ISLA SOCODKA. Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

Isla socodka
Isla socodka Labka iyo Dhidiga dhex mara guurka ka hor maxaa macna ahaan la dhihi karaa?
La socod sidiisaba waa eray macna badan, laakin marka uu kulmiyo lab iyo dhidig macnaha uu yeelanayo ayaa ah barasho qofba qofka kale uu baranayo haddii uu nolol ahaan la jaan qaadi karo iyo haddii kale.

Si kale haddii loo dhigana waa baadi goobka qofka ugu jira helidda qofkii nolosha ku wehelin lahaa, sideedaba ma sahlana helidda qof macquul u ah noloshaada marka aad ku jirto baadigoobkan aad ku xulanayso qofka noloshaada ku xasili lahayd, waa baadi goob muhiim ah oo sinnaba u sahlanayn.

Inta aad nolol la wadaagi lahayd qof aan noloshaada sinnaba ula jaan qaadi karin farxadna aadan ku dareemi karin waxaa haboon in aad sugato ilaa inta aad ka helayso qofka kuu qalma, qasab maahan in aad wax dhasho, mana jirto cid Maxkamad kuu soo istaajinaysa maxaad wax u dhali waysay, oraahda ah waarimaysidee wax ha kaa haraan waa oraah qaldan marka loo isticmaalo waqtiga ayaa igu dheeraaday ee aan iska gaarsiiyo, is waydii yaa kuu balan qaaday in aad wax dhalayso, ma jiro qof haysta balanqaad ah waxbaad dhalaysaa, guurka qasabka ah haddii uu Alle kaa badbaadiyo naftaada ha u xulin qof aan kuu qalmin si aad wax uun u dhasho, waa in aad ka fiirsataa qofka aad wax u dhalayso ama wax kuu dhalaya.

Haddii aad wax la wadaagto qof aan noloshaada u cuntamayn waxay ka dhigantahay in aad dhumisay noloshaada oo dhan, naftaadana aad ka tuurtay Hog aysan ka soo laaban karin, noloshaada waa Dheeman aad gacanta ku haysato, mar haddii uu dheemankaas kaa lumana heliddiisa waa mid aan macquul ahayn, qof walba oo naga mid ah wuxuu ugaarsanayaa nolol wanaagsan, ku dadaal jaaniska noloshaada hagaajintiisa inta uu gacantaada ku jiro oo go’aankeeda aad leedahay.

Marnaba qasaara ha u malayn la socodka qof aad la socotay haddii uusan guur farxad leh kuu horseedin, qofka noloshaada wuu soo marayaa sabab walba ha ku soo maro, balse, saamaynta ugu wanaagsan uguna dareen macaan haddii uusan yeelan qasaara kuguma ahan, iska daa ha u shallaayin, maxaa yeelay, noloshaadaba boos kuma lahayn.

Qof waad jeclaan kartaa isaga oo qofkaa ah qof ku qaldan noloshaada booskeeda, hadana qofkaas uusan isagu kuu soo jeedin ama ku xumeeyay, waa dhawaac xanuun badan runtii balse waxaa ka sii dhaawac xanuun leh in aad guursato qof ku qaldan noloshaada wax ku yeelashadeeda, taas ayaa ah xanuun lama illaawaan ah.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN