KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!.W/Q: Maxamed Muuse Sh.Nuur

                                                 KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 23aad

Waxay lahayd mar walba riyo ah in ay ka gudubto caqabadaha nolosha dhankeeda kala soo darsa ma ahayn mid ku mashquusha is waydiinta su’aalo badan oo aan munaasab u ahayn nafteeda in ay waydiiso, go’aankeeda wuxuu ahaa wax walba oo nolosha ay kuula timaada sida ay yihiin u qaado oo kula dhaqan.

Idil go’aanada adag ee ay nolosheeda u qaadday ayaa ka kaalmeenayay in su’aalaha iyo wararka dadka dhankooda kaga imaanayay aysan dhag jalaq u siin oo nolosheeda sida caadiga ah isaga wadato.

Ma jirin runtii qof saaid ugu mashquulayay uurkeeda iyo xaaladaheeda nolosha, qof walba wuxuu ogaa in inantan ay tahay inan dadaal badan oo shaqo iyo shaqsiyad wanaagsanba leh, sawirkaas wanaagsan oo ay nafteeda horey ugu sameesay ayaa ka kaalmeenayay in aan lagu mashquulin, maxaa yeelay ma jirin qof si gaar ah isugu mashquuliyay ilmahan ay caloosha ku siddo aabahood iyo waxa ay yihiin dhamaan.

Waxay ahayd qof dumar ah oo isku filanaan muujisay, taas ayeyna ahayd sababta aysan dadku iskugu mashquulin xaaladaheeda nolsoha ee hoose, qof walba wuxuu aaminsanaa ama u sawirmayay in ay nin leedahay maadaama ay tahay isku filan ninka ay rabto guursan karto sida ay rabtana nolosheeda u dooran karto marba haddii aysan hoos tagayn oo ka madax banaantahay baahida dhanka dhaqaalaha ee dumarka qaar raga u hoos tagaan.

Isku filnaanta qofka uu ka gaaro heerka noloshiisa waxay soo gaabisaa in qofku ku tiirsanaado baahida qof kale taas marka uu qofku ku guulaystana waxaa asturmaya dhammaan baahidiisa oo dhan waxaa kalooo asturmaya ceebtiisa iyo wax walba oo mujin lahaa sawir xun ama daciifnaan, idilna runtii guusha ay ka gaartay dhanka nolosheeda ayey harsanaysaa hooskeeda maanta.

Idil markan waxa ay ka fakarayso ma ahayn dadka maxay leeyihiin ee waxay ahayd mustaqbalka ilmahan caloosheeda ku jira sida ay u maarayn lahayd uguna tarbiyeen lahayd tarbiyo wanaagsan maadaama xaalad nololeed oo adag ay iyada soo martayna waxay ahayd mid ayaga u diyaarinaysa in ay wajahaaan xaaladaha adag ee noloshooda horyaal oo ay ugu horeyso midda aaba la’aanta.

Idil waxay ahayd in dadkeena soomaalida ah dadka ay u yaqaanan gunta ama wax kasta oo xun ay ku tilmaamaan sida badan ayna dadkaas yihiin dad faqrigu waxyeeleyay ama nolosha sabool ku ah, caqligeeda iyo garaadkeedana wuxu siiyay in inta badan oo aad ka maaraanta baahida dadka ay tahay guusha noloshaada iyo dhowrista sharaftaada taas ayeyna ahayd waxa ugu muhiimsan ay is lahayd u diyaari ubadkaaga si guusha noloshooda ay u gaaraan.

Aad ayey u naasiib badnaayeen runtii ubadakan ku jira caloosha idil, maxaa yeelay, waxay nasiib u yeesheen hooyo howl kar ah, naxariis badan,caqli yo garaad alle siiiyay una diyaarisay hanti ay ku noolaadaan noloshooda inta ka dhiman, taas kaliyana ma ahayn waxa lagu amaanayo idil ee waxay nasiib usii yeesheen in ay u noqoto Macalin tababar wanaagsan ugu leyliya nolosha dhabta ah ee jirta.

Idil waxyaabaha kusii dhiiri galinayay in ay nolosheeda guusha hanashadeeda marnaba aysan ka daalin ayaa waxaa ka mid ah in ay aaminsanayd in guusha nolosha lagu gaaro oo kaliya marka aad soo wajahdo ama dhab u wajahdo guul darro badan oo xanuun u leh noloshaada.

Qaaciddadaas ay aaminsanayd runtii waxay ahayd mid ay ka dhaxashay qibaradda ay ka heshay xaalka adag ee ay soo martay, sidaas si la mid ahna waxay u diyaarinaysay ubadkeeda dhabbaha adag ee ka duwan kan ay iyada soo martay.

Waqtigu wuxuu is guraba waxaa lasoo gaaray xilligii ay dhali lahayd idil, nasiib wanaagna foosha kumaba dhibtoon oo Alle wuu u fududeeyay waxayna ku curatay laba wiil oo mataana ah.Idil farxadda nolosheeda ayey dhex mushaaxaysaa mid ka mid ah riyooyinka nolosheeda ayey maanta indhaheeda qabanayaan imisa sana ayey ku fakaraysa sugaysayna martida maanta Alle siiyay in ay ku soorto naasaheeda, waa riyo runtii dhib badan loo soo maray rumeynteeda xilli laga quustay meel aan laga filayn kasoo baxday.

Riyada noloshaada haddaad gaartid waxay ka dhigantahay guul aad gaartay noloshaada, is waydiinta ah qaabka aad ku gaartay iyo qaabka ay kuugu rumowday macna sidaas ah ma samaynayo, idil riyadeeda waxay ahayd in ay maalin uun hooyo noqoto oo ubad ay leedahay gardaadiso, taasna maanta gacanta ayey ku haysaa, riyada kale ee ay lahayd ee ah in ay ka maaranto gacanta aadanaha iyana waa hore ayey xaqiijisay, waa gabar alle ku garab galay in ay xaqiijiso labada ugu muhiimsan bartilmaamedka nolsheeda.

Muhiimadda waa in aad noqotay waxa aad jeclayd qaabka aad ku gaartay waxaad is waydiin kartaa marka sababaheeda qaar aad gacan ku leedahay, idil labadaba sabab gacan sidaa ah kuma lahayn oo iyada oo quusatay ayey dhanka Muqdisho usoo hayaantay, isma lahayn oo riyo ahaan uguma jirin liiskeeda in ay noqoto qofka ay maanta tahay, dhaqaala ahan waxay is lahayd uun isku filnaan gaar balse heerkan in ay gaarto maba ku fakareen waana nimco Eebe siiyay.

Sidoo kale idil marka ay xamar soo galaysay way ka soo quusatay in ay hooyo noqoto taasna dhinac aysan ka filayn ayuu alle ka siiyay, balse marnaba kuma riyoon kumana fakarin in ay qaabkan hooyo ku noqon doonto waasa qaddar eebe iyo qaybta nolosha looga qoondeeyay in ay sidaas ku qaadatana Qaaddirka ayaa amray ee wadda kale uma furnayn, wayna qaadatay aqbashayna. Qibradda aad ka heshid dhanka nolosha waa hadiyadda ugu wanaagsan ee aad waligaa heshid ama lagu siiyo maxaa yeelay qibradda waa midda kaliya ee ku barta sida aad u noqon lahayd qofka aad tahay.

La soco Qaybta 24aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN