KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur.

                                       KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 20aad

Idil wali go’aan dhab ah arrintan kama gaarin oo maba ka fakarin xitaa waxa ay noqon doonto iyo sida ay arrintan u wajihi doonto, wax walba waxaa kala cuslaa xanuunka haya iyo fakarka faraha badan ee ay arrinta nolosheeda maanta bilaabatay ku yeelatay.

Idil awal ayuu alle u dhalshay karti iyo xilksanimo oo arrintan way ka dabaalan kartaa waa hubaal balse is waydiinta waxay tahay qofka marka uu awood ahaan iyo jir ahaanba caafimaad qabo ayuu wajihi karaa dunida qatarta badan ee iriddisa soo istaagtay.

Idil iyada oo lugaha jiidayso ayey gurigeeda soo istaagtay sariirta ayeyna ku dhacday oo markaa ayaa miyir ugu dambeysay hurdo aan la aqoon halka ay ka timid oo dhirir badan ayey seexatay maadama ay maskax ahaan iyo jir ahaanba u daalnayd.

Dhibaatada ku haysa inta aad ka garanaysid waxa ay tahay iyo sababteeda hurdo ma seexan kartid balse marka aad garato baaxadda ay leedahay iyo sababta ay ku timid iyo waxa ay tahay markaas waad seexan karaysaa inkastoo dadka qaar laga yaabo in aysan seexan Karin balse idil waa seexatay.

Idil markii ay kasoo kacday oo maskax ahaan jirkeeda waayadan hurdadii ka maqanayd ay maanta in yar oo ka mid ah dhadhamisay ayey bilowday in ay wax karsato, wax badan ma cuni Karin balse wixii ay is lahayd markaas waa cuni kartaa ayey dabka saaratay.

Waaydan idil shaqo ha sheegin, asxaabtii ay isla shaqayn jireen maalinba mid ayaa soo siyaaran jiray rag iyo dumarba maadaama ay ahayd qof asxaab badan oo suuqa aad looga wada yiqiin, Iyana waxay ahayd qof muujin jiray karti iyo rajo ay muujinayso ina y dhaawaan suuqa kusoo laaban doonto.

Idil waxay bilowday markan ka fakarka arrintan cusub ee nolosheeda lasoo darastay sidii ay u abaari lahayd, hal su’aal oo ka mid ahayd su’aalaha ugu dhibka badanaa jawaab waa u heshay taas oo ahayd ilmahan coolshaada ku jira ma haysanaysaa oo ma dhowraysa mise waa iska soo riddaa maadaama ay ilma xaaraan ah yihiin.

Idil go’aan adag ayey ku gaartay in ay xafidato ilmaheeda xaaladdu sida ay doonto ha noqoto,waxaana ka go’nayd in ay dhaxda u xirato ubadkan alle caloosheeda ku beeray, iyada oo isku qancisay in sabab ay jirto sababtaas darteedna loo imtixaanayo.

Doonista dunida waa inagu badantahay oo har iyo habeen qorshaha maskaxdeena iyo mdaxeenaba mashquuliya ayaa ah sida qof walba uu u doonayo in uu u helo noloshiisa, balse, dunidu waa mid dhib badan, waa taas idil qoorta u galisay mixnad aysan filayn in ay nolosheeda wajahdo waliba inta hadda ka dhiman ay ku qasbantahay in ay la noolaato dhibaatadan kufsiga iyo miraha ka beermay oo dhawaan soo bislaan doono.

Su’aalaha idil is waydiinaysay aad ayey usii kordhayeen oo sakan walba oo nolosheeda kusoo kordha wuxuu watay dhowr su’aalood sakan walba oo tagana wuxuu la tagayay fakar laga fakarayo su’aalahaas jawaab u heliddooda.

Nolosha ayaa ah mid mixnad badan oo marna waxaad u baahantahay xilligooda kuma heshid, waxyaabaha aad u baahantahayna qaabka aad rabtid kuuguma yimaadaan, mar raadintooda ayey jilbaha iyo xusulada kaaga murxaan, marna raadintooda ayaa kaa soo gasho meel aadan filayn oo adiga oo jilba iyo xusul murxin sida idil oo kale kula soo darsa.

Idil xanuunkii hayay wuu ka yaraaday oo markan waxay bilowday in xanuunkeedan yar ee ilma galeenka caloosheeda quseeya aysan shaqadeeda uga hakan, maskax iyo laab dagana ay arrintan ku wajahdo.

Waxay go’aansatay in aysan cidna waxba u sheegan fasiraadna aysan bixin inta nolosheeda ka dhiman cid kastoo oo waydiisa su’aal ilmaha caloosheeda ku jirana ay ugu soo koobto alle ayaa isiiyay duco dheer kadib.

Idil sawirkeeda wanaagsan ee dibadda ayey kaarkiisa ku socotay, ma jirin cid idil ka filanaysay in ay ilma aan aabo lahayn dhaleyso, sababtaas ayaana ku dhiiri galisay in aysan ka jawaabin su’aasha ah ilmahan aabahood aaway.

Qof wayn maadaama ay ahayd waxay iska dhaadhicisay haddaadan waxba sheegin yaa ku sheegayo, dumar ka mid ah dumarkii ay dhibaatada isla soo gaartayan ismaba lahayn oo qorshaha uguma jirin in ay dhibaatadii dhacday idil Uur ka qaadayso, qof walba oo dumarkaas ka mid ahna waxaa u shidnaa sawir kaas ka duwan oo ahaa in idil ay ku noolayd guurka qudba sirada waa qayaasta markaas qof walba uu qayaasyaay.

Fakarka nuucaas ah waa midka idil ku riixay in ay go’aanka ah haysashada ilmahan ay ku dhiirato, waxaan maqli jiray ficilkaaga wanaagsan waa mid mar walba u taagan badbaadinta sharaftaada, maanta idil sharafteeda afcaasheeda wanaagsana ayaa u taagan in sawirka nolosheeda sida uu u muuqdo si ka duwan uu dadka ula muuqdo.

Idil nolosheeda caadiga ah ayey iska wadatay, xanuunka haya gudaha ayey kala noolayd oo wax walba oo dadka ay waydiin lahayeen nafteeda ayey waydiin jirtay jawabta inta isi siisayo ayey la noolaan jirtay.

Dadka dunida ku nool oo dhan ayaa sidaas qof walba ula noolyahay dhibkiisa, qiimaha nolosha ayaa ah garashada aad garatid naftaada doonisteeda iyo xillliga ay wax doonayso iyo waxaas ay doonayso marka ay hesho sida ay u xafidato.

La soco Qaybta 21aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN