IFAFAALAHA DAMACA ITOOBIYA EE DHULKA SOOMAALIYEED WQ; CABDALLA QAASIM DAAMEY

IFAFAALAHA DAMACA ITOOBIYA EE DHULKA SOOMAALIYEED

 

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxa ay dhawaan baahisay khariidad cusub oo muujineysa in Soomaaliya  ka mid tahay dhul weynaha Itoobiya.  Arrintaasi waxa ay ku dhalisay shacabka soomaaliyeed, waxa ayna caradooda ku muujiyaan baraha bulshada.

Damaca xabashida ee ku aaddan qabsashada dhulka soomaaliyeed waxa uu ahaa mid soo jireen ah isaga oo sii xoogeystay qarniyadii 14aad iyo bartamaha qarnigii 16aad intii lagu gudajiray dagaalladii dhexmaray boqortooyadii Abbasiiniya ee kirishtanka aheyd iyo Imaam Axmed Gurey.

 

Sannadkii 1887kii waxa uu boqor Menelik II qabsaday magaalada Harar oo kolkaas u dhigantay caasimadda muslimiinta ee bariga afrika.

 

1954kii waxa ay markale xabashidu qabsadeen guud ahaan Gobolka soomaali galbeed kaddib heshiiskii dhex maray iyaga iyo gumeystihii Ingiriiiska.

1964ki ayey misana Ethiopia sameeysay isku daygii qabsashada dowladii Soomaaliya ee curdanka aheyd.

1977ki waxaa Soomaaliya iyo Itoobiua dhex maray dagaal Culus oo ay soomaalidu ku xorreysay gobolka Somali galbeed hayeeshe’e ay dib uga guratay ka gadaal faragelintii Midowgii Soofiyeetku ugu hiilliyey Itoobiya.

Damaca xabshidu waxa uu qarniyadii hore ahaa mid ku dhisan hab diineed oo ay kaniisadda facaweyn ee Orthodoxga ku baadi goobeysay hadafkeedii ahaa tirtiridda xadaaradda islaamka iyo tan soomaaliyeed ee ka jirtay bariga Afrika.
Iminka arrintu waa mid ka gedisan sidii hore. Damacan cusub ee Itoobiyaa ayaa ah mid dhaqaale oo baraxtiran kaasi oo ay dowladda bad la’aanta ahi ku baadigoobeyso marin badeedka ugu dheer qaaradda Afrika oo ay leedahay Soomaaliya.

Ka gadaal isbaddelkii siyaasadeed ee ka curtay Itoobiya,  waxa uu Dr Abiye Axmed bilaabay dardar hor leh oo lagu raadinayo midnimada waddamada Geeska Afrika (Ethiopia, Eritrea, Somalia), dowladahaasi ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqay iskaashi siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka hanaqaada gobolka.

 

Walow ay dad badani u arkayeen rejo hor leh oo gobolka u horseedi doonta horumar iyo isu soo dhowaanshiyo misana waxaa jiray shakiyo badan oo ay indheergaradka soomaalidu ka muujinayeen arrinkaas, hayeeshee soo bandhigidda khariidadan cusub ayaa ah mid farta ku fiiqeysa hadalladii uu Dr Abiye ku sheegi jiray in lagu mideynayo wadamada Geeska Afrika. Iskudayga cusub ee damaca Itoobiya ayaa u muuqanaya mid wareegga saacadda dib ugu celin doona qarniyadii fogaa ee laga soo gudbay.

 

Waxaa qoray; Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN