KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!. W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur



              KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!
Qaybta 12aad
Haashim isaga oo u riyaaqaya dardaaranka idil isla markaana muujinaya in idil dareenkiisa dhabta ah ay garan karto ayuu idil kula dardaarmay in ay samirka badsato, Eebe idinkiisna idil ay heli doonto wax kaga wanaagsan waxa ay hadda ku haysatay Baadiyaha.
Haashim wuxuu idil waydiiyey waxa u qorshaysan marka ay kala tagaan, idil isamba dhibin oo waxay u sheegtay in waligeed ay lahayd hadaf, kaas oo hanashadiisa ay mar walba ku taami jirtay.
Waxay u sheegtay in isaga kadib ay Xamar u jihaysantahay, doonaysana wax badan oo nolosha u yaboohday soo ogaato, marka ay sidaa leedahay waxa ka dhex guuxaya waxay ahaayeen dareen ay dareemaysay oo ahaa in xamar ay u dhaami doonto nolosha miyiga oo maalintii ay dhalatay ilaa hadda ay ku jirtay.
Sidii ayaa lagu furay idil mar labaad ayey waxay nasiib u yeelatay in ay wajahdo nolosha cusub ee kallinimada ku dhisan, taas oo la dhihi karay kuma cusbayn oo khibrad ayay u lahayd wajihiiddeeda, marka laga tago dunidaas cusub ee ay u soo baxday, waxaa jiray Riyo ay mar walba maanka ku haysay taas oo ahayd in ay maalin uun u madax banaanaan doonto masiirka nolosheeda uu noqon doono mid ay iyada maamulato, Faqriga iyo baahida ku qasabtay waalidkee in ay mar walba Cid xoola uga qaataana Xal loo heli doono.
Idil markan go’aan ayey gaartay ah in ay isag hayaanto nolosha Baadiyaha oo ay isku daydo in ay bal tijaabiso Nolosha riyadeeda ahayd ee magaalada, taas oo ay is lahayd waa ka fursad badnayd nolosha Baadiyaha, dunida wax badan ay is lahayd waa ka qabsan kartayna jaaniskeeda ayaad helaysaa.
Isla markii ay guriga hooyadeed ku laabatay muddo shan maalin kadib waxay go’aansatay in ay soo aaddo xagaa iyo Muqdisho oo ahayd meesha ay waligeed ku taami jirtay in ay ku noolaato wax badan oo rajo ahna ay ka lahayd, maaadaama ay ahayd Caasimaddii Dalka, qof walbana uu fursad ka abuuran karay.
Idil hammi badan ayey lahayd oo mar walb ay ku taameysay, balse Waqti iyo sida uu ku suura galayo ma ogayn oo ma sheegi Karin, waxaasa jiray kalsooni ay ku qabtay in ay noqon doonto maalin uun qofka ay rabto in ay noqoto, riyada nuucaas ahna ay ahayd mid ay mar walba lasoo toosto.
Idil ma fara marnayn marka ay imaanaysay Magaalada Muqdisho, inkastoo xoolaheeda aysan faraqa ku sidan haddana xoogaagii uu haashim usoo siiyay Meherka iyo wanaajinteeda oo xoolo nool ahaa ayey uga soo tagatay reerkooda, iyada oo kula balantay in marka ay u baahato loo soo gado si ay ugu shaqaysato inta kasoo baxda xoolaahaas.
Waxay kusoo dagtay islaan ay hooyadeed isla dhasheen oo magaalada lagu qabay, waddanku waa wada Colaad oo markaas ayaa waxa la riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, meel walba Xabad ayaa ka dhacaysay, wax kala dambayn ah ma jirin, isku xad gudub badan oo Bulshada dhaxdeeda ahna wuu jiray.
Idil dhulka ay ka timid iyo dhulka ay muddada badan qalbiga ku haysay ee ay u soo haajirtay aad ayuu u kala duwan yahay, waxay ka timid dhul Daaqsin leh oo Xoolaha ay dadka dhaqdaan nolosha laga soo saarto, halkanse waa ka duwantahay sidaas, waa meel la wada ordayo, qofkii saaka baxaana la hubin in uu caawa nolol kusoo laaban doono, waa xarash iyo madax nolosha Magaalada Muqdisho ka jirta.
Sidaas ay tahay wadda kale oo u furan ma jirin dadka ku dhex nool magaalada in ay sidaas u aqbalaan nolosha mooyee, wayna u aqbaleen runtii, maadaama iyada oo wax walba dhacayaan ay noloshu ahayd mid dhinac walba ka socota.
Qorshaynta Colaadda ku dhisan Qabiilka ayaa ahayd mid isi sii taraysa iyada oo habeenkii saqdii dhaxe aad magaalada ka dhex maqli karaysay baaqa loogu baaqayay Beel weynta dagta magaalada in ay magaalada ka difaacaan Siyaad Barrihii laga saaray oo markaa soo fadhiistay meel aan ka fogayn magaalada oo la dhaho Carbiska, Biyhii magaalada laga cabi jirayna xiray.
Dulmiga magaalada aad ayuu u badnaa, isku hiilinta xaq darrada aad ayay u darnayd, hanitda la kala haysto xisaab ma lahayn, idil wax yaabaha ugu yaabka badnaa waxay ahayd markii ay indhaheeda qabteen guriga ay kusoo dagtay guri ku dhagan Nin Wadaad ah oo lahaa markii inta Qabiil ahaan loogu yimid laga saaray gurigiisa si xaq darro ahna loo dilay isaga oo ku dhawaaqaya Ashahaatinka, waxa la yaabka lahaa ayaa ahaa in dadka dilkaas geesanaya ay ku dhawaaqayeen in qabiilka uu wadaadkaas kasoo jeedo ay xoolihiisa banaan yihin.
Idil Diinta sidaas uma aqoon, balse, Cilmi dhagoolka diinta waa ku wacnayd oo waxay ahayd dhageeste ay dhagaheeda ku badan yihiin  waxa xaqa ah iyo waxa aan xaqa ahayn, way dareemi kartay in waxa socda aysan ahayn wax wanaagsan, dhowr jeer oo ay damacday in ay dhawaaqdana waxaa loogu baaqay in ay afkeeda asturato maadaama beledka waxa ka socda la wada garan karay in aysan wanaagsanayn, balse waxay mar walba ku dhaawaaqi jirtay in xaqa dhiiga muslimka ah aan ciqaab la’aan la moodi doonin, mar ay ciqaabtaas ku dhacdana dadka muqdisho ay ku dhici doonto.
Idil magaalada inta ay joogto aad ayey u koobnayd balse maadaama ay wanaag u dhalatay wanaaga iyo xumaantana kala fahmi kartay ma ahayn mid ka aamusto, mar walba oo xumaan ay aragtana way dhawaaqi jirtay.
La soco Qaybta 13aad
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN