JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!! (SHEEKO XIISA LEH) W/Q: Ahmed Ali Hyder

JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!!

Qaybtii 4aad

Axmed talaabadii ugu horeesay uu qaado waxay noqotay talaabo aan kufarxin, waxay

kaloo aheyd talaabo aan isku ogeyn ani iyo asaga inuu qaado, waxay ahyd talaabadaas

inuu Idil usii maro xaga Zeynab,taas oo aan anigaba sameyn karay aniga oo aan Axmed

u baahneyn, maxaa yeelay, Idil waxaan la lahaa xariir wanaagsan kalsooni fiicana waan

ku qabay.

Idil shaqadii uu Axmed ka rabay way u qabatay oo way lahadashay Zeynab, Zeynabna

waxay muujisay in aysan waxba ka qabin inay jaanis isiiso hadaan muujinkaro waxa aan

sheeganayo inay dhab iga yihiin iyo inkale.

Dadku waa kuwo isku baddala sida waqtiga oo kale, Duruufaha noloshana dadka way

baddalaan, xaasid nimadana dadka way badashaa, khiyaanada iyo lugooyadana sidoo

kale way badalaan dadka, Axmed saaxiib ayuu ii ahaa aan ku kalsoona balse ma aqaan

waxa baddalay.

Axmed markii uu maqlay in Zeynab ii dabacsantahay ayuu guda galay sidii uu zeynab

iigu diri in lahaa,hadda bal xusuusnow in isaga aan u xilsaartay in uu iga caawiyo

helitaanka gabadhaas, sababta uu sidaas usameynayeyna ma sharrix ikaro, balse

waxaan ogaa in uusan ogolayn in Zeynab ay xageyga soo marto.

Zeynab iyo aniga isla hadalkeena wuu yaraaday, waxaa jirtay cabsi xageyga ah maadama

ay maqashay dareenka xageyga , waxay aheyd mid mar walba iga xishooneysay oo

indhaha isiin karin, sidaas aydoo arinta tahay ayaa hadana jeclaa inaan xariir la

sameeyo.

Waxa dhacday in aan si lama filaan ah ugu soo guuro Caasimada Nairobi si aan

waxbarashadeyda ogasii ambaqaado, Zeynab maadama fasal ahan ay iga hooseesay

iskoolkii ayey ku hartay oo meeshii ayaa iskugu kaaya dambesay, markaan Nairobi

imaaday wali kama raja dhigin in aan xariir la sameeyo anig oo badana kala xariiri jiray

Khadka.

Waxaan khadka kala xariiraba muddo laba Sano ah kadib waxay fasax ku timid Nairobi

oo inta aysan soo bixin iisheegtay inay imaan donto, Zaynab iyada oo iska qabto fakarka

ugu xun uu iga baahiyay Axmed ayey hadana ila wadaagin in ay dareen sidaas ah qabto,

balse aniga waan ka dareemayay in ay wax tabanayso si aan wax uga waydiiyo iyo halka

aan ka bilaabo ayaansa garan waayay.

Axmed iyo Zaynab aada ayey iskugu soo dhawaadeen tan iyo intii uu axmed bilaabay

baahinta been abuurka xagayga ah, ma garan Karin sababt uu axmed iila dagaashanaa,

saaxiibtinimadeena caadi ayey ahayd anigana ma doonayn in aan marna dareensiiyo in

aan ka warqabo falalkiisa gurracan, waxaan aaminsanaa haddii ay xag Alle iiga

qorantahay in uu shaqeeyo xiriika aan ka doonayo Zaynab in uu shaqaynayo wax hor

istaagi karana aysan, waxaa jirtay xushmad gaar ah oo aan u hayay saaxiibkayga, mana

doonayn in aan wax sidaas ah ku kala fogaano, isaguse sidaas uu iigu waynaa aniga

uguma weynayn.

Aniga waxaan isku diyaarinayay soo dhaweynta Zeynab aniga oo hadiyado aan ugu

talagalay usoo iibiyey si aan ugu soodhaweeyo, balse nasiib darro way iga diiday

qaadashada hadiyaddaas aan qarashka badan kasoo baxshay waqti badan uu iga galay

soo xuliddeeda.

In aan usoo gado Zaynab hadiyad laba ujeeddo ayaan ka lahaa in aan ku ogaado, mid

waxay ahayd in aan bal dareemo cudurka uu axmed xagayga uga beeray zayanb

baaxadda uu lahaa in aan ku ogaado, midda kalana waxay ahayd in aan u muujiyo

Zaynab in ay qaali igu tahay, aniga oo ka diyaarsanayay sambaaatii ama qaab aan kula

ka ulmo, si aan mar labaad daaha uga qaado dareenkayga jacayl ee xageeda ku aaddan.

Waan la xariiray oo waxaan isku dayey inaan ka dhaadhiciyo in aan is aragno, balse way

diiday is arageena ayadoo wax sabab ah aan ii sheegin, aniga waan ogaa oo waan

dareemi karay sababta ka dambaysa arrintaa, iyaduse kuma baraarugsanayn in aan ka

warqabo ama dareemi karay sababta ay sidaas u samaynaysay, qof walba oo inaga mid

ah kaarkiisa ayuu ciyaarayay.

Waan ka xumaaday rutii oo hammi badan iyo raja badan oo ka qabay shaqsiyadda

Zaynab ayaa xagayga kasii shiiqaysay, maxaa yeelay kama filayn Zaynab in ay sidaa u

garaad yartahay, oo iyada oo aan jaanis ii siin in aan si fiican isku barano ay sidaa iga

aaminto kuna go,aansato in ay iska key fogayso.

Waxaa dhacday inaan Axmed maalin waddada iskaga hor nimid, wuxuu ii sheegay in uu

u socdo iyada oo ay soo wacday si uu u geeyo Suuqa, balse wax saameyn ah iguma

yeelan hadalkaas oo Axmed wuxuu ii ahaa saaxiib qaali igu ah, saaxiibtinimadeena ayaa

igala weynayd arrimahan na dhex yaala.

Waxba kama qabi lahayn haddii uu axmed Zaynab la wadaagi lahaa Arrimo jacayl oo

waxay noqon lahayd arrin aan fahmi karo, damaca iyo dareenka dadka wuu kala dilaa

wuuna isku diraa, balse mar damac a iyo dareen haddii uusan kala dhaxayn gabadha

aniga aan saaxiibkii ahaa oo u sheegtay damacayga gabadhaas, waxaa fajac igu noqotay

sababta ku riixday in uu u shaqeeyo si ka duwan sidii aan isku ogayn.

La soco qaybta 5aad

W/Q: Ahmed Ali Hyder

Ciiseduq12@gmail.com

SHEEKOOYIN