KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                         KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 16aad

idil markan dhaqaala wanaagsan ayey yeelatay wax ka maqan ma jirin, waalidkeeda ayey dib ugu laabatay waay isku dayday in ay ka dhaadhiciso in ay magaalada usoo guuraan, waasa ku gacan sayreen .

intii ay idil ku jirtay ka dhadhicinta soo guuridda waalikdeed ayaa waxaa si lama filaan ah u geeriyooday aabaheed, halkaas ayey iska joogtay ilaa muddo gaaban si ay tacsida iyo sarriigta ama murugada ugala qayb qaadato hooyadeed.

Geerida aabaheed kadib waxaa meesha kusoo haray laba gabdhood iyo wiil cidda u yaraa iyo hooyadeed, mar labaad ayey isku dayday in ay ka dhaadhiciso hooyadeed in ay ku filantahay noloshooda ayna ka aqbalaan codsigeeda ah in ay magaalada muqdisho usoo guuraan.

Waxaa miinka cuskatay hooyadeed oo sinnaba ay idil uga dhaadhicin waysay, waxaa lagu soo kala tagay markii la isku daalay kadib in la isku duceeyo, idilna wixi ay markaa ugu tala gashay ciddeeda ayey inta siisay iska soo dhaqajisay.

Idil howlaheedii shaqo ee magaalada ayey dib ugu laabatay, markan waxay hammisay guur afaraad oo ay doonayso in ay kaga weheshato cidlada, waxay guursatay nin dhaqtar ahaa oo laba xaas lahaa, balse ahaa nin aad u abaabulan oo dumarkiisa mid walba sideeda u qanciya.

Idil muddo ayey isla joogeen dhaqtarkaas, nasiib darrada dhacday ayaa ahayd in dhaqtarkaas loo dilay aano beeleedka ay magaalada muqdisho caanka ku ahayd, halkii ay waligeed aqoonta u lahayd ayey ku laabatay waa murugada iyo wehel la’aanta.

Gabadhan idil ah dhib badan waa martay samri badan waa yeelatay runtii, uma malaynayo in uu qofkeen intaas u dul qaadan karay, waa hubaal in aan su’aalo badan is waydiin lahayn.

Idil waxaas waxba umey arkin, quruxdeeda iyo qofnimadeeda ayey lahayd mar walba, sifada gabadhaas ka muuqato qofkii arkaa ismaba dhahayn qofkan ayaa nolol adag oo murugo badan soo martay.

Idil qurux iyo qiimaha uu Eebe u dhalshay ayey lahayd, marnaba uma dhutinayn dhibaatooyinka qaddarta rabi ku yimaado, oo isla Alle ayuu ahaa kan mootinaya dariiqyadaas qodxaha badan ee ay gabadhan dariska u noqotay.

Waxay iska wadatay howlaheeda shaqo, lagama dareemayn xanuunada saamaynta leh ee ay dhibaatooyinkaas ku dhacay ay ku reebeen, nasiib wanaagsan waxay ahayd qof aan dib u xusuusan waxyaabaha murjiya ama ay is lahayd dib ayey kuu dhigayaan.

Qiimaha nolosha qofka fahansan ayaa garan kara intaas, haa, iska illow wax kasta oo ku murug galsha, xusuuso qaybta wanaagsan ee noloshaada, maxaa yeelay, xusuusta wanaagsan waa mid sii dhiiri galisa hore u socodka noloshaada dambe.

Idil gancsigeeda wuu sii balaartay, waxay yeelatay dad u shaqeeye oo ehelkeeda ahaa, isla habaryartii ay shalay is gafeen balse aysan ku kal tagin is gafka gabar ay dhashay ayaa idil u shaqaynaysay.

Idil waxay bilowday ganacsi kale oo ahaa dhanka maacuunta iyo electronics, kuwaas oo ay u iib gayn jirtay waddamada dariska sida Kenya iyo Itoobiya, shaqo wanaagsan oo dhaqaala badan ayey ahayd baa la oran Karay.

Waxay ahayd halgamaa aan baqin wadda celisana aysan jirin, waddada u muuqato ayaa ka dhirir badnayd caqabadaha yar yar ee isku gudba horteeda, xaqiiqdii waxay ahayd halyey aan la holin karin, waa taa soo taagan oo shaqaysanaysa iyada oo aad ogtihiin wixii ay soo martay oo dhib ah.

Waxaa la yiri haddii aad seexato adiga ayaa seexday ee nolosha marnaba ma seexato habeen iyo maalin, ninkii seexdaa ayaa siciis dibi dhalay, idil halgan habeen iyo maalin ah ayey ku jirtay, waxay ahayd qof laga sito xag Alle oo marnaba wax istaajin karaa aysan jirin.

Idil joogista muqdisho ay joogto ayaa uga Qatar yarayd aadist waddooyinkaas konfureed ee Dalka, hadana dhaqaala ahaan waxaa u wacnaa dhinaca qatart badan, waxay ahayd mid tawakashay Allaha abuurtay, Qaddar iyo qaybka lama oga waxa ay la imaan doonaan, sida uu Alle ka dhigo ayeyna howsho noqon bey dhihi jirtay.

Safarkaas qatarta badan idil dhaqaala badan ayey ka suubisay oo waxay ka gadatay magaalada guryo dhowr ah, dhowr bakhaar oo ka mid ah bakhaarada suuqa bakaaraha ugu shidana waa dhisatay, idil caaddaas ayey maraysaa.

Farxad iyo faytaan ayey ku jirtaa, wax ka maqan ma jiraan, riyada ay ku taamaysay waa gaartay ayaa la oran karay marba haddii ay ka baxday gacan dadeed iyo guurkii loogu xoola doonana jiray.

Rafaadka raaxaa ka dambayso ayaan maqli jiray, howlaha adduunyada waa kuwa isku Rahman oo sidaa isku dul saaran, idil qorshayaasheeda ganacsi ayey sida turubka u kala baandhaynaysay, gawaari xamuul ah oo Waddamada dariska alaabta geeyana waa yeelatay.

Waxay ahayd qof magac ka leh magaalada iyo bulshada ay markaa ku dhex noolayd, idil ismaba lahayn waxbaa kuu dhiman, walina dariiqa aad gaari lahayd ma dhawa, waasa iska bani aadam iyo xaalkiisa, nimcada yar bani aadamka waxay hilmaansiisaa waxa uu ahaa iyo waxa uu yahayba, waxayna tusisaa oo ka dhaadhicisaa wax badan uusan ahayn, ahaana doonin.

La soco Qaybta 17aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN