IBNU SIINAA IYO TIJAABADII WANKA

Ibnu Siina oo ahaa saynisyahan Muslim ah ayaa labo wan ku kala xareeyey labo qafis. Labada wanba isku da’ ayey ahaayeen weyna isla miisaan ekaayeen. Wan kasta xero gaar ah ayuu ku qufulay wuuna kala fogeeyey. Maalin kasta wuxuu siin jirey calaf/raashiin isku mid ah. Wax walbana si isla’eg ayuu ugu qeybin jirey.
Qafis saddexaad oo kuwii hore la mid ah ayuu keenay, wuxuuna ku xareeyey yey abeer ah. Qafiskan saddexaad wuxuu u dhaweeyey qafis uu ku jirey mid ka mid ah labadii wan. Wankani wuu arkayaa yeyga qafiska ku jira, laakiin wankii kale ayaanan arkeyn oo waa laga fogeeyey.
Bilooyin ka dib, wankii yeyga loo dhaweeyey aad buu isu beddelay. Wuxuu noqday wan weyd ah, daal iyo diif badani ka muuqato oo aan istaagi karin. Cabsi iyo qarracan ayuu la noolaa maalin iyo habeen. Ugu dambeyn halkii buu ku nafbaxay. Wankii kale ee aan arki jirin yeyga qafiska ku jira, caafimaadkiisu isma beddelin, marba marka ka sii dambeysana baridiisa ayaa weynaaneysay.
Tijaabadan wuxuu Ibnu Siinaa ku soo bandhigayaa muhiimadda caafimaadka maskaxda. Kurbada joogtada ah waxay keentaa waxyeello caafimaad. Naftaada ha ku mashquulin walwalka iyo caqabadaha nololeed. Alle talo saaro hana dayicin caafimaadkaaga maskaxeed iyo kan jireed labadaba.

SHEEKOOYIN