ILA TALI 32. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Waxaan ahay Xaas muddo Shan Sano, runtii nin wanaagsan oo i jecel anna aan jeclahay waan qabaa, guurkeena qurbaha ayuu ka dhacay.
Guurkeena ma ahan mis si dhaqsa ah ku yimid, waxaanu ahayn laba is daba socotay ilaa dugsigii sare ilaa jaamacadda aan ka dhamayno, sidaa darteed, xiriirkeen qoys ee hadda taagan ma ahan mid ku yimid xaalad fudud ee wuxuu ahaa mid soo maray xaalada adag oo kala duwan.

Waxaan dhihi lahaa maanta haddaad i waydiiso xaalkeena jawaabta aan ku siiyo waxay noqon lahayd sidii ayaan isku jecelnahay balse hal cillad ayaa jirta uu ninkayga leeyahay taas oo ah in uu yahay qof han gaaban hadana jecel wax walba oo qaali ah.

Muddo hadda laga joogo 8 Sano ayuu ka shaqaynayay hal meel, ma jirto wax is baddal ah, mushaar kordhin ma jirin, dallacsiin haba sheegin.

Qaybta tiiraanyada igu haysa ayaa ah in uusan xitaa doonayn ama isku dayin in uu dadaal kale oo dheeri ah sameeyo, marka aan ku dhiiri gali is iraahdana meeshayda ayaan ku qanacsanahay ayuu igu shibbiyaa.

Culayska qoyska sida badan aniga ayuu i saaran yahay oo shaqooyin dhowr ah ayaan qabtaa aniga oo ay ii sii dheertahay in aan xaas ahay oo la iga doonayo in aan ninkayga qanciyo

Waxaan kacaa subixii 2am, waa sideed saac habeenimo si aan u bilaabo isku diyaarinta shaqada, aad ayaan u dhibsaday runtii culayska i saaran hadana wadda kale in aysan jirin ayaan isku sabarsiiyaa oo adkaysi iyo dhabar adayg ayaan isku dhiiri galshaa.
Waan ku qasbanahay in aan shaqa adag qabto maxaa yeelay mas’uuliyad daran ayaa si qumaati ah ii fuushay markaan arkay sida ninka aan ku nasan lahaa uu u dhaqmayo.

Ma ahan aan dacwa ka ahay, jacayl, xurmo, iyo wax walba waan ku haystaa balse, qaybta masuuliyadda iyo kartida ayaa maqan oo ku dhaliilayaa. Waqti dambe ayaan imaadaa, daal ayaan ku seexdaa isla daalkaas ayaana kusoo toosaa, halka ninkayga qaaliga ah uu isagu waqti u hayo in uu kubad ciyaaro daawadana marka uu shaqadiisa soo dhamaysto, waxaan rabay in uu dadaalka dhinaciisa ka galo oo dadaal adag sameeyo, waxaan is lahaa ku naso balse aniga ayuu igu nastay kamase xumi taas oo waqtiga ayaa keenay laakin dadaalkiisa in uusan dhamaystirnayn ayey dhaliisha aan u hayo tahay.

Si aan isaga u mashquuliyo oo waqtigiisa aan uga faaiidaysano ayaan xoogaa inta aruurshay ganacsi dukaan meel uga furay si uu ugu yaraan xilliyada uu firaaqada leeyahay wax inoogu soo saaro laakin taas ma dhicin oo hadda ganacsigii hoos ayuuba usii shiiqayaa, qasaara ma ahee wax kale kama soo socdaan meeshaas.

Waan kala hadlay arrintaas aniga oo si dagan wax ugu sheegaya dibna u xusuusinaya riyada aan wada lahayn inta aanan is guursan iyo balantii aan wada galnay inta aanan qoys wada noqon.
“Waan is baddalayaa macaantayda waa balan, aad ayaan kuu jeclahay in aan ku waayana doonimaayo wallaahi” intaas ayuu qalbigan uu waa hore yeeshay ku beer laxawsadaa!!!

Waan daalay runtii, riya walba aan lahaana hakad ayaan galshay maxaa yeelay waxaan dareemayaa culays daran, isaga wuxuu qaato xitaa kirada guriga kuma filno, waxaan dareemayaa in aan ku dhex hareersamay guurkayga, ma xasuusto runtii markii iigu dambaysay farxad, xitaa ma xasuusto waqti wanaagsan oo aan daganaan kula qaatay ninkayga, mar walba orod iyo daal ayaan u dhaxeeyaa, kaaga daranee ninkayga wax walba uu qorsheeyo waa qaali qarasha dheeraad ah u baahan.

Isku qasnad ayaanu nahay oo wax inoo kala soocan ma jiraan, sida badan waxa la isticmaalo waa qarashakayga, isaga wixiisa meel ay ku filantahay ma jirto, hadana gaari raaxo oo aanan tabar ahaan ka bixi karin ayuu mar walba la yimaadaa, ma jecli in aan dhaawaco oo uu ii dareemo in aanan ka xumahay laakin garashada ayaa ku yar, waxaan doonayay in uu xaalkayga aqriyo oo i fahmo laakin waagaba uma baryin ayaad is leedahay markaad aragto sids uu u fakaryo una dhaqmayo.

Waan qarxi rabaa runtii, wax walba waan haystaa laakin waxaan dareemayaa in aan ku dhex lumay qalbigayga rabitaankiisa culays aanan qaadi karina uu dusha iga saaran yahay, waxaan u baahanahay caawin iyo talo, fadlan tala igu caawiya.

La soco Jimco walba

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN