JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!! (SHEEKO XIISA LEH) W/Q: Ahmed Ali Hyder

JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!!

Qaybtii 3aad

Waxaa ii baryey waa cusub, waxaa igu soo kordhay dareen cusub, ma ihi Axmedkii

shalay, waxaa noqoday Axmed wax tuhmaya, waxaan noqday Axmed baahi qaba,

waxaan noqday Axmed xiiso qaba, dhamaan waaxyaha waxqabadka dareemaheyga

waxay soo qabanayeen Zaynab.

Zeynab iyada ma oga xaalkeyga iyo isbadalka igu dhacay, waxaan jeclaa in aan ka ag

dhawaado mar walba xageeda, iyaduse ima dareensaneen oo waxaan u ahaa arday ka

mid ah ardayda ay ugu jeceshahay iskoolka, saaxiib gaar ahna way ila aheyd.

Jawiga labada dhinac xageyga iyo xageeda wuu kala duwana, xageyga wuxuu ahaa sida

Aar baahan oo ugaartii uu ugaarsan lahaa ay kudhex dabaalaneyso biyo uu ag

taaganyahay, balse intan uu dabaasho uusan kala soobixi Karin Biyaha.

Xaqiiqdii cimilada xageyga waxay aheyd mid qabow badan, baahi badan oo hadana

mugdi badan, waxaan u baahnaa jawiga qabow qof qalbigeyga ka saara,sidoo kale

baahida I haysa qof iga baahi tiro, mugdiga aan ku jirana qof iga soo saaro oo I keeno

meel iftiin leh.

Waxaan ahaa mid dhex sabeynaya cimilo qabow oo ku dhex jira Baraf da’aya kaas oo

waligiis dhex jibaaxin, waxaan kaloo ahaa mid Harraad qaba, waxa is kugu key

darsoomay baahi, Oon iyo Mugdi.

Zaynab waxay aheeyd mid aan ula baxay magac gaar ah, oo cid aan usheegay aysan jirin,

kaaso ahaa magic English ah, (Statuesque) istajuwiski, taas oo la micno ah haweeneey

Sharaf, Qurux, Joog iyo Jamaalba isku darsatay, soo jiidashana u dheertahay.

Lama wadaagin xaalkeyga in aan usheego Zaynab, sababtana waxay aheyd baqdin aan

ka baqayo xageeda, maadaama dareenkaan uu kali igu ahaa, xageedana jawiga uu

sidaan ka gadisnaa, sida ay ila tahay iyadu dareen gaar ah oo ka baxsan saaxiibtinimada

caadiga ah iima aysan heynin.

Dareenka aan u qabay Zaynab baaxaddiisa mar walba wuu ziyaadayey, sababtaasna

waxay aheyd jeceelka aan Zaynab u qabay oo ahaa mid ugub ah, nolosheyda ma jirin

gabar aan dareen jeceyl u qaaday Zaynab ka hor, waana sababtaas sababta aan Zaynab

ugala baqayey in aan la wadaago dareenka jeceyl ee aan u qabay.

Waxaan galay jawi jahawareersan, waxaa cariiri igu noqday dunida oo dhan, Zaynabta

xataa aniga oo wax u sheegan ayaan ka baqayey aragtideeda, ma aheyn wax ay iga

dareentay ee waxay aheed dareen iyo tuhun iigaar ah.

Jahawareerka iyo dareenka jeceelka aan u qabo zeynab wuxuu ahaa mid mar walba

marka ka dambeysa sii siyaadaya, waxaan u baahna qof I caawiya, waxaan u baahnaa

qof ila taliya, waxaan u baahnaa qof aan la wadaago burqashada qalbigeyga.

Waxaan is tusiyey in qofka kaliya ee intaas aan u baahanahay aan la wadaagi karo inuu

ahaa saaxiibkayga qaaliga ah Axmed. Axmed wuxuu ahaa saaxiibkayga igu fasalka ah,

muddana aan saaxibtinimo soo wada qaadanay.

Sababta aan Axmed u doortay waxay aheed inuu iiga fara dhuudhuubnaa dhanka

arrimaha dumarka, waana sababtaas sababta aan u xushay oo aan is iri wuu kaa caawin

karaa xaaladda culus ee aad ku jirtid. Axmed wuxuu ahaa nin wanaagsan markaan wax

ku cabiro saaxiibtinimada iyo waqtiga aan soo wada qadanay, runtii kalsooni fiican

ayaan kuqabay waxaana aaminsana inuu ilaa xad I caawinkaro.

Waxaan go’aansaday in aan Axmed la ballamo si aan arimaheyga ula wadaago, waxay

aheyd galab talaado ah maqribkii kadib markii aan ku kulanay xaafad laheyd meel lagu

nasto, halkaas oo aan ku wadaagnay sheekadii arinteyda aheyd.

Axmed markaan la wadaagay arrinteyda waa uu soo dhaweeyey wuxuuna ii sheegay

inuu iga caawinaayo hanashada Zeynab, in aan Axmed maciin bado waxaa sabab u ahaa

khibrad la’aantayda arimaha dumarka, taas ayeyna aheyd sababta aan oga maarmi

waayay inaan raadsado qof I caawiya, maadama xaalkayga uu sii cuslaanayey.

Raadinta aan raadinayey caawinaanta kuma koobneen Axmed oo kaliya, inta aan Axmed

weydiisanin caawinaanta waxa miiska ii saarnaa Idil oo ayadana aheyd Ardayad nagu

fasal aheyd aniga iyo Axmed, Idil waan isku fiicneyn waana hubay in ay I cawin kartay

hadaan wax usheegto, hadana waxaan ka doorbiday Axmed oo Rag isla aheyn.

Axmed waxaan u sharaxay sidaan wax u rabo iyo sidaan doonayey in loo guda galo

qorshaheyga ku aadan soo xero galinta Zeynab, wax aan ka qariyey ma jirin Axmed oo

qalbigeyga wixii ku jiray oo dhan waan usheegay, aniga oo markaas ku hubeynayay hub

walba uu ku dagaal gali karo si uu guul oga keeno dagaalka loogu jiro hanashada Zeynab.

La soco qaybta 4aad Talaadada insha allah

W/Q: Ahmed Ali Hyder

Ciiseduq12@gmail.com

SHEEKOOYIN