KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!.W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor





      KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!
Qaybta 4aad
Waxaa loo guurshay axmed xaaskii labaad oo iyana dhaqaala badan laga soo baxshay ahaydna gabadha la oran karay waa kusoo xigtay idil dhanka quruxda, balse, qiimaha iyo garaadkaba aan idil usoo dhawayn, nasiib wanaag markii loo aqal geeyayna isla markiiba gabadhaas horey waxay ka yeelatay Ziyaado (Uur) ay ku dhashay Wiil.
Waqiga wuxuu is guraba Idil waxaa la qabaa 7 sano iyada oo 16 jirta ayaa lasoo guursaday maantana waa 23 jir lala qabo Xaas kale aana lahayn wax owlaad ah, Idil waajibaadkeeda dumarnimo mar walba waa gudanaysay, waxaana la oran karay way dareensanayd wax walba sida ay u dhacayeen, balse awood aysan lahayn darteed ayey uga aamusaysnayd, laakin markan waxay gaartay go’aan aan kasoo noqosho lahayn kaas oo ay ka fakaraysay muddo aad u fog.
Waxay garatay in ay iskaga hayaanto nolosha ay la wadaagasay Axmed, waxayna go’aansatay in ay la wadaagto Axmed go’aanka ay gaartay si loogu fududeeyo arrimaheeda.
Runtii markii ay u sheegtay arrinkaa Axmed kuma uusan farxin, maxaa yeelay, aad ayuu u jeclaa Idil, duruufta iyo xaaladda uu ku jirana ma ahayn mid uu isagu Mas’uul ka ahaa ee waxay ahayd xaalad ka timid dhanka waalidkiisa taas oo uu iyaga ku raali galinayay xaaskisana uu aad u jecelaa, wuxuuna waydiiyay idil dhowr su’aalood oo runtii jawaabahooda ay ku adkaadeen, kuwaa oo qaarkood ahaa bal haddii ay dhibsatay sida uu ula dhaqmo ama waajibaadka ka saaran xaaskiisa uu u gudan waayay sidii loogu tala galay.
Idil oo la hadlaysa ayaa ku qancsiay Axmed iyada oo dhahaysa “walaalkey Alle ayaa ii jeeda in wax aan kaa tabanayo caawa aysan jirin, arrintan aan kaa codsanayana waa arrin aan muddo rog rogayay oo ma ahan wax sababteeda aad adiga leedahay, balse waa wax ku qaas ah rabitaankayga nololeed iyo tiigsiga hadafyada aan tiigsanayo”.
Hadalka Idil ay kula hadashay oo ay uga dhaadhicinaysay in uu iska furo wuxuu ahaa hadal dheer oo qoraal ahaan aanan halkan kusoo koobi karin, balse, muhiimaddiisa ay ahayd in ay damacday in ay iyana maadaama 7 Sano oo ka mid ah nolosheeda ay Axmed lasoo qaadatay Nolol ahaana ay hadda damacday in ay horey usii socoto oo arrimo badan oo nolosheeda ah waddadana ku sugaya ay bal sii eegto sida xaalkoodu noqon doono.
Waa runteed qof walba arrima badan oo noloshiisa ah ayaa sugaya waana wax loo baahan yahay in qofku sii eego sida xaalkiisu noqon doono, idilna Damac badan iyo Hammi ku salaysan gaaritaanka heer ka wanaagsan heerka ay nolol ahaan ku jirtay ayey bartilmaameedsanaysay.
Ugu dambayn waxaa la isla gartay in la is cafiyo qof walbana qofka kale wixii uu ka mudan yahay uu ka helo sidaana lagu soo gaba gabeeyo gurigii dhisnaa muddadaama, hammiga ama hanka laga qabay in wax badan la gaarana la oran karay qaarna waa la gaaray qaarna lama gaarin.
Aarintii markii ay dhamaysteen ayaa loo gudbiyay waalidka axmed, aabaha dhalay axmed isaga waxba kama uusan oran oo waxaa la oran karay idil maadaama ay raagtay In macna badan uusan ugu fadhin joogiddeeda iyo bixiddeeda marba haddii laga waayay wixii Xoolaha badan looga baxshay ee ahayd in qoyska odaygan ay kusoo kordhiso Awlaad.
Dhanka hooyada Axmed iyo walaalihii dhamaan waxaa la oran karay aad ayay uga xumaayeen in idil ay gacantooda ka bixi doonto oo reerkooda ay ku laaban doonto, xaqiiqdiina waxaa la oran karay shaqsiyadda idil iyo dhaqankeeda oo wanaagsanaa ayaa la oran karay waa midda sababtay in loo murugoodo lagana xumaado ka bixitaanka ay reeka ka baxaysay.
Qorshaha dunida laguugu yaboohay iyo midka aad adiga doonaysid oo is leedahay gaar mararka qaar kala duwanaantiisa wuxuu gaaraa heer aan la mahdin amaba lagu riyoon, waana midda hadda haysata Idil, hammiga ay lahayd ee ahaa in ay mar uun nolosha ay kusoo kortay mid dhaanto hesho mase hirgalin wali, halganka arrintaana waa mid socda wali.
Riyada qof walba oo Dumar ah ay leedahay ee ah in qoyskeeda uu noqdo qoys guuleysta riyadaas oo hadda muuqato in ay soo gunaanadmatay maadaama farxaddii reerkii loo yagleelay uu hadda xaalkiisu sidaa kusoo dhamaaday in nolosha ay dib dambe u bilowdana ay ku qasbantahay.
Xaqiiqdii Idil waxay ahayd qof mar walba iimaan leh una taagan ku samridda waxa ay wajahayso iyada oo gabar wali Da’ yar ah, balse hammiga sare ee ay lahayd ayaa la oran karay wuxuu ka kaalmeeynayay in ay noqoto qof adag oo aan marnaba ka niyad jabin nolosha, qaab walba oo nolosha ay u qabatana ay ka go’nayd in ay u wajahdo.
Daganaanta Idil iyo Iimaan uu Alle ku mannaystay ayaa la oran karay qayb ayey ka ahaayeen in meel walba oo ay cagta saarto ciddii aragtaa in aysan dhaayaha ka qaadin, oo waxay goob walba ka ahayd qof laga jecelyahay, waana haybad uusan qof walba heli Karin.
Idil waxay kusoo laabatay guriga waalidkeed mar labaad oo cid ogayd in lasoo furay ama la socotay ma jirin, maadaama rabitaanka cidda qabtay ay u hayeen uu mar walba meeshiisa ahaa hadana qanaaca xumada nafteeda ay dareentay ayey ku go’aansatay in ay soo gunaanado jiritaanka qoyskeeda.
La soco Qaybta 5aad
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN