ISMOOG IYO AW QARDHAAS

ISMOOG IYO AW QARDHAAS

SHEEKO GAABAN
Nin ayaa xaaskiisa la guursaday waxaana uu bilaabay inuusan guriga min weynta imaan habeen oo dhan waxaa u jooga caruur badan oo iskuma qaddo ah. Waxa ayna ka kari weysay ugu yaraan inuu waajibkiisa guto habeen dhaaf u yimaado guriga taas uu aad uga dhago adeygay.
Si kastaba arintu ha ahaatee markii ay u dulqaadan weyday soo barida aan kala go’a laheyn kaaga daran uu yiri haddaad raali ku tahay joog haddii kale sadaxdaada waa iga diyaar.
Waxa ay go’aansatay in ay cagaha dhulka uga qaado wax walbo ay ku qaadato, haddaba waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah ayey guriga ka soo baxday ayadoo aad u careysan garbasaarka dhaxda ugu xiran yahay oo dhag la qabto laheyn labo kobood oo kala jeedo oo waliba mid ay go’an tahay, docda dhan ay dabeysha uga dhaceyso, markii ay ku socon weyday dacaskii  ay is tiri kobtaan go’an gacantaba ku qabso saa tii fiicneyd ayey gacanta ku qaadatay ayadoo kala jeeda sidii inuu baabuur shil la gallay ay soo gaartay kobtii ay u socotay.
Goobta waa wadaad meel xer ku heysta dadkana quraan saara oo magaciisa la yiraahdo Aw Qardhaas, Aw Qardhaas ma ha kitaab gaabloow quraafaad iyo been ku shaqeysta waa wadaad Caalim ah dadka diin ku daaweeya iyo caqligiisa.
Markii uu arkay Islaantaan diifta ka muuqato iyo sida ay u rafaadsan tahay, meel ayuu fariisiyay bun iyo canbuulo iyo qaxwana waa siiyay markii ay nasatay,  asagoo dareensan waxa gubaayo ayuu weyddiiyay gabarteey maxaan kuu qabanaa? Say tiri waxaan rabaa in ninkeyga la ii sixro oo Dibi ama Wan la iiga dhigo wixii xoolo loo baahdo diyaar waaye, wadaadkii oo aysan ku cusbeyn arimaha noocaan ah ayaa yiri: ‘Haddaad rabto xataa Daanyeer ayaan kaaga dhigaa laakiin Sharuud ayaa jirta,haddii aad  kasoo bixi weydo aan waxba kuu qaban karin.
Waxa ay tiri waa diyaar wax walbo ay ahaaato ee shiikhoow waa ku tuugaa gacanteyda ku soo celi ninkaan xoolahii aan  ku tiir  tacab beelay ayuu naag igula guursaday, waliba jees jees iyo kibir igula dhaqmay, intuu maseyr tir i siin lahaa oo ig raali galin lahaa dhibta uu ii geystay intaan ugu soo dul qaatay ayaan waligey ilaabi doonin.
Shiikhii inta cabaar ka aamusay oo kutub uu heystay hadba baal rogay ayuu ku yiri: ‘Waxaad ii keentaa tinta Libaaxa qoortiisa ku taal oo xaaddamidabka dahabka u eg, waa uuun intaas sharuuda. Islaantii inta afka marmaroojisay oo haddba dhinac fiirisay ayey tiri; ‘Shiikhoow bal qalaawada ku laabo Libaax iyo aniga Collaad ayaa naga dhaxeysa dabka ma kala qaadano, wax  dhaaxaa neef uu iga qaaday waa uga sabray, ileen rag ma heysto iiga soo dhigee, kii ka soo dhigi lahaa waa kan aan arrinkiisa kaaga soo gole fadhiistay.
Shiikhii ayaa yiri: ‘Haddaba ma rabtid ninkaan in laguu lugo qabtee nagu kala wad. Say tiri anigaa aqaan biyo ama saliid kuleyl ah aan ku bilbilaa asagoo rif rif leh asagaaba dan iigu joogi doonee. Shiikhii oo arkay qofkaan in ay ka suurowdo iney ninkaas dab ku qabato ayaa yiri naa hoogto sow Ari badan kuuma joogo say tiri: ‘Haa Shiikhoow qeyr sheeg.
Waxaad yeeshaa guriga ku laabo maalin walba neef Ariya kaxee oo keynta libaaxa joogo la tag ku gowrac kana soo noqo maalin walba daqiiqad ha ka dib marin oo u gowrac kana soo laabo, una sii dhawaaw mar alaaliyo marka uu si fiican kuu barto u dhawaaw oo salaax oo ka soo gooy tinta markaas iila imaaw.
Islaantii sidii bay yeeshay, wax ay maalin ba ku sii durugdo oo ay u sii dhawaataba, maalmihii lugaha ayey ka jareyn jirtay, ayadoo la xaragooneysa ayey u geysaa heer uu libaaxii gaaro, markuu arko muuqeeda uu dhoosha ka qoslo, asagoo u muujinaya kalsooni badan iyadana waaba sidii ay rabtay, waxa ay bilaawday in aad ugu dhawaato, salsalaaxdo ugu danbeyn yoolkii ay u socotay waa gaartay waa ka soo goysay tintii loo diray.
Ayadoo farxaddeeda la yaabo ayey jidka ku soo dhacday ooheestaan ku luuqeyneyso:
Sida goosan Ari
Uu weero gallay
Kala gaabiyaan
Haraad gowracnee.
Gubtoo gelin cidlaa
Ku go’doomayaa
Good iyo abeeso
Gacan wabi ma gallay
Godadle waa gediisiyee
Gododle.
Markii ay guriga shiikhii timid ayey ku tiri: ‘Shiikh ha igu daahin wixii aad ii dirtay waa iga diyaar, Shiikhii waxa uu ku yiri Gabarteey aad ii dhageyso, Libaax oo dad qaad ah ayaad soo xero galisay ee nin miyaad u daaheysaa inaad soo xero galiso. Waxaad yeeshaa kac oo gurigaaga ku laabo oo gogosha badal oo caruurta hagaaji oo uunsiga guriga u shid Dariska ha is weydiiyo carafta iyo gurigaaga ka soo baxaayo, markaad intaas sameyso haddii uu lugahaaga hoostooda soo farisan waayo i soo doono.
Sidii ayey yeeshay maalintii u horeysay ninkii shaki ayaa galay waxa uu is yiri ma guri dadoow ayaad soo gashay waa kan gadaal u laabtay is yiri bal iska hubi waaba gurigiisii haddana maseyr baa taabtay gurigaan saan ma ahaan jirin ee waa lagaaga danbeeyay kas dumar uu kadaloob rageed kaaga danbeeyay kaad ku ogeyd maahan . Wax yar ka dib markii casiriye iyo casho uu waligiis  uu arag la isku raacsiiyay,fadhigii sii maceystay oo xolo soo xareyn iyo orod ayuu galay, markuu ka soo dhamaaday, casho yaroo macaan ayaa la siiyay markaas ayey ku tiri soo beri Xaaji habeenku ha kuu wacnaado.
Inta labada dhinac iska fiiriyay ayuu yiri yaad la hadleysaa ma JIN aniga kaliyaa ba halkaan joogee, markaas ayey ku tiri: ‘Xaajiyoow dhagaheyga ayaa bartay soo berida mar waxaan is lahaa yuusan ku dhibsan ha iska sii baxo waa habeen roobna waa soo socdaaye, Suu yiri: ‘Waan joogayaa meel uma socdo sow caawa jimco ma aheyn, markaas ayey ku tiri: ‘Jimco ma ahan waa Arbaco waase lagaaga dhigaa.
Habeenkaa wixii ka danbeeyay waxaa u bilaawdaynolol cusub, Min yaradiina halkaas ayuu ku furay balan iyo axdina uu ku qaaday in ay is duugaan si kale ineysan ku kale tagi doonin.
Dhamaad
W/Q: Cabdulle Cabdikariim  (Jallaato)

SHEEKOOYIN