KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                             KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybta 10aad

Ilmaha waa Deeq Rabbaani ah, cidda uu doono ayuuna Alle siiyaa, waxaa taas sii dheer in dadka ay tahay in ay wax wada wadaagaan waa hore la qoray, imisa is jecel oo isku wanaagsan ayaan dhexdooda waxba laga qorin? imisa sidoo kale Tayo xun oo aan is fahamsanayn ayaa habeenka ugu horeeya ee kulmaan dhexdooda wax laga xukmay?

Runtii waxaa la dhihi karaa idil eed kuma lahan dhalmo la’aanta, oo waa mid aan kasoo dhamaan amaba la dhihi karo waqtigii loogu tala galay ayaa wali dhimanaa, amaba ma aysan ahayn in ay wax la wadaagto Haashim iyo kii ka horeeyayba.

Runtii dumarkeena dhanka guurka marka laga eego waxaa la dhihi karaa waa ku dulman yihiin, tan micnaheeda maahan in aan dhaqankeena durayo ama xumaan ka sheegayo, balse waa in Eedda ku salaysan dhanka ilma la’aanta aan mar walba u saarino dhanka Dumarka.

Waxaa wanaagsan in qofka lagu eedaa waxa uu awood u leeyahay heli karana, ma ahan in lagu eedaa wax xitaaa aysan heli Karin kuwa wax eedaynaya, adiga ninka ah ama haweenta ah adiga oo raaxeesanaya waliba dheecaanka kaa baxaya haddii uu jirkaaga ama maradaada taabto aad biyaha ula ordayso si aad iskaga dhaqdo ayey howshaadu dhamaataa, markaas ayuu Alle hadduu doono wasaqdaas aad iska dhowrayso u baddalaa wax aadan heli Karin, hanitda dunida taal dhamaana aan kuu goyn Karin.

Waxaa wanaagsan in maanka laga shaqaysiiyo oo dulmiga iyo dareen xumida laga dhaafo dumarka lana garto in qofka dumarka ah ay tahay qof damiir iyo dareenba leh, erayada qaarna ay gubayaan kuwa qaarna ay farax galshaan nafteeda.

Waxa qofku awood ku leeyahay sida dhaqanka guriga waa lagu eedi k araa haddii uu kasoo bixi waayo balse maxaa u dhali waysay ama maxaa Uur u yeelan waysay ma ahan in lagu eedeeyaa.

Idil xanuun badan ayey soo martay ayaa la oran karay marka xaaladahan oo kale laga hadlayo, waxa laga dalbanayo ama lagu eedayana ma ahayn wax ay awood u lahayd, iyadu waajibkeeda dumarnimo in ay gudato ayaa xaq loogu lahaa taana waa kasoo baxday baa la oran karay.

Lugooyada iyo Siriqda maalin walba idil loo maleegayo waa isi soo taraysay, awal dumarka lala qabo ayey ku koobnayd, markan waxaa kusoo darsoomay odayga Soddoga u ah, idil culays badan ayaa lasoo darsay, Af xumo iyo karaahsi badan ayey magan u noqotay, waxaa yaraaday asxaabta ay ku dhex lahayd qoyskaas.

Idil tiirka kaliya ee ay ku joogta gurigaas ayaa wuxuu iskugu soo aruuray soddohdeed iyo haashim, inta kale waxay noqdeen kuwa caddaystay oo qarsan waaya waxay u qabaan iyo qaar iska aamusay oo shibta ciirsaday, nasiib darradase waxay dhacday markii si lama filaan ah ay jirro ugu soo booday hooyada Haashim isla jirradaasna ay geeriyootay.

Mu’minka mar walba xanuun ayaa la soo darsa lagu tijaabinayo iimaankiisa, idilse waa xagsatay booskeeda oo dhag jalaq uma siin, marba ninka ay u dhaxdo ee ay dhaqan wadaagta la tahay haddii uu raali ka yahay la noolaanteeda.

Waxay goosatay in aysan ugu darsoomin Haashim culayska ka haysta dhanka aabihii iyo xaasaskiisa kale, waxa kaliya ay sugayso ayaa ahaa haashim, oo waxay is lahayd dhankiisa howsha ha ka soo dhamaato, inta ka sokayso shibtaada hayso.

Mar labaad ayay idil banaanka ugu soo dhacday Cadowga usoo wada xir xirtay in ay guriga ka saaraan markaan waa haashim oo kaliya ninka taageerada ula garab taagan, iyadu ma ahayn mid dagaal kula jirtay ama tartan Hablaha kale ee lala qabay.

Guurka ay haashim la noolaydna wuxuu ahaa mid ay ku qanacsnayd, balse waxay diyaar u ahayd wax walba oo uga yimaada dhanka haashim in ay aqbasho,inta ka horaysase aysan talaabo u qaadin dhanka haashim.

Dumarka haashim cadaadiskooda iyo dagaalkooda haashim inta uu iska caabin karo wuu iska caabinayay waxaana la oran karay haashim aad ayuu ugu mintidayay in uusan sii dayn idil inta uu haysan karana uu haysto, balse, markan waxaa usoo baxay awood balaaran oo uusan iska caabin Karin taas oo ahayd Aabaha dhalay.

Aabaha haashim wuxuu taagan yahay idil in igu filan waan hayey, maadama aysan ahayn gabadha aan xoolaha ka baxshay ee awal aan ku iman dookheena ama doorashadeena ayna ahayd mid baddal u ahayd walaasheeda dhimatay, markana ay tahay in ay waddada ku dhacdo, maadaama hadafkii loo keenay gurigan aysan fulin, islaantii looga xishoon jirayna aysan dunida hadda ku noolayn.

Dood dheer kadib iyo Muran sababay in geesaha la isla galo waxaa la gartay oo lagu qasbay haashim in uu idil furo, haashim inta uu ka goos adeegi karo wuu ka goos adeegay, balse aakhirkii waxay arrintu kala gaartay in uu kala doorto aabihii iyo xaasaskiisa caruurta u hayo oo dhinac ah iyo Idil.

La soco Qaybta 11aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN