KU SOCOTO NINKAYGA. (WARQAD FURAN) Qore :Mohamed Musa Sh. Noor

letter

KU SOCOTO NINKAYGA  (WARQAD FURAN)

 

Nolosha waa mid dhinacya badan iska kaa tusisa dhacdooyin badana leh, kuwaas oo aad ka taxaddari lahayd inta aysan kugu dhicin haddiiba aad ogaalkeeda lahaan lahayd, dhacdooyinka kugu dhaca noloshaada ee gabi ahaanba ku baddala waxaa ka mid ah, Guurka, kadibna carruuta aad dhasho.

Waxa aan mar walba ka fakaro ayaa ah, waxa saamaynta ku yeelan doono noloshayda marka ugu horeysa ee aan noqdo Waalid ama Xaas, waa hubaal in noloshayda ay gabi ahaanba is baddali doonto sida aan hadda ahayna aanan ahaan doonin.

Waan hubaa in uu jiro doono Waqti badan oo adag kaas oo murugadiisa wata, iyo waqti wanaagsan oo farxaddiisa wata, Nolosha ayaana labadaas dhinac ka kooban oo ma ahan wax aan hadda u wal walayo.

waxaan hadda ahay Qof kaligiis ah, Xiriiro badan waa jiraan balse ma aqaan midka aan gacantiisa barkan doono, noloshana dhinac walba aan ka wada rog rogi doono, waxaasa jeclaan lahaa in aan Farriin furan ama Warqad furan u diro ninkayga mustaqbalka, ma ahan oo kaliya ninkayga mustaqbalka sidoo kale ilmaha aan dhali doono aabahood.

Farriintan waa mid aan uga digayo ninkayga dhibaatooyinka iyo is baddalka nololeed ee inoo bilaaban doona marka aan is guursano, iyo Marxaladda labaad ee ku iman doonta is baddalka nolosheena waalidnimada, waa marka aan ilmaha ugu horeeyo dhanlno.

Diginiin oo kaliya ma ahan warqaddayda ama farriintayda sidoo kale waxaan ka marnayn Waano iyo Guubaabo aan ugu tala galay kan nasiibka u yeesha in uu noloshayda baddalo, waxaana ku bilaabayaa warqaddayda sidan.

Ku socot ninkayga:  nolosheena waa is baddali doontaa hubaal, wanaag kan ugu fiican ee ah is hanashadeena iyo kan ugu xun ee ah marka ay xaaladda naga murugsanto, markaas oo uu qof walba la fadhiisto meel murugadiisa, ilaa heer ay gaarto si waydiintiisa, maxaa nolosha ku baday in uu iskula cataabo.

Maadaama ninkayga maalmahayga Guurka uu bilow inoo noqon doono, waxaan jeclaa lahaa in macaanka nolosha uu inoo muuqdo, ceebtaydana aysan isku muuqan oo qof walba qofka kale wanaagiisa u muuqdo.

Waan garansanahay in aanan noqon Karin Xaas u dhigma boqolaal xaas, dhanka Quruxda, Dareenka, Naxariista, Samirka iyo dhamaan inta uu qof walba u riyaaqi karayo, sababtana waxay tahay in kaamilnaanta aan la igu abuurin, balse waxaan kuu balan qaadayaa ninkayga in ilaa xad in aan isku dayo in aan buuxsho meelaha banaan ee aan is leeyahay waa ku kaafin kartaa ninkaaga.

Sidaas si la mid ah ninkayga adigana waxaan kaa codsanayaa in dadaalka aan muujinayo mid kusii laba jibaaran aad muujiso oo iigu samirto xaaladaha adage ee aan gali doono iyo kuwa aan haddaba laga yaabo in aan ku jiro.

Dadku isku dareen maahan waa kala dareen, wax Wanaag aan u arko ayaad u arki kartaa Xumaan, taas macnaheedana ma ahan in aan kugu xumeynayo, ee waa wanaag aan is leeyahay samee.

Waxaa inoo bilwday ninkayga mid ka mid ah Safarrada ugu dheer nolosheena, waxaa dhacay is baddal nolosheena qaas ku ah, raaxadeena iyo rayn rayntayada waxay dhashay in uu nagu soo duulo Duul aan la garanayn waxa uu noqon doonto, balse aan fileynay duulaankiisa.

Waxaan kaa doonayaa marka ninkayga in aad u diyaar garowdo ugana soo baxdo si wanaagsan qaabka aad u hanan lahayd difaaca nafteena iyo midka duulaanka inagu soo qaaday.

Xaaladdayda shaqsiyadeed waa is baddashay, Candhuuf tufid ayuu igu sababay kan yare ee calooshayda galay, Matag badan wuu la yimid, habeenkii iyo xilliyada kale ee aan ku weheshan jiray wuu iga kaa mashquuliyey, adigan naftaada wehel la’aan ayuu ku dhigay, laga yaabee nadaafaddayda in aad dhibsatay, balse, ma ahan wax aan uu dhashay nadaafad xumada ee waa astaama ka mid ah astaamaha uu iila yimid duulkan nolosheena kusoo duulay (ILMAHA YAR).

Quruxda jirkayga waa qayirmatay, shalay haddii aan kula ahaa midda adduunka kuula qurux badan laga yaabee in aadan maanta sidaa dareemayn, ma ahan ninkayga in aan kugu eedayo taa, ee waa muujin aan muujinayo dareenkayga.

Bilaha soo socda ninkayga waxaan kaa doonayaa in aad ogaato in aan ku jeclahay, waqtina aan u heli doonin qof kale marka laga reebo kan yar ee calooshayda dunida u tahay, waan ku jeclahay ninkayga taa ogow, xitaa marka aysan u muuqan sidaa oo laga yaabo in dhaqankayga iyo waxa aan afka ka leeyahay aysan is qaban karayn.

Waxaad ogaataa in aan ku jeclahay marka aan jawaabo aadan ku qancin ka baxsho waydiintaada, waxaa sidoo kale ogaataa ninkayga in ka fogaanta aan kaa fogaanayo iyo dhibsashada aan dhibsanayo caraftaada aysan la macna ahayn in gabi ahaanba aad ka suushay qalbigayga.

In aan ku jeclahay ogow marka aan kugu cidleeyo Sariirta, waxaan kaa doonaya in aad ila fahanto Xaaladaha adag aan marayo, sababaha ku macnayso in ay tahay safar ka mid ah safarrada nolosheena.

Fadlan ninkayga waa in aad ogaataa in aan aad kuugu baahanahay in ka badan inta qof loo baahan yahay xaaladaha aan ku jiro dartood, waan kuu baahanahay maxaa yeelay, maalin walba waxaan dareemayaa in aan qar kasii dhacayo, kaligey ma mari karo waddadan adag ilaa aad gacan igu siiso mooyee.

Ma garan karo waxa aan dhab u ahay iyo waxa aan samaynayo, waan baqayaa ninkayga, waxaan u baahanahay garabkaaga, waxaan u baahanahay dhiira galintaada si aan horey ugu sii socoda, noloshayda oo dhan ayaa is baddashay, Daciif ayaan noqday, Dulqaadka wuu igu yaraaday.

Waqtigu wuu sii adkaan doonaa, waxaana jiri doona Waqti aan labadeenaba aamusnaanta ka door bidi doono isla hadalkeena, waxaa imaan doono waqti aan ku fakari doono in ay wacnayd in aanan nolosha ku shirkoobin, anaga oo og in aan is jecelnahay, waxaa kaloo imaan doona Waqti aan dareeno in aanan isku baahnayn, hadana aan isku baahanahay.

Waqtigaas adag waan ka bixi doonaa, waaana fahmi doonaa in ay u qalantay, Alle waxa uu nagu mannaysan donaa wax aan kuwada faraxno, xaaladaha adag waa in aan wada jir uga wada gudubnaa inaga oo isku dul qaadanayno.

Nikayga waa in aan isla garanaa waxyaabaha nolosha saldhiga u ah, ma ahan taas micnaheeda in aan kugu dhaliilayo in aadan fahmi Karin, ee waa dhiiri galin aan kugu dhiiri galinayo fahamka danta inaga wada dhaxaysa.

Ninkayga aniga Xaqa aan leeyahay ma ahan mid aan aniga qorayo ama dusha kaa saarayo, waa xaq uu mar hore Looxul maxfuudka ku qoray Allaha ina abuurtay, xaqaas oo kaliya ayaana kaa doonayaa ma jiraan wax ka baxsan oo ka saa’idsan xaqaan oo aan dalbanayo.

Ninkayga Xaqa aad igu leedahay waa iga diyaar si la mid ah kayg ayuuna Alle waa hore qoray, waan isku dayayaa in aan kasoo baxo kaalintayda, waxaan kaa codsanayaa dulqaad iyo jihayn wanaagsan oo aad i jihayso.

Nolosha nolol ma noqoto Wahel la’aan, Qofka wahel la’aanta ahna mar walba noloshiisa waa mid kala dhiman oo wax baa ka maqan, waxaan ku faraxsanahay in aad tahay wehelkayga nolosha, shallaytana kama qabo in aan Marwadaada ahaado.

Waxaan kaa doonayaa in aad noqoto aabe wanaagsan, Min u wanaagsan xaaskiisa, wax walbana xaqooda siiya, Tabasha mar walba waa jiraysaa, waasa in aadan u qaadan tabashadayda mid xadka ka baxday oo adiga aan kugu dhibaataynayo ama wax kaaga tabanayo.

Waa in aad noqotaa mid aan afkayga dhawaqiisa sugin ee wax walba ka garta ishayda marka ay bilig tiraahdaba, inta awoodayda ah waan is xakamayn doonaa, adigana sidaas ayaan kaa doonayaa.

Sida shalay marka aan gabadha ahaa aad ii jeclayd iiso jeclow, sida aad saaxiibka iila ahayd iila ahow, sida aad iigu maadayn jirtay iigu maadey, sida aad iila fara ka ciyaari jirtay iila fara ka ciyaar, sida aad Hadiyadaha iigu keeni jirtay iigu keen, sida aad ii dhihi jirtay Macaan waan ku jeclahay marnaba yuusan carrabkaaga hilmaamin.

Waa in aad garataa in intaas oo xaaladood marka aad shlay ila maraysay aadan dhadhamin macaanka jirkayga, macaankayga shaqsinimo, shirkana aan nolosha kuwada ahayn, maantase ay sidaa ka duwntahay oo wax walba aad iga heshay.

Intaas ayaan kusoo gunaanadayaa warqadda furan ee aan ugu tala galay ninkayga. Saaxiibkayga, ilmahayga aabahood, wahelka noloshayda, midka iiga sokeeya wax walba oo Ehel ah.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN