JAWHARADDII HAL MAR LA HELAY EE MISANA LUNTAY!!!! Qore: Amina Abdillaahi

FEDERALISM1

JAWHARADDII HAL MAR LA HELAY EE MISANA LUNTAY!!!!

Casaa oo dheeraa, Qurux badanaa, oo qoton wanaagsanaa, Timo dhaadheera oo Kubab iyo Cududdo cuddoona, arageedu soo jiidasho badanaa, wejigeedu nuur badanaa, ma dayax shan iyo toban joogaa, ma cadceedda markaa soo baxdaa, ma waagoo soo guduutaa.

Waxa ay u ifaysaa sidii xidigtii dagaaro, dhididkeedu caraf badanaa, ma cadarkii titaanig baa, udgoon badanaa, waxaad mooda toban Cadar oo bukuura ah inay isku jebisay.

Nadaafad badnaa guriga ay joogto, saxar yar oo qashin ah ma dhexyaalo, waa dhisme ka kooban Fillooyin iyo Dabaqyo dhaadheer, dhinac waxaa ah Webi biyood oo biyeeya Beerta.

Beerta waxaa ka baxa Dalag badan, sida, Xabxab, Yaanyo, Barbarooni, Basal, Kabash, Dabacase, Baradho, Saytuun, Muus, Canbe, Shamaam iwm, dhinaca kale waxaa ka soo jeeda berkaddii dabaasha.

Badu way dhowdahay, oo kaluun baa lagala soo baxaa markaste, baadiyaha xoolaha lagu dhaqda guriga kama foga. Dhaydii Geela oo xoorkeedii leh ayaa la keena, ciirtii maanta la lulay iyo subageedii ayaa guriga yaala.

Cad, Caano, Kalluun, iyo qudaar, kaad u baahato waad helaysa ee adiga uun ha cuni waayin ayaa laysku dacaayadeeya xaafadda. Hugay xidhataa waa Xariir noocyo badan leh oo qaaliya.

Dahabka iyo luulka ayaa Far walba ka sudhan, habeen iyo maalin way xinaysan tahay. Gaadiidka kay doonto ayey raacdaa, Fardaha iyo baabuurta haw badnaadeenee.

Beeyadda ay ku noo shahay amaankeedu waa sugan yahay, dadka ay la nooshahay way jecelyihiin  oo fadhigga ayaa looga kacaa, bulshadu waa kuwo u adeega danta guud iyadana way ilaashadaan.

Arageeda quruxdda badan way ku diirsadaan, la’ aanteed iyagu waxba may noqdeen, Dunida magac kumay yeesheen, lamana aqoonsadeen haddaanay joogin iyadu, ma hadasho, wax ma maqasho. waxna ma cunto, Dhego iyo indhona malaha waxna ma u riso. jihadii loo jeediyo uun bay u dhaqaaqdaa, hadana waa johorad qaaliya, Malaayin dollar way ka qaalisan tahay.

Maanta johoraddii meelkasta xabad ayaa lagala dhacay, quruxdeedii iyo dheheedii, wuxuu noqday Dhiig, subax iyo habeenba dhiiga dadwaynaha ayaa cidiyaha loogu cilaama.

Dharka ay xidhataa waa mid uskag badan, kaaso ah Qabiil. Iftiinkeedii badnaa, waxa uu isu baddalay Mugdi, Kubabkeedii iyo cududaheedii way miiqmeen, timihii dhaadheera waa laga dhukuray oo maanta Madax cad ayay leedahay.

Gurigii barwaaqadu dhexjiiftay ee ay ku noolayd waxa uu isu badelay gelgelin iyo gawaan cidlo ah Fakhri iyo gaajana ay dhextaalo, Dadkii iyada jeclaa Hub iyo Qoryo ayay isu sitaan maanta, dunidana iyaga isugu neceb!!!!!!

Qore: Amina Abdillaahi

SHEEKOOYIN