ISMA-GARAN| W/Q: Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

ISMA-GARAN!

Sheeko gaaban

Buug uu dhabta ku haystay ayuu laabay oo sara u eegay cidda iriddiisa soo joogsatay. Tuugo iyo qafalxumo kale ayuu iska jirayay. Kolna taladiisa kuma darin, saacaddaas ayuu Xaaji Raage ku soo jerin doonaa. Waayo, Xaajigu, safar ayuu ku maqnaa horta. Waa mid ka sii yaab badan e, Xaajigu, habeenkii, caado ahaan, ma ahayn nin soo baxa. Isaguu farriin u soo fari jiray, hadduu arrin uga baahdo. Shan iyo labaatankii sannadood uu guraha Xaajiga ilaalada iyo kiro qaadahaba ka ahaa.

Intaannu billaabin, lacag ururinta guryaha, wuxuu ahaa kaadir dhawr meelood ka soo shaqeeyay. Adeege iyo warqad qore ayuu ka ahaa, xafiiska dawladda hoose, intaanu qaranku dumin. Markii la kala qaxay, isagu wuu negaaday. Salkuu mutay. Magaaladiisuu meel ka deyday. Guryo badan oo laga qaxootiyoobay ayuu furaha u qabtay. Cidi kharash kuma siin jirin guryahaas laga orday, laakiin, hoy buu ka helay. Subaxdii magaaladiisa ayuu u kharaab tagi jiray. Casarradiina guriga ugu arag roon ayuu geli jiray.

Dhawr jeer oo laysku dayay in la dhaco, garaadkiisaa samatabixiyay. Cidba wax buu kula xaali jiray. Qaarkoodna guryaha ayuu kiro la’aan soo dejiyay. Sidaas ayuu ku soo gaaray intii laysaga soo noqday. Xaajigan oo ku qancay daryeelkiisa baa shaqaalaysiiyay. Siduu marba meel uga dallacsiinayay ayuu ka dhigtay, dallaal uu wakiishay. Caawana waa kan ugu yimid, makhaasiinkii yaraa ee uu degganaa.

“O-day Xasan, ma soojeeddaa?” ayuu iridkii kala tanaagooday.

Markuu gartay Xaajiga codkiisa ayuu halhaleel macawistii ka kala daadsanad u guntaday. Hadduusan ahayn mid baryar, wuxuu ku dhici lahaa alwaaxa albaabkiisa. Naxdin iyo kadis ayay ku noqotay, imaanshaha Xaajiga.

“Xaaji Raage, ma adigii baa?” ayuu yiri, intuusan qummaati qolka uga soo wada bixin.

Xaajigu, wuu gartay, in uu oday Xasan yaabban yahay. Laakiin, arrintuu ugu socdo inay mutaysatay yaab iyo naxdinba uurka ayuu ka og yahay.

Buuggii uu soo dardaray ayuu ku sibxaday. Dhawr xaashi oo go’an ayaa cagtiisii jilifta la lahayd soo raacay. Intuu is giijiyay ayuu Xaajigii farxad iyo filanwaa ku salaamay.

“Xaaji Raage, soo dhowow. Xaajiyow… Xaaji Raagow…”

“Oday Xasanow, waa nabad.”

“Xaaji, maxaad farriin iigu soo fari weyday?” isagoo leh ayuu soo ag joogsaday.

“Anigaa kuu iman lahaa… Xaaji Raage.”

Xaajigu, wuu og yahay, in uusan maqaasiinkan xun meel aan ahayn warka uu sido ku sheegi karin. In uu qolka gudaha gelana wuu ka wiswisay. Mar uu isha ku xaday dhexdiisa, jirkoo dhan baa jiriiricooday. Joodari iyo darin isku dul baaba’ay ayaa markiiba u muuqday. Mar kaluu eegay, intuu odaygu soo dhacdhacayay ayuu arkay, maro adag oo ciid ku dul firdhisan tahay.

Oday Xasan, hadduu gogosha jafjafan lahaa, Xaajigaa ku soo kadiyay. Markuu guriga soo gelo fiidkii, wuxuu billaabaa xisaabinta inta qol ee bannaan iyo inta lacagtu ka ballansan tahay ee dhowaan la degay. Intaas markuu ka baxo, ayuu furaa kululayso yar oo ay cambuulo ugu keento, maama Sahra. Fiidka iyo caweyska kala beerkooda ayuu gogosha hagaajiyaa.

“Xaaji, ma gurigaagii baan aadnaa?” ayuu yiri, isagoo ka welwelsan halkuu fadhiisin lahaa.

“Maya, waa hagaage…” isagoo maaminaya meeshay ku sheekaysan lahaayeen ayuu Xaajigii horay u sii socday.

“Ma gurigaagii baan aadnaa, Xaaji?”

“Mayee, na fadhiisi.” Dhagaxaan guriga hortiisa ahayd ayuu Xaajigu fadhiga ku hormaray.

“Oday Xasanow, arrin baan kuula socday, caawa.”

“Haye, haye Xaaji.” Wuu garab fadhiistay.

“Waxaan rabay in aan kaala tashto, arrin…”

Madaxiisii baa fure isku rogay. Wuxuu iska baaray, waxa Xaaji Raage, isagaas Xasan ah ka soo geli kara, oo aan ka ahayn, biilasha guryaha laga ururiyo. Taasna toddobaadkii hore ayuu iska miisay. Haddaanu, Xaajigu, hunguri weyni aan lagu aqoon, caawa la iman.

“Waxba yaanan kugu daalinee, waxaan rabay…”

“Haye Xaaji.”

Intuu dhagaxii ku ribtay Xaajigii ayuu yiri:

“Hadalkaba aan kuu soo koobo…”

“Xaaji, degdeg ma jiro.” ayuu yiri. Wuxuu soo waayay, wax uu Xaajiga uga yimid, oo aan ka ahayn, in uu yiraahdo, oday baad noqotay ee guryaha furahooda soo wareeji. Markaas buu intuu kulayl ku kacay madaxa la dhaqaajiyay afkii Xaajigana labada indhood ku tolay.

“Waxaan rabay, in aan guursado.”

‘Aa! Guursado aa! Aniga, guurka Xaaji Raage xaggeen iska soo gelnaa! Ma wuxuu maqlay, inay gabadhi ii joogto. Maya, maya… Anigaanba ka warhaynin, gabadhaasna. Maya!’ Mawacistii ayuu jilbaha ku soo urursaday. ‘Mise, guryihiisa ayuu i dhihi doonaa, dadka iiga saar…’

“Maama Sahra, ayaan rabaa in aan guursado.”

‘Sahradee… maamadee? Xaaji, ma anigaa dhegbasay mise maama Sahro ayaad rabtaa in aad guur…’

“Mar hadday cidlo tahay, aniguna aan awoodo in aan meeleeyo…”

“Xaaji u kaadi.”

“Haye!”

“Ma waxaad u guursanaysaa in aad meelayso, Sahra?”

“Haayoo, labadayaba waan isu baahannahay.”

“Xaajiyadda makhaayadda leh, soo ma aha?”

“Haa, Sahra.”

“Islaanta shaaha karisa?”

“Haa…”

“Shaaha iyo cambuulada karisa…”

“Haa, oday Xasanow.”

Oday Xasan, waa salkacay. Warku wuu dhibsaday. Ma filayn mana ku tashan. Konton sannadood oo kalinimo ah ayuu baarka ka gooyay. Waagii uu dhallinyarada ahaa, ayaa guur la sheego ugu dambaysay. Ogaalkiisa, guurkaas, gabadh buu ku dhalay. Madi ku ah, isaga iyo adduunkaba. Waayo, hooyadeed way ummularoortay. Habaryarteed baa gabadhii galbeed ula guurtay. If iyo aakhiro meel kuma sheego, gabadhiisii. Lixdan jirkiisii bay rajadii guurku ka guurtay. Dan iyo waayo ayaa u diiday, in uu guursado. Cudurro baahi ugu soo dhuuntayna way u raaceen.

Intii muddo ah, rajo kale ayaa dib u soo gashay. Waa maamo Sahrada makhaayadda gurigiisa hortiisa ku haysata. Iyadaa niyaddiisii guur iyo damac ku soo noolaysay. Saddexda waqtiyood, cunno aan kharash badnayd bay siisaa. Galabtii, markay shaqadu ka yaraatana sheeko ayay la soo ag fadhiisataa. Mar kasta, kalinnimadiisa ayay caydaa. Qoys la’aanta ayay ku ceebaysaa. In ayaysan dhimashadiisu xalaal noqonayn, hadduu sidan ku xijaabto, ayay ku caraadisaa.

Warkeedii, beri dhoweyd ayuu odayga ku duxay. Islaantu, waa ku doonaysaa, maad weesada isku dhawrataan, ayuu ku fekeray. Jeebkiisoo markaas marnaa ayuu la sugtay, intuu biilasha kala gurayo. Kistaada ku biirso ayuu isu sheegtay. Waxa arrintii ka soo dul dhacay Xaaji Raage, oo lacagtiisu, irdo badan u furi doonto. Wuxuu ka baqayaa, in ay islaantu, hantida Xaajiga u xilato isagana ka tala baxdo. ‘Maxay kaa tala baxdaa, ma adigaaba u sheegay, in aad la qaadatay, arrintii?’

“Islaantu waa nadaafadlay. Maxaad ku garatay dheh.”

Xasan baa Xaajiga riyoonaya kor iyo geesba u eegay. ‘Ma adigaas ayaa Sahra guursan kara, odayahow yuxuudka ah! Maxay ku falaysaa qufacaaga iyo xaakadaada? Ma Sahra ayaa cutush dhimasha sugaya rabta oo guur ka dayaysa!’ Isagii baa hoos isu dhugtay. ‘Maxaa san oo aan kaa yarahay laftaydu? Carad kale ayaan ahay e. Adigaaba i dhaama oo joxoof ah. Lacag iyo ladnaan baad i dheer tahay. Taas ayaa xoogga iyo xaragada kuugu wacan. ’

“Maxay kula tahay?” Xaaji Raage baa weyddiiyay.

“Runtii, Xaaji…”

“Haddaad igu raacdo, haddaan u wada tagaynaa.”

“Horta Xaaji, mid aan kuu sheego.”

“Ma u tagi karnaa haddaa oo kale?” Xaajigii oo talo ku dhalatay baa sidaas ku durraantay Xasan oo laftiisu dhulku la socdo.

“Duqdu waa meelaysan tahay, Xaaji.”

Xaajigii oo bidaartu qoyday baa si nuxuus ah u weyddiiyay:

“Miyaa la qabaa Sahra?”

Wuu aamusay. Beenta uu afkiisa ka dhawrtay, xaajigii ayay quus dhaxalsiisay. Dhagaxii uu ku fadhiyay baa kor ula soo kacay. Si qabow ayuu u yiri:

“Waad mahadsan tahay Xasan.”

***

Xasan oo kulalaysadii wada baa u hadaafay Sahra xaggeedii. Nasiibwanaag, iyadoon weli hoyan buu ku gaaray. Alaabtii quraacda iyo cajiinkii canjeeradii berri oo la qasaya buu ugu tagay.

Sahra, markay aragtay, Xasan oo kulaylsadii wada ayay ku walaacday, in cambuulo gubatay, odayga loo geeyay. Galabta way ogeyd, in labada digsi midkood gubtay.

Si ay uga hortagto taas ayay hadalkii ku boobtay:

“Xasanow, caawo dhan waan rabay in aad ii timaado.”

‘Ma xaajigii baa kaaga soo horreeyay?’ ayuu uurka iska yiri.

“Cambuulo aan gadaal ka kariyay baan rabay in aad tijaabiso.”

“Waad mahadsan tahay.” ayuu ku gaabsaday.

“Waa mid cusub oo aan caawa bilaabay.”

“Ma kula hadli karaa?” ayuu si dhab ah u weyddiiyay.

“Inkastoo aan daahay caawa, haa Xasan.”

W/Q: Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

SHEEKOOYIN