Inankii cabbursanaa! W/Q: Ramla Gobdoon

IMG_4965

Inankii cabbursanaa!

 

Goor aan sidaa u fogeyn ayuu Iswiidhan yimid. Iskoolka ayaan is la dhigannaa, walise ma wada hadlin. Sida qaabkiisa ka muuqata ma ahan qof furfuran, oo dadka soo dhexgala. Waa keligii socd. Xilliga nasashada waxa uu galaa maktabadda, halka ardayda kale ey si wadajir ah, is ku la socdaan, una ciyaaraan. Si dhib badan ayaa loo maqlaa hadalkiisa. Inta badan waxa uu door bidaa, in uu adeegsado luuqadda jirka, kolka uu ku qasbanaado, in uu hadlana wuu ganuunacaa, oo waxba laga ma fahmo.

Waan ka yaabay dabeecaddiisa, marna waan ka cabsadaa. Dhowr jeer ayaan hab dhaqankiisa u fasirtay, in uu yahay qof ey wax si ka yihiin. In badan ayaan ku kulannay maktabadda iskoolka, mar aan salaamayna, wuxuu ii caddeeyay ilkaha, wax kale i ma uusan dhihin. Talow qofkan maxaa ka qaldan? Ayaan marar badan isweydiiyey.

Waxa uu ag fadhiyay qeybta ey safan yiihiin buugaagta sheekooyinka. Waddo gadaashiisa ka baannaaneyd ayaan maray, si aan buug u raadsado. Isagu waxba ma uusan akhrisaneyn, ee meesha ayuu is ka fadhiyay. Malaha muuqa dadka tirada badan, ee iskoolka ku dhexsocda ayuu diidayaa in uu arko, oo sidaas ayuu meeshan u soo galaa. Dhabarkiisa ayaa soo xigay meesha aan taagnaa. Mar aan gadaal u soo jalleecay ayey indhaheygu qabteen sawir uu ka fiirinayay taleefankiisa gacanta. Sawirka waxaa ka dhexmuuqatay islaan. Gacan taleefanka ayuu ku heystay tan kalana sawirka ayuu ku salaaxayay. Anigoo ka cabsi qaba in uu i arko ayaan ka soo tagay gadaashiisa. Markaan sii hormarayay ayaan wejigiisa fiirisay, misna indhihiisa waxaa ka buuxday illin ku dhaweyd, in ey dhabannadiisa ku soo daadato.

Waxa aan si dhab ah u garan waayay waxa ey yihiin, ayaa halkaas iiga baxay. Dareen faduulnimo ah ayaa igu beermay, waxaana rejeeyay, in aan helo sirtiisa. Maalmo ka dib markii aan maktabadda ku arkay ayaan ogaaday, in aan is ku xaafad deggannahay.

Dhinaca waxbarashada ku ma xuma, waa uuna dadaala badan yahay, balse, ardaydu ku ma dhiirradaan in ey la hadlaan. Maalin uu fasalku wadajir u shaqeenayay, ayaan isaga ku koox noqday. Hal mar xitaa is ku ma uusan dayin, in uu aragtidiisa dhiibto ama uu wax un ka dhaho waxa aan ka doodeyno. Mar ayaan ku dhiirraday, in aan weydiin hor dhigo, wuuse i fiiriyay oo uu is maaweeliyay.

Taloow qofkan ma hadalkaa loo diiday? Ku dhawaad in bil ka badan ayaa ka soo wareegtay xilligii uu iskoolka yimid, walina waxba is ka ma uusan baddalin, anna sidii ayaan baxsad ugu ahay, in aan ogaado waxa u laaban. Duur weyn oo ey dadku ku ordaan ayaa xaafadda qeybteeda dambe ku yaalla, galbaha qaar ayaanna halkaas orod u aadaa.

Galab galbaha ka mid ah ayaan aaday duurkaa. Markaan xoogaa ordayay ayaan dareemay kuleyl, funaannad dhaxan ah oo aan watay ayaan dhexda ku xirtay qamaarkina kor u xiray. Sameecado aad u waaweyn oo muusig cod dheer bixinaya ayaa dhegaha iigu jira. Goobtu waa cidlo eysan dad degneyn guryana ku dhex oollin. Kuwo sii ordaya iyo kuwo soo ordaya ayaad arkeysaa. Leer aad u macaan ayaa ku soo galeyso iyo hawo nadiif ah, oo ka soo dhex baxeysa geedaha waaweyn ee is ku naban. Codadka shimbiraha iyo jabaqda geedahuna waxa ey ku dhacayaan dhegahaaga. Naftu wey u xiiseysaa, in ey mar walbo timaaddo meeshan.

Markaan in badan soo orday, in kalana ey ii dhimman tahay ayaan kolba lug saaray dhagax weyn, oo meesha yaallay gacantana ku qabsaday foodda kabaha. Intii aan jimicsiga yarka ah ku mashquulsanaa ayuu qof ordaya i dhaafay. Waa wiilkii aamusnaanta badnaa. Waxaan si degdeg ah u joojiyay howsha aan hayay, ka dibna xoojiyay orodka. Markan waxa aan diidayaa, in uu yarka iga qarsoomo, oo si xawli ah ayaan u ordayaa. Waxaa la moodaa, in aan isaga ceyrsanayo. Qofku ma ahan qof hadlayee, taloow maxaan u ceyrsanayaa oo aan u sheegi rabaa? Mooji.

Agabka lagu jimicsado oo dhowr xabbo ah, ayaa yaalla qeybta u dambeysa ee duurka. Isaga oo jimicsanaya ayaan halkaas ugu tagay. Waxaan ku fariistay kursi meesha yaalla, sababtoo ah dad badan ayaa qalabka istimaalayay, kii uu ku jimicanayay ayuu ka soo dagay anna kaas ayaan qaatay. Xoogaa ka dib nin kale ayaa isagana ka tagay kii uu isticmaalayay ka dibna isaga ayaa qaatay. Aniga oo marki hore feejignaa ayey dhagaheygau ku soo dhaceen codkiisa oo leh “Si fiican ayaad u ordi kartaa”, intaan u mahadceliyay ayaan u dhoolla caddeeyay. Nasiib wanaag sheeko ayaa inoo furmatay. Magaciisa oo aan horay u maqlay ayuu mar kale ii sheegay iyo goobta uu ka sii degnaa meesha uu ka yimid.

Wiilku wali waxa uu hadalka kaga jiraa difaac, mana rabo, in uu si fiican u hadlo, balse, inaan wax ogaado ayaan rabaa, sidaas darted, waxa aan ku badinayay hadalka. Marka uu is ka meermeeriyo weydiimaheyga ayaan hadal caadi ah u daldalaa, kolkaan dareemo inuu hadalkeyga la socdo ayaan haddana is la weydiinti ku soo celiyaa, markaas ayuu si dhib badan iigu warceliyaa.

Markii aan in cabbaar ah sidaa is ku la keeni weynay wada hadalka, ayuu mar qura ii warramay. Anigoo ka faa´ideysanaya qaabkii uu u soo furfurmay ayaan weydiiyay sababta uu mar walbo la aamusan yahay. Warcelintiisu waxa ey noqotay mid aad u dheer, oo i saameysay. Canaan iyo eed ayuu dusha ka saaray deegaankii iyo dadkii uu ku soo dhex noolaa. Waxa uu ii sheegay, in aan weligiis la dhageysan hadalkana lagu celin jiray, kolka uu damco, in uu wax sheego. Waxaa kale oo uu ii sheegay, in yaraantiisii uu ahaa cunug han weyn, is la markaana wuxuu aad u jeclaa, in uu dadka u sheekeeyo. Sidoo kale in ey hooyadiis dhimatay intii uu safarka ku soo jiray ayuu sidoo kale ii sheegay. Waan ka damqaday arrinkaas, waxaana dib u xusuustay, sawirki uu daawanayay maalinkii aan ku dhex arkay maktabadda. Nasiib darro la ma siin fursad lagu dhageysto waxyaabihi maankiisa ka guuxayay. La ye; shib, sheekaa ka roon.

Kolkii uu in xoogaa ah keligiis hadlayay anna aan madaxa u ruxayay, si aan u dareensiiyo in aan dhageysano, oo aan daneenayo waxa uu iiga sheekeenayo, ayaan hadalki ka qaatay. Waxa aan u sheegay, in wixii xilligan ka billowda uu ku dhiirrado qaabkii uu dadka ku la wadaagi lahaa aragtiyihiisa, is la mar ahaantaana uu is ka saaro cuqdadda uu ka qaaday dhageysiga. Halkaas ayuu iigu ballan qaaday, in uusan la gamban doonin fekradihiisa labadeennuna waxa aan noqonnay saaxiibbo.

 

W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN