KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                                 KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 18aad

Waxay ahayd dhacdo lama filaan ah oo murugadeeda leh aamusnaan, fajac iyo naxdin ayaa qof walba oo dumarkaas ka mid ah kasoo wada haray, qaarna waxay is lahaayeen armey ceeb idin dilootaa ka baqid taas laga cabsanayana waxay isku dhaarsadeen in aan cidna loo sheegin dhacdada kufsiga ee kuwada dhacday.

Idil waxaa u bilowday nolol qalafsan misana murugo badan, runtii dhibkeeda waxaa lagu garan karay in ay mar walba gudaha iyo dibadda ka ilmayn jirtay sida badana dadka waa iska qarin jirtay ilaa xad oo ma jecalyn in qof uu ka dareemo in ay dhib ku jirto ama dhib goconayso.

Nolosha dunida wax walba oo adag waxaa jira wax ka adag oo jabiya, sida aad doonto u adkanow qof ku daciifiya wuu jirayaa mar walba, idilna maadaama ay qof adag ahayd waxaa jilciyay oo hoos u dhigay arrinta kufsiga ah ee ku habsatay .

Idili sidii ayey meeshii musiibada kula dhacday uga soo tageen iyada iyo haweenkii arrinta kula dhacday waxayna soo abaareen dhanka Muqdisho, safarka inta lagu jiray qof walba wuxuu ka fakarayay waxa uu mustaqbalku noqon doono.

Qaar waxay ka fakarayeen in cuduro ay kasoo qaadeen kufsiga iyo in kale, qaarna waxay ka fakarayeen in ay Uur aan xalaal ahayn ka qaadaan, idil waxay qayb ka ahayd kuwa ku fakaraya in ay xanuuno aan la aqoon kasoo qaadaan meesha ama kuwa aan daawada lahayn sida Eedhiska oo kale oo markaa qof walba oo Soomaali ah aad uga baqayay.

Sida aad u fakarayso mararka qaar ma noqoto meesha laga jiro oo dunida xaalkeeda ayaaba ah dhinaca aad jirto dhinaceeda kale in ay kasoo muuqato, idil kumaba fakareen in ay ilmo ama Uur ay meesha kasoo qaadayso, raja nuucaas ah maba ku jirin oo waa hore ayey taas ka quusatay.

Nolosha inta nafta ay kugu jirto lamaba ogola in aad ka quusato wax aan macquul ahayn dunidan kama jiraan, caqli ahaan marka aad si dagan u fakarto qaabka Aadanaha loo abuuro iyo waxa uu ka abuurmo ma ahan wax caqligaaga qaadan karo, waa awood naga wayn waxa wax maamulaya, sidaa darted, ka shaqsi ahaan dunida inta aad ku nooshahay quusta ka saar qalbigaada iyo maankagaba.

Idil Muqdisho marka ay kusoo laabatay waxay iska gashay shaqadeedii, dhaqtarna waa u tagtay oo markaa waxay is lahayd armaa jirooyin sida infection iyo wax la mid ah ay kugu dhacaan, baaritaano badan ayey isku samaysay nasiib wanaag waxba lagama sheegin balse waa waqti hore ayaa lagu yiri inta wax badan la ogaan karo sidaa darteed waxaa lagula talshay in ay saddex bil kadib baaritaan kale usoo laabato si loo ogaado saamaynta dhabta uu yeelan karo kufsiga lagula kacay.

Idil jawigeeda wuu is baddalayay mar walba xaalad murugo iyo uur kutaalo ayey gashay, ma ahayn idishii lagu yaqiin fir fircoonida iyo howl karnimada waxaa ugaarsanayay xanuunka maskaxda ah ee ay kasoo qaadday musiibadaas.

Idil wax badan ayey ka fakaraysay, mararka qaar waxay is waydiinaysay sababta uu Alle sidan ugu imtixaanayo oo waxay dib u goconaysay maalmaheedi hore ee mugdiga ahaa, waa iska bani aadam iyo xaalkiisa, mar walba uu qofku dhibtooda waxa uu hilmaamaaa waxa uu ahaa iyo waxa uu maanta yahay farqiga u kala dhaxeeyo.

Dabeecadda Aadanaha ayaa ah in aysan xusuusan nimcooyinka ay waqtigaas haystaan iyo waxa kaliya oo gubaya ama dhibayana ay yihiin xanuunka markaa ku taagan, idil way qaadan la’ayd oo waa u cuntami waysay in iyada oo idil ah ay kufsadaan intaas oo rag ah hadana qofka waxaas ku dhaceen sababta ay u noqotay ayey is waydiinaysay.

Xanuunka wuu kala daran yahay marka aad nafis u heli karayso iyo marka uu naftaada oo kaliya inta ku dhex dhuunto xubnahaaga aan muuqan uu tartiib u gubayo, idil waxa haystana waxay ahayd in xanuunkan uu iyada kaliya gudaha ka gubayo dadka in ay la wadaagto si nafis ay u heshana aad ayey uga cabsanaysay.

Arrimahan oo kale waa arrimo dhib badan, xanuun badan, murugo badan, ma ahan fikrad wanaagsan in lala wadaago bulsho hadhow natiijada aad kala kulmayso ay noqonayso takoorid iyo in ay kugu sii beeraan cuqdad nafsi aad awal la dhibanayd, xalka wuxuu ula muuqday in ay shibteeda ahaato.

Waqtigu wuu sii gurmayay idil isbaddalka ku socdana wuu sii kordhayay, markan waxaa kusoo kordhay caajis badan, hurdo badan, dabeecadda oo ka luntay, xanaqeeda oo batay, qandho joogta ah oo meel laga jiro aysan sheegi Karin, astaamo ay fahmi waysay ayey ahaayeen.

Waa nimcada Eebe in mararka qaar nalaga qariyo waxyaabaha na dhibaya ee nagu soo socda, haddi naloo sii sheegi lahaa siduu xaalkena noqon lahaa? ma shaqaysan lahayn, ma hurdi lahayn, ma harsan lahayn? Dhamaan jawaabahaas waa wada maya oo qaarkeen waxaaba laga yaabi lahaa in ay naftooda sidaa ku wayn lahaayeen.

Is baddalka ku socda nafta idil halkiisa ayuu kasii socday, idil xanuuno goos goos ah oo aysan aqoon meesha laga haya ayaa qabanayay, qof adag oo miyi ku kor ah ayey ahayd wax badan ayeyna xanuunadaas iska dhaga tiraysay.

La soco Qaybta 19aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN