Horey u soco. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Horey u soco.
Waxaa wanaagsan mararka qaar inta aad u xayirnaa lahayd raja is baddalna ka sugi lahayd qof aanan ku fahamayn una diyaarsanayn ama isku dayeen xitaa in uu ku fahmo in aad horey uga socoto oo noloshaada qayb aadan ka siin, waqtiga ayaa barayo qiimaha aad leedahay.

Qalbigaada mar walba dhaawac qof aanan u qalmin uu dhaawacayo uma adkaysan karo, naftaadana waa in aadan u qasbin qof aanan naxariis iyo kalgacal toona u hayn.
Qiimaha noloshu ku macaantahay waa is qaddarin iyo isku naxariisasho iyo iska warqab, qof aadan intaas ku haysan ma ahan in naftaada uu qayb ku yeeshaa oo dartiis waqtigaada wacan u qarribmaa.

Xusuusnow mar walba in qof aadan ku qasbi karin in uu daacad kuu ahaadaa hadduusan isagu dooran.

Xusuusnow in qof aadan ku qasbi karin in uu kuu naxariisto ama kaa warqabo haddii uusan taas isaga garan.

Xusuusnow in qofna aadan ka dhigan karin qofka aad rabtid in uu kuu noqdo haddii uusan isagu doonayn in sidaas uu kuu noqdo.

Aniga oo daacad kuula hadlayo runtana kuu sheegayo ayaan ku leeyahay mararka qaar qofka aad is leedahay naftaada qaali ayuu ku yahay ayeyba noloshaada ku macaantahay in uu ka baxo oo la’aantiis ay noloshaada socoto.

Waa in aad u fahantaa waxyaabaha qaar in loogu tala galay in ay sidaas u dhacaan adiga oo ku faraxsanayn hadana maslaxaddaada ay ku jirto.

Naftaada ha ku qamaarin adiga oo isku dayaya wax hallaabay dib u hagaajintooda, waxyaabaha qaar waa in aad u fahantaa in aysan mudnayn dib u hagaajin balse, in la iska illaawaa ay mudan yihiin.

Wax walba sida aad rabtid uma heli karitd haddii qofka wax kula wadaagayo uusan sidaa kuula fahamsanayn, is fahamka ayaa saldhig u ah wax walba, qofka kuugu fahamka badan waa qofka kuugu qaalisan inta noloshaada ku hareeraysan, laga yaabee in qofkaas aadan adigu sidaa u dareensanayn balse, waa xaqiiq aan la dafiri karayn.

Waan ogahay mana ahan wax aan dafirayo in mararka qaar qalbiyadeena ay u ooyaan kuwa aan noo qalmin faham guudna aan ka haysan xaaladaha aan markaa la noolnahay, laakin waa in aan aqbalnaa in dadka nuucaas ah aysan mudnayn in ay nala sii jaan qaadaan inkastoo taas fahamkeeda uu nagu adagyahay oo is waydiin badan uu qalbigeena ka keeno.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN