KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!. W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur



KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!
Qaybta 11aad
Howsha sida ay u socoto waa howl Alle wata oo dariiqii loo jeexay maraysa oo kaliya, dadkan ku lug leh arrintana waa Jilayaal qayb ka ah filimkan socda, laga yaabee qaarkood in ay Farxad u arkaan bixitaanka idil, idilna waxaa laga yaabaa in uu Alle meeshan meel ka wanaagsan u wado, walina Duni kale oo tan kasii qaxar badan ama macaan badan ay sugayso.
Haashim waxaa la dhex dhigay meel uusan jeclaysan, isaga umaba muuqan waxa u muuqda duulkan dabeesha balada ah wata, waxa aabihiis u muuqdana uma muuqan oo mar walba wuxuu Aabihii kula doodayey in uu ilmo haysto, idilna sabab uu ilmo uga doono waqtigan aysan baahidiisa haysan, waa marwa wacan oo naftayda u roon ayuu aabihiin kula doodayey, mase u muuqan waxa uu sheegayo haashim aabihii.
Sideedaba dumarka sheedha sare ama muuqaalka sare iskaga mid waa noqon karaan laakin la dhaqanka iyo sida mid walba marka ay kula joogto ay naftaada ugu raali noqoto ma ahan mid dhaqan ahaan ay samaysa karaan dumarka, waa farriin qalbigaaga uu qalbigeeda ka helayo, taasina wax la samaysan karo maahan maadaama wax la arki karo aysan ahayn balse la dareemi karo
Dumarka waa uun Saddex xaaladood, mid waa mid u roon tolka micnaha reerka qaba, taas waxaa la dhahaa marwo toleed, macaanka ay qabto waxaa dareemi kara oo kaliya tolka,waxaa kale oo jirta mid u roon ninkeeda oo qanaacada uu ninkeeda ku qabo darteed ku joogta reerka, taasna waxaa la dhahaa marwo rageed ee ma ahan marwo toleed, waxaa kaloo jirta mid saddexaad oo u roon ciyaalka ha ahaadan kuwa ay dhasho ama kuwa uu ninkeeda dhalay, wax ka galay ma jiraan tolka ay u dhaxdo iyo ninka qaba toona, waxa kaliya ee u muuqda waa jacaylka iyo u roonaanta ay ilmaha u roontahay.
Dumarka sidoodaba waa balaayo loo baahan yahay ayey rag ka mid ah dadkii hore ku sifeeyeen, anigase ma dhaheen sidaas maadaama mid loo baahan yahay mar walba ay tahay, waxaan dhihi lahaa waa barwaaqo loo baahan yahay balse kala dhiman mar walba.
Sifayntaas waxaan uga dan leeyahay in aan idinkugu muujiyo in Baniaadam ay yihin dumarka, bani aadamkuna uu mar walba yahay mid kala dhiman oo aan dhamayst tirnayn.
Saddexdaas sifo aan sheegay idil laba ka mid ah oo ay goob joog u ahaydba waa ku wanaagsanayd waxayna ahayd baa la dhihi karay marwo toleed iyo marwo rageedba, waaha hibo aysan wada helin dumarka dhan, lagase yaabee haddii uu owlaad Eebe siin lahaa in ay saddexda sifa oo dhan wada kaamili lahayd.
Haashim waxaa lasoo darsay dhakafaar iyo fakar fara badan oo ay usii dheeryihiin muran qoyseed, wey ku adakayd ayaa la oran karay runtii in uu idil ku dhaho waan kusii deynayaa, wuxuuna mar walba eegayay sida uu wax ugu sheegi lahaa.
Isaga oo fakar iyo walbahaar la fadhiyo wax uu sameeyana uu garan la’yahay, balse, fakar ahaan markan ay la fududdahay in uu idil albaabka tuso, balse ay ku adagtahay sida uu ugu sheegi lahaa ayey Idil garatay culayska hayo Haashim, waxayna kula talisay in uu iska fududeeyo maadaama ay iyada tahay midda ugu fudud ee meeshan aan waxba uga lumayn, isaguna uu yahay Madaxa Dad ka badan tobon Qof, xilka saarana uu yahay mid ka balaaran kan iyada saaran, sidaa darteed, ayey garatay in culayska ay ka dul qaaddo qoyskan wada karaahdsaday joogisteeda.
Idil ma aysan rabin in ay Haashim marnaba furriin ka codsato oo maba ahayn wax ay ku taameysay, balse markii ay ka garatay wajigiisa iyo astaantiisa in uu jecelyahay in uu culayska hayo iska fududeeyo ayey go’aansatay in ay u fududeyso.
Haashim isaga oo aad uga xun howsha meesha ay ku biyo shubatay iyo sababta in uu isagu wax ka leeyahay garawsan ayuu idil u cudur daartay wuxuuna ka codsaday cafis, idilna waa ogayd meesha ay wax ka soo riixmayeen, ismaba dhibin waxay u muujisay in ay wax walba fahmi karto.
Waxay u sheegtay haashim in ay ku qanacsanayd nolosha ay la wadaagtay, waxayna uga mahad celisay in uu ahaa nin wanaagsan oo ay ku diirsatay la noolaantiisa, xushmad, jacayl iyo qaab dhaqan wanaagsana aysan ugu ciil qabin.
Waxay tir haashim idil waa ku deynaysaa iyada oo wax eed ah kaa tirsanayn, waan xusayaa waana xusuusnaan doonaa waqtiga aan kula qaatay ayey ku samirsiisay haashim iyada oo marna dareensiinaysa sida ay uga qanacsantahay marna ku amaanaysa qaabka uu ula noolaa intii ay wada jireen.
Haashim isaga naftiisa amaanta ay idil tirinaysay mid la mid ah ayuu tirinayey, wuxuun ku shallaynayey in uusan ahayn nin nasiib leh maadaama hal doorka dumarka ay noloshiisa soo martay balse, uu nasiib u yeelan waayay in uu noloshiisa la dhamaysto la jirkeeda.
Maadaama labadaas qof ay ahaayeen laba qof oo muddo wada nool, billowga noloshoodana ay ku bilaabatay si cajiib leh waxaa ku adkaatay in qof walba samro, hadana maadaama Dad waaween oo wax garan kara ay ahaayeen waxay isku samirsiiyeen in safarkii noloshooda uu soo dhamaaday.
Idil si gaar ah ayey haashim ula dardaarantay, waxay kula dardaarantay in uu reerihiisa xigsado oo ilmaha uu Alle ugu deeqay u noqdo waalid fiican, dumarka faraha badana aysan wanaagsanayn, balse ay dareemi karto in isagu uusan ahayn nin u samaysan baadi goobka dumarka ee aabihii uu arrinkaa aad u daneeyo.
La soco Qaybta 12aad
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN