JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!! W/Q: Ahmed Ali Hyder

JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!!

Waxaan aha mid usoo baxay waqtiga dhalinyaranimadiisa, waxan lahaa Hammi badan

iyo Riyo, waxan laha Rajo badan, Intaas oo dhan waxay aheeyd riyo aan ku riyoonayey

ka hor inta aanan ka soo baqoolin halka aan ku dhashay oo aheyd Kismaayo. Duruufaha

nolosha ee igu xeernaa waqtiga ayaa igu qasbay inaan ka soo baxo kismaayo oo aan u

soo haajiro mid kamid ah Xeryaha Qaxootiga ee Kenya. Waana Kakuma.

Kaakuma markaan imid waxan kalakulmay Xaalad an ii sawirneen inta aanan ka soo

bixin Kismaayo, kakuma waa meel aad ay nolosheeda u qallafsanayd oo nolol adag,

kaliya uu ku noolaan karo qof u dhabar adeega oo daruufaha heysta ay kuqasbayaan

inuu ku noolado, ma ahan meel u fiican qof dhalinyaro ah oo rajo dheer ka leh

mustaqbal nololed.

Imaatinkeyga kakuma iyo markaan arkay xaaladaha adag ee kajira waxaa igu soo

kordhay rajo xumo iyo qalbi jab iyo qarracan nafsiyadeed, runtii meeshaan ka imid iyo

meeshaan joogo ma aha laba nolol oo la isbarbar dhigi karo xaaladahooda nololeed.

Duruufaha adag ee ka jira xeradaas iyo markaan arkay xaaladaha adag ay ku noolyihiin

dadka xerada dagan ayaa waxaa ii sawirmay oo is tusiyey in waddada kaliya aan oga

badbaadi karo xaaladahan adag ee nolosha ay tahay inaan waxbarto, maadaama

waxbarashadu ay aheyd riyada uguweyn ee aan tiigsanayey, xaaladda xerada ka jirta

darteedna aysan ii suura galinen in aan quuto xoogayga, micnaha aan shaqesto.

Waxaan bilaabay waxbarashadeydii Dugsiga dhexe, runtiina la qabsiga xaaladaha

iskoolada Kenya ka jira waxay ahaayeen kuwa igu adag dhanka Luuqadda iyo qaabka

waxbarashada oo kaduwan qaabkii aan kismaayo wax oga baran jiray, dabcan Caqabado

badan waan la kulamay, balse ma aheen kuwo iga hor istaagi jiray gaaridda hadafka aan

tiigsanayey.

Asxaab badan ayaan iskoolka ku dhex yeeshay, qaarkood way dhoofayeen oo waxa soo

dhawaa dhoofiddooda, qaarna howlihii ay ku bixi lahaayeen ayaa meel dhexe u marayey,

qaarna waxay ahayen kuwo ay rajo xumo daashatay kadib markii ay ku daaheen

xeryaha qaxootiga, ayaga oo rajadii iyo riyadii aheed nolol fiican ku gaara kakuma ay

yara soo daahday.

Asxaabta qaar waxay ahaayeen kuwo sidayda oo kale ku cusub xerada, inkastoo lagu

kala duwanaa hammiga iyo riyada uu qof kasta tiigsanayey, qaar ayaa u yimid meesha

inay kadhoofaan oo waxbarashada u aheed Maweelo ay ku gaarayeen waqtiga ay rabeen,

qaarna sida anigoo kale ayey riyo waxbarasho lahaayeen, qaarna inta xaaladda mesha

ka jirta u adkeysan waayeen ayey u kala firxadeen magaalooyinka kaladuwan ee Dalka

sida Nairobi iyo Mombasa oo nolol maalmedkooda u raadsadeen.

Nasiib wanaag aniga waxaan ku nagaaday oo si wacan ula qabsaday iskoolkii aan

markaas dhiganayeey oo runtii asxaab iyo macalimiin qaali ah aan ku yeeshay, kuwaas

oo runtii qeyb weyn ku lahaa in aan ku nagaado gaaridda hadafkeyga waxbarasho.

Xaaladdu waxay aheeyd mid isku badbaddaleysay sida mowjadaha badda oo kale, dadku

waxay nolosheyda ugu soo biirayeen sida waqtiga cusub u yimaado, qaarna waxay

noloshayda oga baxayeen sida waqtigu uu u baxo, waxaan ahaa mid la nool waqtiga oo

kaliya .

Waxay aheyd aheyd subax ka mid ah subaxyada nolosheyda ugu xasuusta badan, waxa

ay aheyd subax aan la soo toosay xaalad ka duwan xaaladahii aan la soo toosi jiray,

subaxaas wuxuu ii lahaa dareen gaar ah iyo tilmaan gaar ah, waan dareemayey waana

ogaa inay wax dhici rabeen, balse ma sifeyn Karin waxay noqon doonaan waxas

dhacaya.

Aniga oo dareen qaba ayaan subaxaas soo aaday iskoolka, waxaana ugu tala galay

qaadashada cashirradii aan ku soo tala galay, waa subax uu qalbigeyga si ka duwan sidii

aan ku aqiinay u garaacmayey, waana ogaa inuu wax tabayey, waxaan isweydiinayey

waxa uu qalbigeygu tabayo s aaka.

Anigoo sidaa u fakaraya lana yaaban sida xaalkeyga uu yahay saaka, fasalkana dhex

fadhiya sugayana macallinkii na siin lahaa xiisadda ugu horeyso ayey soogashay iyada

buugaagteeda ku sidata Shafka qalina usuranyahay dhanka midig ee dhafoorka.

Waxay u ekayd aradayad cusub oo saaka kusoo biirtay Iskoolka oo Imtaxaan u qalma

heerkeeda aqooneed looga qaadayay fasalkeena si kumeel gaar ah, iyada iyo laba

gabdhood ookale oo nasiib wanaag iskoolka iskumar soogalayey.

Waxa laga qaadayey imtaxaan lagu ogaanayo heerka ay fasal ahaan u qalanto, natiijada

ay imtaxaankaas ka keentana lagu geyn doono meesha ay mudantahay, sidaas darted

aysan ka dhigneyn inay kusoo biirayso fasalkeena.

Sheeko yar oo walalnimo ayaa nagu dhex martay meesha waxay ii sheegtay igana

codsatay gacan ku saabsan imtaxaankeeda taas oo aan umuujyey in aan diyar u ahay in

aan gacan ka siiyo, runtii aad ayey iigu mahad celisay aniga oo mahad celinteeda ka dib

kula kaftamay inaan wali sameenin wax la iiga mahad celsho.

La soco qaybta 2aad Talaada walba

W/Q: Ahmed Ali Hyder

Ciiseduq12@gmail.com

SHEEKOOYIN