KUFSIGA WAA KURBADA HAWEENKA. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

KUFSIGA WAA KURBADA HAWEENKA.

Qaybtii 2aad
Jane waxay la noolayd awoowgeed oo aad u Da’ weynaa, goobta ay kula noolayd waxay ahayd goob aan magaala ahayn oo beeraley ah. awowgeed beeralayda ugu caansan ayuu ka mid ahaa ee goobtaa laga yaqiin.

Wuxuu lahaa awowgeed shaqaale uu aad u aaminsanaa oo muddo uga shaqeynayay beerta. Jayn waxay go’aansatay in ay ka haajirto barwaaqada iyo beeraha ay kula dhex noolayd awoowgeed iyada oo markaa jirta 21 Sano, sababta ku kalliftay in ay ka carartana waxay ahayd kadib markii kufsi gadaal uga tagid ah ay kala kulantay ninka Gacanyaraha u ahaa awowgeeda kaas oo ay iyada nafteeda waalid ahaan u qaddarin jirtay awoowgeedana uu aad u aaminsanaa.

Wax badan ayey howshaas socotay, aqoon iyo wacyi uma lahayn waxa lagu samaynayo oo ilaa yaraanteedi ayey howshan ku socotay balse, waqti dhexe ayey fahantay sida ay wax u qaldan yihiin, fakar dheer kadibna go’aansatay in ay ka baxsato goobta.

“Sanadkii 2006dii ayey ahayd, waxaan magan galay goob xannaano oo ay madax ka ahayd Haweeney aan aad u aaminay oo aan ku tuhmayay in ay Alle u dhowdahay kadib markii aan isku soo dhacnay waalidiintayda.

Waan xasuustaa habeenkaa, saacaddu waxay ahayd 4am aroor hore 12ka August sandka 2006, waxaan kusoo baraarugay Nin ag taagan sariirtayda sidaana ii soo eegaya, naxdin iyo maxaad ahayd ayaan la kacay, falka ugu horeeyo uu sameeyayna waxuu ahaaa in uu afka gacmihiisa xooga badan iga saaro iigana dhamaysto shaqadiisa wax daqiiqda la eg.

Ninku wuxuu ahaa wadaadka goobta aan ku xaraysnaa ee aan soo magan galay, waxay ahayd goob Kaniisad ah”

Jane oo dib u goconaysa xusuustaas xun, dareen ahaan muujinaysa sida ay u ahayd qof aan is caawin karin wax caawiyana aan haysan, sidoo kale jawhwareerka ay xaaladdaas lahayd, iyo sida ay u noqotay Qof Cuuryaan ah oo sariirta aan far ka nuuxin karin, kadib markii ay musiibadaas lama filaanka ah ku habsatay iyada oo sariirteeda si nabad galya ku jiifatay balse aan uga soo toosan.

Nasiib darrada kale ee habeenkaas xanuunka badan ka qaaday waxaa usii dheeraa in isla habeenkaas ay caloosheeda ilma galeen. Waa ilma aan la qoon qofka dhalay, ninka kufsaday xitaa wajigiisa ma arkin mana cabiri karin. Goobtu Mugdi ayey ahayd, in muuqaalka rag yahay oo kaliya ayey sooci kartay laakin argagaxa iyo falka guurracan ay kala kulantay ayaaba musiiba kale ugu filnaa.

Maalmo kadib ayey dareentay in xaalkeedu uusan caadi ahayn baaritaan ay isku sameysayna loogu sheegay in ay hooyo noqon doonto, oo yaa iga dhalay cunugan, aabihiis xitaa indhahayga kama qaadin ayey is waydiisay kaligeed?

“Goobta sidaa la igu yeelay waa goob Alle lagu caabudo dadkana nabad galyo usoo doontaan, aniga nabad galyo maba ka helin, mucjiso ayaasa ka helay!!!
Gabadhii awal meesha igusoo dhawaysay oo meesha ka maqnayd muddada waxaas igu dhacayaan ayaa soo laabatay, waxay ahayd qofka kaliya aan meeshaas ka aaminsanaa, ma jirin qof kale oo aan ka aamini karay, markii aan iyada u sharraxay xaalkayga iyo waxa aan goobta kala kulmayna ima aysan rumaysan oo waxayba igu tilmaantay wax aanan ka filayn in ay igu dhahayso.

Ma jirin qof kale oo kaniisadda iga aamini karay dhamaan waa la iga soo wada horjeestay, xitaa ma jirin qof igula taliyay in aan cunugan iska soo rido, taa baddalkeeda waxaa dhacday in kaniisaddiiba la iga soo saaro”

Waxay ku qasbanaatay in ay isaga laabato ciddooda una sharraxdo arrinta, nasiib wanaag way ka aamineen, waxayna u geeyeen qof tala ahaan iyo maskax ahaanba caawin karay.
“Aabahay ayaa damcay in uu Dacweeyo Wadaadka Kaniisadda ee falkaas igu sameeyay laakin aad ayaan u dhaawacnaa mana awoodin in aan caddaymo badan usii helo ninka magaca ku dhex leh bulshada ahna Wadaadka Dadka dhan ay u hogaansanaayeen.

Waxay u muuqatay in qof iga aamini karaa sheekada aan waday uusan jirin, bulshada aan ku dhex noolahay dhamaan agtooda waxaan ka ahaaTuke Canmbaar leh ee doonaya in uu ceebeeyo dadka bulshada waxtarka u leh, waa sida ay aaminsanaayeen dadka aan ku ag noolaa, ma jirin cid aan qoyskayga ahayn oo arrintaas iga aamintay.

Hadda waxaa laga joogaa dhacdadaas igu dhacday 12 Sano, waa laba iyo toban jir Cungayga.
Sheekadaas igu dhacday lama aamusin, waan uga sheekeeyay kuwa dòonayay in iga dhagaystaan, maantana waxaan idinkug sheegayaa si aan iskaga xoreeyo Cuqdadaas iyo Musiiibada igu habsatay, sidoo kalana ugu dhiiri galsho Dumarka ila midka ah in ay soo banaan baxaan oo ka hadlaan arrimahan xanuunka badan si loo helo Xal iyo talaabadii lagu daweyn lahaa murugadan.
La soco qaybta 3aad
Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

SHEEKOOYIN