KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!. W/Q:Maxamed Muuse Sh.Nuur

                                                 KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 24aad

Idil daganaanta alle u dhalshay iyo qibradda ay ka heshay nolosheeda hore ayaa bartay in nolosha dhankeeda adag aan looga guulaysan Karin murugo iyo is tiiraanyeen ee looga guulaysan karo in aad ku aqbasho xaalad walba sida ay kugu soo gasho horyna uga socoto, waana sida ay idil samayso mar walba.

Idil markan waa sii cuslaanaysay shaqadeeda iyo howlaheeda maalmeed caadi ayey u wadatay oo waxa ay sugaysay oo kaliya martida caloosheeda kasoo booqan doonta micnaha ilmaha ay dhali doonto .

Runtii farxad ayaa haraysay wajigeeda taas oo hilmaansiiyay is waydiimaha qaldan ee dib ugu celinya noloshii murugada, waxay aqbashay kana mahad celisay in alle u doortay sidan hooyada ay waligeed ku taami jirtayan ay dhawaan noqon doonto, waxa kaliya ay markan ka fakaraysana ay ahayd mustaqbalka nolosha ilmaheeda iyo iyadaba.

Waa subax subaxyada uga duwan, saacaddu waa hal saac oo subaxnimo waa xilli ay isku diyaarinaysay in ay shaqadeeda u kalahdo ayuu mar qura xanuunkii foosha u yimid, isma waalin awalba kaligeed ayey noolayd inta is habaysay ayey isbitaalka ay markaa ka balansanayd in ay ku dhasho u qalab qaadatay.

Isla markii ay tagtayba waxaa la yiri xaalkaagu wuu dhowyahay oo waa lagu seexinayaa si aad u dhashid idilna horey ayey arrinkan ugu soo tala gashay oo waaba diyaarsanayd sidii ay ku seexatay.

Waxaa qabanayay xanuun naxuus ah kaas oo marna si daran u qabanayay marna ka tagayay markii ay ku jirtay maalintii oo dhan isbitaalka wax la joogo waxaa ka jirtay gabar ay habaryateed dhashay oo iyada uga shaqayn jirtay dhanka shidaalka ayaa maalintaas barqadii la timid isbitaalka.

Idil waxay u baahatay in la kaalmeeyo oo lagu duro daawo xanuunka soo badiso si dhalmadeeda ay usoo dag dagto, daawooyinka idil lagu duray waxay u muuqdeen kuwa aan waxba ka tirin, sababta lama macnayn, xanuunka idilna wuxuu u muuqday mid isag sida uu doono isku maamulaya oo aan dhag jalaq u siinayn daawooyinka iyo waxyaabaha kale ee lagu kordhinayo.

Idil runtii waa ku rafaadday meesha oo 24 saac ayey foolanaysay, intaas marba waxaa la dhageesanayay ilmaha uurkeeda ku jira xaaladda ay ku sugan yihiin, mar walbana jawiga ilmaha in uu dagan yahay ayey xaaladdu u muuqatay taas oo dhaqaatiira ku tartarsiinaysay in aysan kula dag dagin qallliin oo ay sugaaan in  xaalku si iskiis ah isku baddalay waxa kaliya ay wadeena kaalmaati xanuunka u kordhiya ayey la daba socdeen.

Xaalka idil wuxuu ahaa mid iska garguuranaya oo waqtigu wax uu is jaraba waxay foodda lasii gashay maalintii saddexaad oo ay fool ahaan u joogto isbitaalka, idil waydiimo badan ayaa laabteeda buuxiyay, tallow maxaad sidda, waligeed mala arkay qof dumar ah oo saddex maalin foolanaysa, sidan haddaad kusii socoto muxuu noqon doonaa xaalkaaga, mar walba alle bari ayey ku jirtay ah in iyada iyo ubadkeedaba Alle nabad galsho soona kala keeno.

Waqtig waa xilli casirliiq ah si lama filaan ah ayey xaaladdu mar qura isku baddashay, idil waxaa qabtay xanuun kii ugu darnaa, waasa kii soo gabagabayn lahaa arrinkan soo taxnaa muddada saddexda bari ah. Idil wax la dhahaba riix rixii riix markii dambe alle waa kala keenay, maxaa dhashay? wiil ayaa dhashay, intii wiilka la eeg eegayay ayuu hadana wiil kale kafka idil soo galay, ma jirin cid filaysay xitaa idil, awalna cid qalab ku eegtay ma jirin, idinlana ismaba dhahayn laba Mataano ayaa siddaa.

Sidii ayaa mar labaad looga foolshay cunugii labaad, idil markan riyadeeda waa rumowday maanta ayey dhabteeda ku haysaa laba wiil uu Eebe ku mannaystay, naaskeedana ku quudinaysaa.

Hambalayada waa iska soo daba dhacaysay ducada iyana meesha kama marnayn, gabadhii ilma habreedka ahaayeen ayaa u timid habeenkaana kula hoyatay isbitaalka subixi dambana kasoo saaratay, Idil iyo wiilasheeda waa wada caafimaad qabaan xoogaa dhiig bax yar oo idil kasoo gaaray dhalmada ma ahee dhib kale ma jirin, idil waa nabad qabtay inkastoo ay dareemaysay xoogaa daciifnaan ah taasna sababteeda waxay ahayd foosha saddexda bari socotay, idil iyo walaasheed gurigood ayey kusoo laabteen.

Nolol cusub ayaa u bilaabatay idil, saaka wuxuu waaga ugu baryay iyada oo hooyo ah ayna u rumowday mid ka mid ah himilooyinka ay waligeed ku hammin jirtay, iminkan waxa ay bilaabaysaa in ay ka fakarto qaabka ay u bar baarin doonto ubadkan kusoo biiray nolosheeda.

Is waydiimo badan ayaa jiray oo dhex guuxayay qoyska ay ka dhalatay idil balse iyada waxaas oo dhan dhag jalaq uma siinayn maxaa yeelay waxay la noolayd xaqiiq nolosheeda ah oo aysan inkiri karin waxna ka baddali Karin iyadana aysan dooran in ay sidan ahaato balse xag alle ay ka ahaatay waddada u furan oo kaliyana ay tahay in ay ku aqbasho wax walba sida ay ugu yimaadeen.

Nolsoha sideedaba doorasho kuma lihid sida ay kuu soo wajahayso balse sida marka ay kusoo wajahdo aad u qaabili karto uguna noolaan karto doorashadeeda adiga ayaa leh idilna qaacidada ah in ay doorato qaabka ay ugu noolaan lahayd xaqiiqdan nololeed ayey qaadatay.

Guuxa dhex guuxaya dadka iyada waxay ka soo qaaday wax aanan qusaynba warxumadoodana dhag jalaq uma siinayn, muxuu kaa tarayaa qof aanan caawa intan ku cashee ku dhahayn hadalkiisa iyo tala bixintiisa, waa is waydiinta badan ee dhiiri galisay idil ee ka dhigtay in ay nolosheeda sida ay jeceshahay ugu noolaato una qaabisho.

Xaaladahan dhibatada badan ee nolosha marka ay sidan oo kale kuula soo gudboonaadaan waxaa loo baahan yahay in aad la timaado dhabar adeeg aad ah oo aad ku qaabishaa xeelad iyo xal wanaagsan oo ka yimaada niyaddaada, waa in naftaada iyo adigaba aad u midowdaan in aad mowqif mid ah ka wada qaadataan xaalkan oo kale.

Idil korriimada wiilasheeda ayey dhexda u xiratay allena wuu ku garab galay runtii maadama ay lahayd go’aan ah in aysan marnaba dib ugu noqon gadaal oo nafteeda iyo maankeedaba waxay ku midaysay in ay wada yeeshaan hadafka ah in ay u wada halgamaan in ay wiilashan yar yar usoo saaraan si ka duwan sid iyada loogu soo saaray Dunida.

Nolosha waa macallin ku bara wax aadan aqoon u lahayn amaba aadan ogayn in ay jiraan, waana tan kugu qasabta in aad la noolaato wax marka hore la noolaatooda maankaaga uu diidi jiray.

Waa sida ay tahay, xaalad walba sida ay kuu soo wajahdo ayaad ugu qasbantahay in aad ula dhaqanto, idilna waa ku qasbanayd ayaa la dhihi karay xaaladda ay manta dhex joogto la noolaanteeda.

Waxaa kale oo nolosha ay cajiib ku leedahay in wax aad raadintooda ku daashay ay kugu soo galaan si kale oo aadan marnaba ku fakarayn, taas waxaa laga baran karaa in waxa gacanteena ku jira xitaa aanan fakar ka haysan waxa ay noqon doonaan mustaqbalka.

Dunida waa mid la yaab badan hadana dhib badan. Waa shibane shaqadiisa wata, waa ma jixinjixe aan nixin oo marna naxariis aad ka hesho marna aad ku nasan wayso, yeelkadeedee qof walba farxad ayuu doonayaa sida uu doono farxaddaas ha ku helo.

Idil intaas oo guur oo reera kala duwan ay Xidid la noqotay ayey soo martay, taas waxaa usii dheeraa nolosha kalinimada oo cabaar ay iyana ku noolayd, way ogayd mar walba in wax ka maqan yihiin waxa ka maqnaana waxay ahayd owlaadda ay manta haysato sida ay doonaanba ha ku soo galaan.

Xanuun mar walba ay tabanayso wuu jiray hadana xaaladda culus ee sugayso ayaa ka dhaga tirtay waxa dadku ay sheegayaan, sidaas darteed ayey ugu qasbanayd in ay ilmaheeda dhexda u xirato.

Hooyo aan la heli Karin oo taariikhda xusto ayey noqotay, si wanaagsan oo qurux iyo raaxaba leh ayey ilmaheeda u korsatay xoolo ku filana waa u tacabtay inta ay kari kartay, sidoo kale waxay aad ugu dadaashay in ay ilmaheeda si wanaagsan wax u barto.

Wiilasheeda midna iyada ayuu kala wareegay shaqadii, qoysna wuu yeeshay kii kalana wuxuu waxbarasho u aaday dibadda idilna iyada oo farxad iyo daganaan qalbi ku nool ayey shaqadeeda la wadday wiilkeeda.

Halgankii idil ee nolosheeda halkaas ayuu kusoo idlaaday, nolosha waa sida aad u samaysato iyo sida aad u aaminto, sidoo kale sida aad ula dhaqanto xaaladaha ay kuula timaado ayuu mustaqbalkaaga ku xiran yahay.

Dhammaad.

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN