INTAAN CIRKA AHAYNAA, CIJIDEYDU KU TAAL Q/3AAD

 
INTAAN CIRKA AHAYNAA, CIJIDEYDU KU TAAL Q/3AAD
 Koobkii bigeyska ahaa haddiiba way ka tuurtay, markaasaa mid caddeys ah loo shubay, kan dambe si deggan ayey u fiiqdaneysaa, waxay Reerka uga sheekeyneysaa talo-xumo ay nafteeda ku eedeyneyso oo ah in Labada Wan ee Ariga  maqan ku jira ay todobaadkii hore uun ka diidday Rag xoolaha ka ganacsada oo Lacag u gaaray, laakiin ay yara saluugtay.
Markii la shaah cabay, ayaa Mako laga codsaday inaysan Qorraxda ku wirwirine ay sugto inta laga karinayo badar hadda dabka la saaray, ha yeeshee way ka suurtoobi weyday inay intaas oo dhan meel fadhiso iyada oo Arigeedii maqanyahay. Mahad-celin iyo Duco wada socda ka dib, waxay codsatay in la fasaxo, markaasaa sidii ay rabtay loo yeelay, Kabtii go’nayd na loo kabay.
Iyada oo Caag loo biyeeyey xambaarsan ayey dhinaca galbeed wajiga aaddisay.
waxa ay socotaba ay marba Beer baxeysa bowdkeeda baasha ka marto, marna Dhul hawd ah jeexdaba, waxa ay dooxa Buur yar oo horteeda ah ka maqashay Jug xooggan oo iska daba dhaceysa. Shaki ugama jiro  nooca jugta yeereysa maadama ay beeraleey tahayna way garan kartaa inay ku beegantahay Goob Mesaggo lagu sukulayo.
 Buurta gaaban markii ay kortay ayey aragtay Rag feero qaawan oo 8 nin ka kooban, afar iyo afar iyaga oo isaga soo horjeeda ayey si talan-taalli ah isku dhaafsanayaan Luun ay ku tumayaan sabuullo Messago oo meel la isugu geeyey. waxa ay kaloo u jeeddaa Dumar iyana Xaarmo jilbaha ku haya oo Mesaggada kala shaandheeynaya, Gufar ka gooni u tuuraya, Sikiladana ku shubaya Jawaanno afka ka furan oo si saf ah loo qotomiyey.
Mako, iyada oo rajo ka qabta in dadka halkan jooga uu qofi baadideeda meel uun ku beytin doono ayey balleysay Haweeney inta ku xajiimootay Calanyada/Caarada ka sul-suleysa  Sabuullada sida xooggan loo tumayo, is xoqeysa.
 Mako, waxay taqaannaa sida loola tacaalo marka uu qofi ku canaanyoodo Mesaggada, waxay sidaas darteed kula talisay inay waxoogaa Biyo ah isku soo buubiso. horey intay u gudubtay  ayey dul-istaagtay Haweeney kale oo Badar buda-dareysa, way salaantay, ma se aysan maqal maadaama ay aad u mashquulsanatay. Waxay Xurbin ku laamineysaa badarka oo ay ka baqeyso inuu ka burtuuro.
Markale ayey salaantii kor ugu yara qaadday oo ismaqashiisay, waa nabade raalli ahoow kuma maqleyn, dheriga ayaa weyninka ka batay oo aan u taag la’aaye bal warran oo soo dhawoow ayey ugu jawaabtay, markaasey Mako heybaarinta Arigeedii goosmay billowday. Waxay qaar ka tilmaantay midabka Arigeeda iyo summadda ku dhigan intaba, waxay Carrabka ku adkeysay Ri’ irmaan ah oo dhegta midig falleer ku leh iyo labadii Wan ee jarka ahaa.
Haweneydii Messaggada loo sukulayey oo tirada xoolaha baadida ku maqan la yara bateen, ayaa inta howshii joojisay oo gacan Xurbintii ku qabatay, tan kale na sinta saartay, ayaa iyada oo ka xun ku tiri; ‘Illaahey bahal ha ka bad-baadshee Arigaas ma arag, balse aan Dadka kale na wareysanno haddii ay wax maqleen.
Mako iyo Islaantii oo isla socda ayaa dhankii  Ragga u dhaqaaqay oo inta ag istaageen Mako hadalkii billowday oo tiri; ‘Raggoow baadi fool xun ayaa igu jirta, toban Neef oo ari ah ayaa shalay galab iga goosmay, waxa ay isugu jiraan Ari cad iyo Ido aan badneyn. Labo Wan oo jar ahna waa ku jiraan ee wax meel ku sheega ma idinku jiraan?
Cid sheegta lama hayo, Raggiina intay yara caajiseen ayey shaqadii joojiyeen markaasaa loogu yeeray inay qadeeyaan oo Karoor meel agtooda ah ka dhisan gogol loo hoos dhigay oo haddiiba la soo dhax dhigay labo Weel oo badar kulul iyo Suucal geel dhax ceegaagaan.
Mako, maadaama ay baadi-goob ku jirto, iyada la lama sugin inta Ragga la soorayo ee ay ka cunteynayaan, sidaas darteed iyada si gooni ah ayaa loo marti sooray si ay jidka usii qabato, iyada oo cuntada la siiyey ka mahad-naqeysa ducana laga daba tuurayo ayey beerta dhex martay. Waxay iska leexineysaa bal dhaadheer oo inta Deyrtan si fiican u baxay, sabuulkii laga jaray oo madaxu  u galoolanyahay sida Bakooradda ay odayaashu ku xarragoodaan.
Beertii markii ay ka baxday oo ay waxoogaa socotay, ayey ku dhacday Rasta ameerikaan ah oo goroftay, muddo dheerna aysan Baabuurtu isticmaalin, si ay u kor goobto wax Saan ari ah oo xagga iyo xagga jidka u gooyey, markii ay waxooga socotay ayey aragtay laba Nin oo iyaga oo wax cusul daddaaminaya waddada qorraxsin uga soo dhacay. Waa wax guduudan ase aysan wali garan karin waxa ay yihiin niyadda ayey iska tiri tolow  madax Dibi miyey sidaan? Xaggee ayeyse u wadaan?
 Nimanki, markii ay qiyaasta labaatan Tallaabo usoo jiraan ayey jidka gees uga baxday, sida dhaqanka Soomaalidu ahaa, mar kaliya ayey xaaddu kacday oo awal waa kululeyde qabowday way naxday oo afka taagtay, markii meel u dhow dig lagu siiyey wax miciyo dhaadheer leh..shalmadaha ka raaracana ay ku sii cabsi galinayaan.
Waa Aar libaax madaxiis, waxa ay Raggu sidaan. shalay iyo maanta oo ay saaminayeen(ku raad joogeen) ayey ugu dambeyntii ka heleen isaga oo hoos jiifa keyn buur dusheed ku taalla, geed weyn oo hoos macaan libaaxii oo barqo libaaxeynaya, kuna halgaadeen, waxa ay raggii bilaabeen Mako oo argagaxsan iney u qalbi qaboojiyaan ugana waramaan dhibkii ay kala muteen dilka libaaxaan iyo sababta ka danbeysay.
La soco qeybta xigta
W/Q; Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)

SHEEKOOYIN