KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!! W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!

Qaybta 3aad

Idil waxay noqotay mid lagu qasbay Guur aysan filayn, ninka loo soo doonay magiciisa wuxuu ahaa Axmed Cilmi Warfaa, wuxuu ahaa wiil asaageeda ah balse dookhu uusan kulmin, wuxuu ka mid ahaa mid ka mid ah dhallinta ku hamminaysay in ay mar uun dhinaca gabadhaas quruxda badan dhulka dhigaan, garabkeedana barkadaan.

Waxaa la oran karay Axmed waa u romowday riyadiisa, ugu dambayn calafka ayaa wax walba ka wayn, Riyo kasta iyo hammi kasta oo ay lahayd gabadhaas wuxuu soo gunaanadmay markii uu aabaheed tirsaday Xoolaha lagu soo doontay.

Dunidan qof murugadiisa ayaa ah qof farxaddiisa, Axmed wuxuu ahaa ninka ugu farxadda badan dunida uu ku noolaa oo wuxuu is lahaa duni kuu dhiman ma jirto marba haddi aad xoolana haysato dumar tan ugu quruxda badan degmadana ay xilahaaga tahay, halka Idil iyadana ay isku aragtay Qof Xaqii nolosha ay u lahayd la dhinac marshay oo riyadeeda oo dhan loo marin habaabshay xoolo dartii.

Danta ayaa dadka midaysa, reer Cilmi Warfaa iyaga isma lahayn riyada gabadhaas dunsha ee dantoodu waxay ahayd gabadhan aan nuuceeda laga helayn deegmada ku dul daga, waa intaas oo Dad la mid ah nuuceeda aad ka heshaan. Halka reerka Idil oo ahaa reer Faqri ahna uu hammigoodu ahaa in ay mar uun ka baxaan faqriga, Allana uu sabab uga dhigay in idil ay noqoto gabadha ay ku tanaadaan, iyaguse isma oranayn oo maba ku jirin in riyada idil la dhaawacay ama la baaba’shay

Waxaan maqli jiray xanuunka cidda uu hayo ayaa dareemi karta sida uu u hayo iyo baaxadda uu leeyahay, idil iyada oo kaliya ayaa qabta dareenka ah in riyo la burburshay, qof dhan noloshiisana lagu dheelay, balse taas cid la og ma jirin, wuxuu ahaa dareen iyada ku gaar ah oo kaliya.

Wax walba bilow ayey leeyihin bilowgaas oo laga qabo rajooyin iyo hammi badan, idil waxaa loo aqal geeyay ninkii Axmed ahaa, oo sidaas ayey waxay uga mid noqtay reer Cilmi Warfaa, waxaa u bilowday Nolol cusub oo ka duwan tii ay ku noolayd.

Markan waxay leedahay Guri ay iyada maamusho, garaadka idil wuxuu ahaa mid ka wayn da’deeda oo da’ahaan gabadhu waa yarayd, balse, waxay ahayd mid garan karta waxa laga doonayo iyo waxa ay ka mudnaayeen Dadka ay Xilaha u ahayd.

Xushmad, Naxariis, qiimo inta uu la eg yahay dhamaan Alle wuu ugu deeqay wayna kula dhaqmi jirtay reerka ay Marwada u ahayd,  waxaana la oran karay dhmaan reerka oo dhan kor ilaa hoos waa ay deeqday Idil oo waxay ahayd midda kaliya ee qof walba uu jeclaa in uu la saaxiibo ama wax la wadaago.

Axmed aad ayuu u jeclaa idil oo wax uu ka taban jiray ma jirin sidaas si la mid ah idil Iyana waa ay jeclayd ninkeeda iyo dhamaan ciddiisa, sida aan soo sheegayna danta ayaa ah midda midaysa Umadaha, haddii ay taas meesha ka baxdana waxaa bilowda iska horimaad iyo is jiid jiid umaddaas dhex mara.

Waxaa la joogay in muddo ah idilna wali ma curan oo Alle wax caloosheeda ma uusan ku beerin, ma ahayn hammiga reer cilmi warfaa in gabadha ay xoolaha intaa la eg ay ka baxsheen aysan wali fulin mid ka mid ah sababihii loo soo guursaday, balse, is waydiinta ayaa waxay tahay waxa laga doonayay Idil in ay fuliso ma wax ay awood u leedahaybaa mise waa wax ka baxsan awoodda Aadanaha?

Yaaba is wadiiya su’aalahaas qof walba waxaa u muuqda waxa uu doonayo, cadaadiska ah Idil in aysan curan ma ahayn mid ka imaanayay Axmed xagiisa oo wuxuu ahaa mid ka imaanayay Aabaha dhalay axmed, waa Cilim Warfaa.

Umadda haddii dhinaca diinta iyo aqoontaba ay ka arradan tahay waxaa ku yaraadaa dulqaadka, waxaa kaloo daboola qalbigooda mugdi aysan waxba ka arki karayn, kaas oo ku kabiixa ama ku qasba in ay faraha la galaan wax aysan awooddooda lahayn, garan karina macnahooda, waana miidda haysata maanta Idil.

Culays dhinac walba ah ayaa ku yimid dhamaan qoysaska labada dhinac, inkastoo la oran karay dhamaan culaysyada waxay ahaayeen kuwa ku badan Idil xageeda oo Aflagaaddo, Dhaga hadal iyo Dhaqan xumaba way kala kulmaysay dhamaan cidda reer Cilmi Warfaa marka laga reebo ninkeeda waa axmed oo isagu ku qanacsanaa marwadiisa ogaana in waxa laga dalbanayo gabadha aysan ahayn wax ay iyada awooddeeda leedahay.

In muddo ah markii uu soo jiitamayay Muranka ku salaysan dhanka dhalidda owlaadda, idilna ay harsan wayday ayay reer cilmi warfaa go’aansadeen in gabar kale loo doono wiilkooda iyada oo Idil aan la furin si ugu yaraan doonista qoyska ee ilmaha ku salaysan  loo helo.

Sidii ayaa la yeelay oo waxaa loo doonay axmed gabar kale, runtii kuma uusan qanacsanayn balse maadaama uu ahaa wiilka kaliya ee reerka oo inta kale oo la dhalatay ay gabdho ahaayeen ma jeclayn in uu niyad jabsho labadiisa waalid iyada oo waliba lagula dar daarmay in uu idil furo ayuu dood dheer kadib ku qanciyay ciddiisa in idil uusan furin balse uu ka aqbalayo dalabkooda ah in uu guursado marwo labaad oo ay ayagu keenaan.

La soco Qaybta 4aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN