KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                                 KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybta 9aad

Rajada guurka waa in ay wax soo siyaadaan, maadaama wax la sugayo ay jiraan, dadku kuma qaldana in ay waydiintoodaas wataan, isku garashase maahan dadka, oo dadka qaar ayaa fahamsan in aysan wacnayn is waydiintaas ku saabsan in reerku uu siyaado yeeshay iyo in kale.

Haddii ay siyaado jirto waydiintaas waa mid ay ku raaxaystaan labada qof ee reerkoodu cusub yahay, inta badan oo ay jawaabtoodu noqoto haa waa inta badan oo loo hambalyeeyaa, su’aalahana ay kasii yaraadaan.

Idil horey ayey uga soo daashay waydiintaas iyo dhowridda wax laga dhowrayo, taas baddalkeedana iskuma mashquulin jirin in ay jawaab u raadiso su’aalaha uga imaanayo dadka qoyskaas qaraabada iyo asxaabtaba la ah.

Idil way ogayd waxa ay u taagantahay iyo waxa ay doonaysay, marnaba ma ahayn kuwa wax ka baddala hadalada dadka dareenkeeda iyo doonista waxa ay doonaysay, sidaas darted, waxay ahayd mid aan u jawaabin dadka ay is leedahay jawaabaha kaama mudna sida dadka ay xididka yihiin iyo dadka mudnaanta gaarka ah leh ee qoyskaas ka tirsanaa sida soddogeeda oo kale.

Waqtiga waa mid isku baddala sida dabaysha duulaysa oo kale taas oo sidata mar walba Jawi saamayn ku yeesha halka ay ku dhacdo dadka ku nool, Dabeesha waa mid mararka qaar bishaaro sidata, mararka qaarna Balaaya sidata.

Idil maadaama ay Cadow badan iyo asxaab badanba ku dhex yeelatay qoyska haashimka ay u dhaxdo waxaa sii kacayay maalin walbe dabeesha xun ee balaayada wadata ee ay kicinayeen dadka ay ehelka ka dhigatay una ixtiraamto qoyskeeda waa xaasaska haashim uu la qabo.

Dabeecadda dadka ayaa ah in qofka u naxariista ee mar walba u jilicsan dhankooda ay ku adkaadaan isla markaana u arkaan Doqon aan is difaaci Karin, waxaadna ka garan kartaa haweenkii ay mar walba ku guubaabin jirtay in ay qoyskooda xajistaan isla markaana isku dayday in ay naxariis iyo wanaagba tusiso ayaa iminkan sida dabaysha balaayada ee lagu bur burin lahaa Idil.

Wax la joogaba waxay ku heshiiyeen xaasaska haashim sidii idil guriga looga saari lahaa ayaga oo ku tashaday in haashim aan la siin nasiino uu gurigooda ku joogo mid walba uu booqdana ay culays ku saaraysay in uu furo.

Lama oran Karin furriinka ay ku hanjabayeen doonistiisa daacad ayay ka ahayd, ee waxay ahayd faduulin iyo cadaadis saarid ay haashim saarayeen, ayaga oo u ekeesiiyay sheekada in ay tahay mid ay la qabaan qoysaskooda ay ka dhasheen.

Dhagarta dumarka waa mid aad u daran, Allaha abuurtay ayaana inoo sheegay, waxa ay doonaana sida ay u doonayaan ayey u quruxsadaan waxa aysan doonayna waxay mariyaan Wasaq kallifta in waxaas aan mar dambe lagu hammin.

Isbahayisgaas ay sameyeen xaasaska haashim waxaa si kore ugu riyaaqay aabaha haashim oo runtii rabay in haweeney kale oo wax soo kordhin karta ay soo gasho qoyska maadama idil ay muddo joogtay qoyska wax ay kusoo kordhisayna aysan jirin, waa siduu markaa u arkayay.

Dadku ma eegaan Tayada qofka ee waxay eegaan waxa uu qofku soo kordhiyay, waxaana taa u sabab ah ayaa la oran karaa Baahida iyo rajada ay qabaan mar walba, tayada idil aad ayay uga sarreesay dumarka kale ee qoyska ka midka ah, balse, yaa taas u jeeda? waxa loo jeedo ayaa ah wax qabad iyo waxa uu qof walba astaan ahaan u muujin karo taas oo ah Owlaadda.

Dumarka mid walba midda ay ka caruur badan tahay waxay aaminsantahay in ay uga sal adagtahay Qoyska, waana run ayaa la oran karaa maadaama saldhiga guurka ugu muhiimsan uu yahay in Dad la keeno Dunida, Dadka qaarse fahamka nuucaas ah ma qabaan, oo waxay qabaan in guurku yahay Geed la harsado oo la doonayo in saldhigiisu noqdo is faham labada qof ee wadaagaya dhex mara.

Xaqiiqda ayaasa ah abaal marinta Jacaylka labada qof ee Guurka ku bahooba dhax mara in uu yahay ilmaha, kuwaas oo sida badan la dhihi karo wax badan oo la iskugu sabri lahayn ayey waddadooda noqdaan in la iskugu sabro, balse waxaa inaga maqan sabarka ah in haddii la waayo taas aysan ahayn mid lagu cowriyo ama lagu eedeeyo qofka wax laga sugayo oo ah haweenayda.

Eedda waayidda ama soo daahista ilmaha mar walba waxaa lagu eedeeyaa haweenka, balse dhabta taas ma ahan, mararka qaar ciladda waxay noqon kartaa dhanka raga oo laga yaabo in aysan la jaan qaadi Karin hormooniska haweenka qaar.

Waxaa kaloo jirta oo meesha ka baxsanayn in xisaabta lagu darsado in qaddar Eebe ay ku jirto meesha oo laga yaabo in laba qof oo la iskugu tala galay in ay guur wadaagaan balse aan dhexdooda wax laga qaddarin ay jiraan oo laga yaabo in ayaga oo muddo wada jooga waxna kala helin in marka ay kala tagaan laga yaabo in qof walba uu Alle si gooni ah ugu arsaaqo Owlaad .

Idil waa la dhihi karaa waa soo daahday, waa lagu eedayn karaa in wixii laga filayey aysan la imaan, balse waxaa mudan in la is waydiiyo, idil Alle ma ugu qoray haashim iyo ninkii ka horeeyayba in ay wax u dhasho? soo lagama yaabase in idil ay siddo ilmaha duul kale oo iman doono Mustaqbalka? soosa lagama yaabo in idil ay dhali doonto, balse Waqtiga uu wali dhiman yahay.

La soco Qaybta 10aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN