KUFSADE LAMA KARAAMEEYO!!
Kufsi micnihiisa waa garaafayn iyo burburin dhimirka qofka iyo jismigiisaba loo geysto, dumar iyo ragba qofka ku dhaco dabin kufsi ama la kulmaama waa hubaal in ay u tahay darsi xanuun badan oo inta noloshiisa ka dhiman la noolaado.
Dhaawacyada ku dhaca Jirka iyo kuwa ku dhaca Laabta qofka waxaa xanuun badan oo laga soo kabsan kuwa ku dhaca laabta qofka, hubaal in qofkaas uu cuqdad nafsi iyo xanuun gudaha la noolaanayo.
Xaqiiqda marka laga hadalayo dadka loo geysta kufsiga waa yartahay in ay kusoo laabtaan sida ay ahaayeen, noloshoodana ay u wataan sida ay ahayd haddii uusan qofkaas ka helin caawinaad bulshada uu ku dhex nool yahay iyo maamulka iyo waalidkisaba.
Waa arrin xanuun badan runtii marka aan maqlo kufsi ayaa meel hebel ka dhacay qof hebel ama heblaayo ayaa dhibana u noqotay, runtii xanuunka uu jirkayga la dubaaxiyo ma ahan mid aan dareen ahaan qalin kusoo koobi karo, waana sababtaas sababta maanta igu kalliftay in aan idinla wadaago qoraalkan kufsade lama karaameeyo.
Uma diyaarsanayn runtii mana lahayn waqti aan wax ku qoro, balse waxay igu noqotay xuduud aan dhaafi waayay, waxaana ka baqay in aan caadi u wato noloshayda maalin laha aniga oo ay igu jirto urugada arrintan.
Dhowr jeer ayaan la kulmay dad ay arrintan qabsatay si kal iyo laab ah ayaan ula talshay qaarkood waa ka gudbeen mixnadda musiibadaas ay la kulmeen, qaarkoodna wali waa la nool yihiin cuqdaddii ay ka qaadeen, ayaga oo aaminsan in nasibnimadooda shaqsiyadeed ay wax ka dhimantahay!
Taas waxaa kasii daran bulshadeena Soomaaliyeed oo ah bulsho aan khibrad wanaagsan u lahayn cudurkan ka xun cudurada dadka khabriyadooda geeya, waa cudur rutnii aad u xun, in aad dhimato waa lama huraan, in aad noolaatana oo xaaladaha nolosha ee adag aad dhadhamisana waa lama huraan, balse, nolosha dhibkeeda iyada oo ku sugaysa haddana haddii aad la kulanto cudurkan Dhimir dilaha ah waa kasii xanuun badantahay la noolaanta nolosha lama huraanka ah.
Waxaan idinkula wadaagi doonaa qormadan Qiso gaaban oo ku saabsna kufsiga iyo dhaxalka ay dumarka qaar kala hareen in ay la noolaadana danta ay ku qasabtay, ayaga oo mar walba Murugo iyo Sas nafeed ehel u ah.
Kusfiga lagula kaco dadka qaar rag iyo dumarba si guud ayaan uga hadli doonaa balse qormadayda waxaan xooga ku saari doonaa dumarka maadaama ay ayaga yihiin dhibanaha koowaad ee duumadan ku dul dagtay.
Marka hore inta aanan sheekooyinka kufsiga qaar iyo xanuunadooda aanan u guda galin waxaan aad uga xumahay ugana kulalaaday arrinta ka dhacday Goldogob, waxaan u tacsiyeenayaan waliba dareen tiiraanya leh la wadaagaya gabadha dhibanana u noqotay falka bahalnimada ah ee ka baxsan Baniaadanimada.
Waxaan leeyahay waxaan xanuunka kuula dareemayaa sida ay kuula dareemeen waalidkaaga, waxaan xanuunka kuula dareemayaa sida aad u dareentay, waxaan kuula fakarayaa sida aad uga fakarayso mustaqblka fog ee noloshaada sida uu noqon doono, waxaan kuu ahay walaal, waxaan kuu ahay waalid, waxaan kuu ahay wehel nololeed, waxaan kuu ahay wax walba oo aad ila jeceshahay in aan kuu noqdo.
Aad ayaan uga xumahay arrinta kugu dhacday, bulshada soomaaliyeed oo dhan inta damiirka leh ee garshada fog u saaxiibka ahna hubal in qof walba xanuunka uu dhiniciisa kaala qaybsanayo.
Adiga nama taqaanid nama ogid in aan dad ahaan u jirno, anagase waan ku garanay, waana ogaanay jiritaankaaga, waxaa tahay qof loo doortay in ay astaan wanaagsan oo digniin ah bulshada u noqoto, dhibkaaga yuusan kuu muuqan ee ha kuu muuqato difaaca aad u noqon doontid malaayiinta dumar ee dhibkaas la kulmi lahaa.
Qalinkayga waxaan u qaatay dartaa, dhibkaaga ayaan la seexan wayaay, murugadaada ayaa i dabooshay, waxaan ahay Aabe dhalay gabdho, waxaan ahay wiil ay hooyadii dumar tahay, waxaan ahay mid ay gabdho la dhasheen, waxaan ahay mid kasoo agtoosa Dumar, waxaan ahay mid jacayl daran u qaba mid ka mid ah dumarka oo jacaylkeeda la noolaa waligeed, intaas oo dhan waa ii dumar, dumarka waa noloshayda oo dhan, aniga dumar ayaan ka imid dumarna waa iga yimaadeen, ma doonayo mana u dulqaadan karo in la jaraaxeeyo ama la dhaawaco qayb ka mid ah jirkayga, walaashey waan kula jirnaa waana kula qaybsanaynaa dhibka kugu dhacay sabarka kaasho waad liibaanaysaa.
Kufsiga dumarka qaar waa ka kabsadaan qaarna godka ayey la galaan, inta ka bad baadda waa kuwa la nool xaalado adag, qaarkood ayaa ku qaada Uur aysan filayn kuna tala galin, waa dhibaato xanuun badan runtii, in kan ku dhaawacay ee noloshaada dhamynteeda usoo dhigtay uu haddana uurkaaga ku dhex yeesho saamayn qofeed oo ilmihiisa aad korisid subax walbana ay kaa soo hor baxaan.
Dabcan ilmaha ku dhasha sababta kufsiga wax dambi ah ma lahan, balse, waxay xanuun gaar ah u leeyihiin waalidiintooda oo ay u noqdaan cashar lama ilaabaan ah oo aysan waligood hilmaami Karin.
Hilmaanka waa qayb ka mid ah naxariista uu Alle koonkisa kusoo dajiyay, nolosha qaar horey looma wadeen hadduusan hilmaan jirin, dhib walba oo kugu dhaca waad hilmamaaysaa, balse dhibabka qaar marka ay calaamado sida caruurta oo kale ah wataan waa adagtahay sida lagu hilmaamo.
Waxaa jira ilaa shan dumar ah oo si kala gaddisan aan ula kulmay iyo qaar igula wadaagay arrintooda dhanka baraha bulshada, mid walba xanuukeeda ayey lahayd marka ay ii qeexeysay qaabka ay nolosheeda u hagto iyo sida ay ula nooshahay xaaladda adag ee ay marayso.
Sheekooyinka ay dumarkaas ila wadaageen kuma soo koobi karo qoraalkan, waxaanse idinla wadagi doonaa mid walba erayada dareenka igu reebay ee aan sheekadeeda ku ilaabi waayay.
Magaca aan ula baxay gabadhan waa Leyla, ma ahan magaceeda dhabta ah, iyada oo ila wadaagaysa xaaladdeeda nololeed ee ay ilaa iyo hadda la nooshahay ayey igu tiri “Maxamed waxaa la i kufsaday aniga oo 16 Sano jiro, hadda Xaas ayaan ahay caruur leh, waxaan ku jiray safar aan uga soo baxay magaalada aan ku noolaa uguna socday ciddayda oo Miyiga ku nool.
Gaariga la igu soo daray kirishboyga saaran ayaa igula kacay kufsi arxan darro ah, darawalka wuu ogaa raali ayuuna ka ahaa, aniga walaalnimo iyo aaminaad aan ayaga aaminay ayaan usoo raacay, duruuf kalana waa jirtay oo igu kallifaysay in aan raaco, sababtana waxay ahayd ma jirin gaari aadaya miyiga aan u socday.
Kufsigii ay igula kaceen waan la aamusay oo kuma dhiiran Karin in aan sheego, nasiib wanaag ninkii i kufsaday laba usbuuc kadib shil gaari ayuu ku dhintay, oo abaalkiisa ayuu xagga Alle ula galbaday.
Aniga gabar yar ayaan ahaa, maba igu jirin fakar ah in aan wax dhali karo amaba gaaray Da’da wax dhalidda, waan ogaa in aan qaan gaar ahaa balse xaaladda la igu kufsaday isma lahayn saamayntaas ayey kugu yeelanaysaa.
Laba bil kadib ayaan ogaaday in uu isbaddal igu dhacay oo xaalkayga uusan ahayd sidii gabarnimadayda, waxyaabo aanan waligeey dareemin ayaan dareemay, hooyadey ayaan la kaashaday xanuunka i haya, balse caawinaad kama helin oo caay iyo wax aanan mudnayn ayaan kala kulmay.
Waan ka xishoonayay oo lama wadaagin hooyadey in la i kufsaday waliba ay i kusfadeen nimanka aan gaarigooda miyiga ku imid, haddaan ogaan lahaa in ay arrintan igu dhacayso isal maalintiiba waan la wadaagi lahaa waalidkayga iyo ehelkayga, balse cayb ayaan u arkay sidaas ayaana ku qarsaday balaayada i qarsatay.
Maxaan sharaxaa, ninkii sidan igu sameeyay wuxuu ahaa nin laga garanayo miyigeena oo isku deegaan ayaan ahayn, haddii aan maanta dhaho isaga ayaa i kufsaday cid iga dhagaysanaysa ma jirto cid i aaminaysana ma jirto.
Hooyadey iyo aabahay iyo walaalahay dhibaato xoogan ayaan kala kulmay oo aad ii saamaysay, jirdil iyo af lagaado iyo wax walba oo la igu bahadilayo waan kala kulmay xagooda.
Ayaga waan uga garaabayaa dhibka ay igu hayeen maxaa yeelay ma ogayn xaalkayga iyo dhibaatada qaabka ay iigu dhacday, waxaan xagooda ka ahaa gabar soo dhillaysatay oo dambiile ayaa u ahaa ayaga.
Ma jirin sabab aan u sharrixi karo ugana dhaadhicin karo in waxaan ay igu ahaayeen shil lama filaan ah oo igu dhacay, waxaan goostay in aan iskala noolaado cunugayga caloosha ku jira.
Miyigii waan ku noolaan waayay oo ciddayda Dayro ayaan ka noqday, qof i og una caddayn kara dadkayga xaaladdayda qaabka ay ahayd waxaa ka jiray oo kaliya darawalka gaariga, isagana dambi ayuu ka cararayay in aan u qabsado oo qayb uga dhigo dhibka igu dhacay.
Dhowr jeer oo aan la kulmay kana codsaday in uu ciddayda u caddeeyo waxa dhacay wuu igu diiday, isaga oo igu dhahaya ma aniga ayaa rabtaa in la i qabsado, waan ogahay in aadan dhilo ahayn, waana ka shallaynayaa in aanan ku caawin marka kufsiga lagula kacayay, marka walaashey dhibka ku haysta haddaan caddayntiisa qayb ka noqdo, dadka qof dhintay ma qabsadaan ee qofka nool ee la qabsanayo waa aniga, ee walaaley iga leexo arrintan lug kuma yeelan karo.
Si kaste waan isugu dayay waana u sharraxay in uu ila fahmo xaalkayga balse wuu igu diiday wuuna ila garan waayay halka aan rabo in uu ila aado oo ah badbaadinta noloshayda.
Isaga tiisa ayaa u muuqatay, uma muuqan nolosha cunugan caloosha ku jira iyo aniga shaqsi ahaantayda, runtii in aan la noolaado arrintaas muddo sagaal bil ahna caloosha ku sido, cunugaas iyo in ninkaas dhintay ee i dhibaateeyay dartoodna la ii deersho waxaa iigala naxadin badnaa oo mar walba ama sakan walba aan la noolahay arrin kale taas oo marka aan arkaba aan iska ooyo.
Waxaan ku dhalay wiil xaaladdaas adag, danta waxay igu qasabtay in aan takoor ka dhex noqdo bulshadayda iyo ehelkayga, uusana jirin nin iisoo haasaawa taga, waxaan lahaa magaca Wecel dhashooy.
Waa arrin xanuun badan runtii, aniga waligey ma sinaysan kumana fakarin, shilka igu dhacay dartiis ayaa noloshayda oo dhan u gaddoontay, dhowr su’aalood ayaan is waydiiyay oo ah, maxay tahay xikmadda uu Alle ugala jeedo ciqaabtan nafsaaniga ah ee kugu dhacday, maxaase u maraysaa oo ku mutaysatay ciqaabtan takoorta ah ?
Mar walba kalsoonida aan Eebe ku qabo igama nusqaamayn, oo Alle tuuga waan badinayay, waxaan ahaa mid leh rajo ah, in maalin uun uu xaalkeeda sidan dhaami doono, mar walba oo aan arko dumarka xaaladdayda oo kale ku sugan waan u dhawaan jirin wixii tala ah ee adkaysi ku salaysana waan sii jiray.
Wiilkayga wuxuu noqday Aabihii oo inta taagan, xubin walba, ha noqoto dhanka muuqaalka, dhanka af kala qaadka, qaabka uu xanaaqa u muujinayo dhamaan intaas oo dhan waxay ahayd astaanta aan ku arkay kan i fara xumeeyay ee Alle qaddaray In aan ubadkiisa dunida kula silco isaga oo wax abaal ah aan iiga ahayn warna u hayn in aan ahay hooyada dhashay wiilkiisa.
Xanuun iyo murugo ii gaar ah ayey ahayd, waan hilmaami lahaa ninkaas, balse suuradda wiillkayga iyo af kala qaadkiisa markaaan arko waxaan soo xusuustaa xaaladdii la igu kufsaday, ilaa hadda oo aan marwo ahayna jirkayga wuu la xanuunsadaa.
Waa ciqaab kale oo aan la noolahay, wiilkayga aan usoo rafaaday, dartiis la ii deershay dulli iyo darxmana aan usoo maray in uu lahaado suuradda saxariiriyaha noloshayda, waxay iii noqotay xusuus kale oo aan la noolahay.
Alle mahaddiis maanta waxaan ahay hooyo leh caruur kale sharafna leh, runtii wiilkayga xoogiisa iyo kartidiisa ayaan ku gaaray meelo badan oo aanan gaari lahayn, isaga ayaa sabab u ah in aan soo xajiyo isaga ayaa sabab u ah in ilmahayga kale iyo anigaba aan nolol wanaagsan ku noolaano, ciladda kaliya ee aan wiilkayga muuqiisa uga naxo ayaa ah marka aan arko suuraddiisa iyo qaabka uu afka u kala qaado, taas oo igu noqota xanuun laabta i kala jara oo mararka qaar aan la ilmeeyo, isaga xitaa wuu dareemay balse, waligey uma sheegin in uu ukee Aabihii.
Mahad eebe ayey u sugnaatay wiilkayga dhiigiisa dambe ha ahaado dhiig Kufsade, balse tarbiyada aan tarbiyeeyay ayaa ka dhigtay in uusan u dhawaan amaba ku fakar noqon dadka nuuca aabihiis ah.
Sheekadan waxaan u hibeeyey dhiiri galina uga dhigayaa gabadha yar ee kufsiga kula kulantay Goldogob, aniga shaqsi ahaan ma aqaan, balse waan la xunuusaday, runtiina waan ka xumahay in arrintan, wiilasha dhibkaas geystayna aan sidii la rabay loo maarayn.
Kufsade karaama ma lahan, waa Kansar bulshada ku dhaca mudana meesha uu ku dhaco in isla markiba la jaro si uusan xubnaha kale ee bulshada ugu faafin, xanuunka kufsadaha wuxuu la mid yahay xanuunka kansarka oo marka uu meel ka mid ah jirka ku dhaco uu jirka oo dhan la xanuunsado, haddii lagu sii daayana uusii halaagayo xubnaha kale, ugu dambayna galaafanayo Nolosha qofka.
Kufade walba ma mudna in bulshada lagu sii dhex daayo, wuxuu mudan yahay in meeshiisa lagu karantiilo oo bulshada laga qabto, qaabka la rababa ha looga qabtee, sharci islaam iyo sharci walba oo nagu hogaaminaya in kufsade uusan bulshada kusii dhex nagaan waan in la marsiiyaa.
Wey jiri doonaan insha allah qoraalo sidan oo kale ah oo aan idinla wadaagi doono, waan ka xumahay waana idinkaga cudur daaranayaa haddii ay jiraan Erayo aan si munaasab ahayn u isticmaalay, sidoo kale waxaan idinka raali galinayaa haddii aad fahmi wayseen erayada qaar aan isticmaalay, wixii aan saxay xag Alle ayey ka ahaadeen, wixii aan khaldayna xagayga ayey ka ahaadeen, kufsiga yaan la siyaasadeen, yaanan la dhiiri galin, qof walba meesha uu ku goyn karo ha ku gooyo.
W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor