dhex mareen, noqonana asxaab caadi ah.
Waxba kuma diidin karin iimana banaanayn waddo kale oo ka ahayn in aan aqbalo sida ay codsanayso, waana u sheegay in aan ka aqbalay wax walba, waxaan kaloo u muujiyaya in aan ka xumahay in waxa la igu nacayna ay haybtayda qayb ka tahay, taas daliilkeedana uu yahay in shalayba Lug u laabnayd oo waxa la waday aysan daacad ka ahayn, sidaas ayaan uga lugeeyay kuna soo af jaray xiriirkeeda.
Kama shallaaysani waayidda aan waayay, ee dhaqaalaha korkeeda aan ku qubay xusuustiisa ayaan la xanuunsadaa marka aan soo xusuusto.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor 

SHEEKOOYIN