KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!. W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                             KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 14aad

Muhiimadda ay dukaanka shaqadiisa u qaadatay ayaa ahayd in ay ku fahanto qaabka shaqada magaalada, muddoo yar kadibna waxay go’aansatay in ay ku laabato Baaddiyihii ay awal ka timid, balse, markan ma ahan mid Nolol ka doonayso, sababta ay u aadday ayaa ahayd in ay soo xaraashato Xoolihii yaraa ee ay ka heshay meherkeedii hore iyo kii dambaba.

Waxa ku kallifay in ay sidaas dhaqsaha u laabato ayaa waxay ahayd in ay fahantay ama ogaatay meeshii ay wax ka bilaabi lahayd, in Dad ay u shaqaysana aysan ahayn midka caawinaysa gaaridda hadafkeeda, waana sababta kalliftay in wixii yaraa ay tuhmaysay ay ka war doonto.

Idil xoogaa ayay kusoo raagtay Baaddiyaha, sababtana waxay ahayd in ay kaalmeynaysay hooyadeed oo xoogaa yara xanuunsanayd, markii ay shaqadaas soo dhamaysatayna horey ayay kasoo xir xiratay iyada oo duco kasoo qaadatay waalidiinteeda, si fiican ayaana loogu soo duceeyay kadibna waxay soo ambaqaaday safarkeeda ay muqdisho ugu soo laabanaysay, wixii ay tuhmaysayna waa soo xaraashatay.

Riyada idil waa billow, hadda ayey taagantahay meesha ay rabtay, sahankeedi magaalada iyo dulqaadkii ay u muujisayna kuma qasaarin oo waa tan dib isku soo hubaysay dhaqaala ahaan.

Idil awal ayey horey u qorshaysatay shaqada ay bilaabayso, isla markii ay magaalada soo gashayba waa taa bilowday ka ganacsiga shidaalka, waxay miis yar ku lahayd waddada soddonka, inta u dhaxaysa baar ubax iyo black sea.

Shaqada waxaa aad uga gacan qabtay gabar ay saaxiibo ahaayeen oo la dhihi jiray Nasro, taas oo heshay dhoof ay magaalada uga baxaysay kuna wajahaysay dhankaa iyo kenya, waxayna idil isla garteen in ay ka gadato shidaalka yare ee u yiil goobta miiskana sidaa ugu wareegto.

Dunida waa mid dhib badan, hadana kuma dhib badna ayaa la dhihi karaa qofka uu u Alle u sahlo ee waa ku dhib qofka uu alle ku dhibo, idil maadaama ay haybad u lahayd samaynta asxaabta intii yarayd ee ay magaalada joogtay ay is barteen Nasra, si wacana isku fahmeen wax badana wada qaybsadeen waa tan nasro maanta meel aan la ilaabi Karin uga soo baxday idil.

Idil way ogayd abaalka ay nasra ku leedahay ka gadashada alaabta ay ka gadatay uguma ekayn ee mahadnaq aad u qurux badan ayey huwisay Nasra, maxaa yeelay waxay ogayd halka ay kasoo bilowday nolosheeda iyo maanta heerka ay taagantahay iyo wixii ay soo martayba.

Idil aad ayey ugu faraxsanahay ayaa la oran karay inta magaalada ay ka heshay dhan dhaqaale iyo dhan dadeedba, dadka ugu wanaagsan magaalada waa baratay waxna waa la qaybsatay, iyana si wanaagsan ayaa looga jeclaa magaalada.

Idil ma haysan dhaqala buuran oo u camir karay miiskeeda, intii ay haysatayna waa taa kula wareegtay alaabtii yareed ee Nasra, nasra ayaasa aad u caawisay oo bartay ganacsato kale oo shidaalka inta laga soo qaato loo caddeeyo, kadibna lacagahooda loo celsho.

Idil dadaal aysan waxba u reeban ayey gashay, sida ay kolba maalin meel ugu dhacaysay waxay gaartay markii dambe in ay ka dalacdo miiska oo ay kiraysato bakhaar ay ku kaydsato shidaalada.

waxay kaloo shirkoobeen dumar kale oo ay isku xaalad ahaayeen, qaarkood waxay ahaayeen Agoomo koris, qaarna garoobo, qaarna ragooda waxba ma haynee ayaga ayaa u shaqayn jiray.

Muddo markii sidaa ay ahayd idil, magaaladana ay la qabsatay shaqo ahaan iyo nolol ahaanba, ayaa waxaa dhacday arrin lama filaan ah oo runtii aad looga murugooda, taas oo ahayd in dab uu qabsado Bakhaaro uu ku jiro bakhaarka idil.

Musiibada mu’minka waa u edbin iyo imtixaan lagu eegayo sabarkiisa, idil xoolihii dhan ayaa ka bur buray marka laga reebo lacag ugu maqnaa safar shidaaleed iyo kuwa dayn ay dad ugu lahayd.

Intaasba waa Alle mahaddii maadaama aysan fara marnayn shidaal badana uu usoo socdo daynteedana ay usoo aruuri doonto haddii eeba idmo, waxay ahayd mid alle uga shukrinaysay dhibka gaaray, maxaa yeelay waxaa jiray kuwa kale oo iyada la mid ah oo waxba aan u bad baadin, dayna lagu lahaa.

Idil dib ayey u bilowday shaqdeedii shidaalka, waana soo kabsatay ayaa la oran karay oo markan waaba kasii fiicnayd sidii hore, nolosha loo jilco ma aqoon idil, waxay ahayd mid mar walba inta ay nooshahay aaminsanayd in ay rajo jirto ay kusii noolaato, maalinta ay nafteeda waysana ay tahay maalinkaas marka uu soo idlaanayo wax walba oo ay dunidan ku lahayd ama sugaysay.

Qof iimaan wanaagsan ayey ahayd ayaa la oran Karay, aqoon diimeed ma lahayn balse waxay ahayd qof dhageeysi badan oo diinta dhagta u raaricin jirtay mar walba oo ay firaaqo leedahay ama uu nasiibku u saamaxo in ay wax dhagaysato, waana intaas ayaa la dhihi karay inta ka caawisay in ay samirka kaashato.

La soco Qaybta 15aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN