KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

   KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!
Qaybta 7aad
Waa abaal marinta uu Alle ku abaal marsho kuwa aan dhagart iyo xaasidnimada aqoon ee mar walba u guta waajibkooda sida laga rabo ayaga oo aan baddal ahaan doonayn amaba ku fakarin in ay wax uga helaan qofka ay wanaajinayaan.
Wanaaga ama dhaqankaaga oo si hagar la’aan ah aad u qabato ayaa wuxuu ku dhaxalsiiya in aad noqoto qof la jecel yahay laguna jecel yahay wanaagiisa iyo dhaqankiisa ee aan lagu jeclaan dhaqaale ama waqtiga gaaban oo xaalad wanaagsan muujiya.
Mar walba oo guushaada ay badato waxaa bato xasadkaaga, idil maadama dhaqankeeda dumarnimo oo wanaagsana darteed ay ku hanatay qalbiga Haashim, waxaa soo if baxay xasadnimo iyo dhagar ay maleegayeen Hablaha kale ee lala qabo.
Dumarka runta marka laga hadlo sida badan waxay eedda saaraan raga ama dumar kale ayaga oo aan eegayn waxa isla ayaga ka hallaysan ama ay halleeyeen loogana baahan yahay in ay dib u saxaan, waxaan uga jeedaa taa marwooyinkan la dagaalamaya gabadhan la leeyahay idil iyaga ayaa marka la eego ka muhiimsan kana nasiib wanaagsan idil maadama awlaad iyo xoolaba Alle siiyay, ma ahan in ay ka maseeraan ama ay ku tashadaan sidii gabadhan looga saari lahaa Reerka.
Qof walba oo Dhagar maleega waa hubaal in uusan guulaysan, waa laga yaabaa in guul ku meel gaar ah uu gaaro qofkaas, balse, ugu dambaynta ayaa ah in arrinkiisu uu kusoo gunaanadmo shallaayto iyo is canaanasho naftiisa uu cananaanayo.
Xiriirka ka dhaxeeya idil iyo Haashim heer wanaagsan ayuu gaaray ayaa la oran karay oo waxaa ka dhex beermay Jacayl aad u daran kaas oo idil hilmaansiiyay in ay wax tabayso ama leedahayba Hadaf kale oo nololeed oo ay waligeed ku riyoon jirtay.
Idil iyo Haashim jacaylka ka dhaxeeya ayaa wuxuu kallifay in cadaawad badan ay kala kulmaan dhanka dumarka kale ee uu haashim qabay, cadaadis badan oo haashim kaga imaanayay mid ka mid ah xaasaskiisa kale ayaa kallifay ugu dambaytii in ay kala tagaan maadama harsasho la’aan iyo dhaqan xumo uu kala kulmay Haashim.
Idil kuma faraxsanayn in ay sabab u noqoto duminta guri ka mid ah guryaha uga soo horeeyay nolosha qoyskaas, waliba waxay ka wal walsanayd caruurta ay islaantaas dhashay, dhowr jeer ayay isku dayday in ay isku celiso labadaas qof ee kala irdhoobay balse go’aan uu haashim gaaray dartiis ayey wax walba u suuroobi waayeen.
Waxaa jira wax badan oo aadan jeclayn ku lug lahaanshahooda balse duruufaha qaar ayaa kallifa in aad si dadban ugu lug yeelato, Idil kama ahayn wanaajinta iyo wax la wadaagidda ninkeeda haashim ka maseersiin ay ugu dan lahayd ama ku xumayn ay ula jeedday Xaasaska kale ee uu Haashim qabo, ee waxay ka ahayd gudashada waajibkeeda Marwanimo, taas ayaa sababtay ayaa la dhihi karay in xaasaska qaar ay si kale u fahmaan.
Jacaylka idil uu u qabo haashim ma ahayn oo kaliya mid ku kooban isaga oo waxaa aad u wada jeclaa labada Waalid ee Haashim, runtii waxaa la oran karay iyada oo aan wax Owlaad ah u dhalin haashim hadana waxay ahayd mid kalsoonida qoyskaas si la yaab leh u kasbatay.
Waajibaadkaaga oo aad u gudato si daacadnimo ku jirto micnaheeda maahan in aad ku qanacsantahay nolosha aad ku jirto, idil iyada oo leh Hammi iyo Hadaf ay tiigsanayso ayey haddana aqbashay Xaaladda lama filaanka ah ee ay gashay.
Waxay ku tala gashay in ay waajibkeeda ay si wanaagsan oo Eed la’aan ah u gudato, waana midda sababtay in Cadaawad badan loo qaado, xaasaskii qoyska uga soo horeeyey ee meesha ku ilma dhalayna qaarkood ay hilfaha qaateen jaantana rogeen.
Idil mar walba waxay isku dayi jirtay in ay sii balaariso Xiriirka kala dhaxeeya Marwooninka kale ee saygeeda, waxaa la dhihi karay mararka qaar waa fahmi karayeen mar marna ma fahmi karayn, dumarse waa dumar marka ay arkaan in saygooda uu jacyal qaas u qabo mid kale waa iska imaanayaa Masayrka iyo Xiqdinimada, taas oo la dhihi karo waa mid ka mid ah Dabeecadaha Dumarka.
Nolosha sideedaba marka ay kuu bilaabato waxba kama garan kartid adiga ku nool ee Abuuraha sameeyey ayaa garan kara habka ay u soconayso iyo meesha ay ku biyo shuban doonto.
Nolosha sideedaba waa dariiq jeexan oo socodkiisa uu bilowdo marka ay nolosha qofkaas bilaabato, dariiqyada qaar waa kuwa Qodxa miiran, qaarkoodna waa rays ay lugta ku raaxayso ku socoshadeeda, halka qaar ay dab aan kulaylkiisa la mahdin yeeshaan, qaar kalana qabow lagu qaboobo.
Idil way ogayd xaalka ay marayso in uu yahay xaal la qaddaray, iimaanka uu alle siiyey dartiis ayey ku sugaysay halka ay ka gaarayso iyada oo waddada ay marayso hadba qaabka ay tahay ula jaan qaadeysay.
Dib aan yara u milicsano nolosha idil sida ay ku bilaabatay ilaa hadda meesha ay marayso, waxaad ka garan kartaa in idil tahay qof u aqbasha nolosha sida ay usoo qabato, waxaa kaloo laga fahmi karayaa in idil tahay qanciso u taagan qancinta dadka ay wax kala dhaxeeyaan ha ahaadaan waalidkeed, walaalaheed iyo qooysaska ay usoo kala dhaxdayba.
La soco Qaybta 8aad jimcaha dambe insha alllah
W/Q : Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN