KUFSIGA WAA KURBADA HAWEENKA.

KUFSIGA WAA KURBADA HAWEENKA.

Qaybtii 3aad
Kufsi Jamaaci ah ayaan ku dhacay!!
“horey ayaan uga badbaaday laba jeer isku day Kufsi, mid wuxuu ahaa Wiil ka shaqeenayay Beerteena, kan kalana wuxuu ahaa maamulaha goob waxbarasho oo aan ku xaraysnaa.

Dadgaal culus ayaan la galay kufsadayaashii i kufsan rabay, nasiib ayaana u lahaa in labadaas iskudayba aan ka badbaado laakin nasiib darro markii saddexaad nasiib ma lahayn” ayey tiri Mary oo Da’deeda labaatameeyada ku jirta.

Waa gabar Kenyan ah oo ka dhalatay Qoys iska danyar ah, lacagteeda Jaamacadda waxaa la dhiibaa waqti hanjabaad badan ay kala kulanto Maamulayaasheeda.

Jaamacadeeda waa Moi University, ma aysan awoodin mana iska bixin karin qarashka ay jaamacadda dhismaheeda ku seexato, sidaa darteed ayey ku qasbanayd in ay dagto Guryo u dhawaa Jaamacadda oo ay qarash ahaan iska xajin kartay.

Waxay ahayd gabar dadaal badan, qoyskeeda maba awoodin in ay ka dhiibaan waxbarashada balse qof ay qaraaba ahaayen ayaa ka dhiibi jiray qarashka jaamacadda. Mary waxay habeenada qaar seexan jirtay iyada oo calool maran ( baahan).

Musiibada marka ay kusoo asiibayso ayey soo caga dhaigataa iyada oo aan eegayn maalin iyo habeen toona.
Caawa Mary waxay go’aansatay in ay asxaabteeda kala qayb gasho Xaflad dhalasho oo ay dhiganaysay mid ka mid ah habalha asxaabteeda ah, ma aysan jeclayn in ay habeenkii baxdo, caawa iyada oo caga jiidayso kuna qanacsanayn ayey labiskeeda isku taagtay, yaa u sheega caawa habeenka ay tahay? waa habeen ay ka shallayn doonto inta ay nooshahay, waa habeen xusuus muruga nolosheeda ku yeelan doona, waa habeen ay nolosha nici doonto, waa habeen aad u xanuun badnaan doono, waa habeen Ceeb iyo Cuqdada in ay la noolaato kow ka noqon doona, waa habeen ay Dunida cara daran u qaadi doonto.

Intii lagu guda jiray damaashaadka Xafladda dhalashada ayey hal mar iyada oo isla yaaban qol kuwada kulmeen 3 wiil oo dhaliyaro ah iyo iyada, waxa kaliya ay xasuusta ayaa ahaa in ay dagaal dheer kula jirtay ragaas dhallinyarada ah, ilaa ay miyir daboolanto.
“In aan la dagaalayay Saddex ilaa afar rag ayaa iigu dambaysay, waxaasa jira oo xusuusta muuqalkayga ka go’ in mid ka mid dhallintaas kaas oo muuqaalkiisu ilaa hadda hurdada igu ugaarsado, sidoo kale murugo ayaan galaa marka aan arko muuqaalkaas muuqaal shabbaho, waan xasuustaa taariikhdaas ilaa maanta la joogo, waana taariikh i ugaarsata runtii.

Waxaan soo baraarugayay aniga oo dhex ceegaaga dhiig iga baxay iyo xanuun daran oo markaa xubintayda taranka iga hayay, halkaas ayey ahayd halkii aan ku waayay Gabarnimadayda ugana mid noqday Dumarka dhibanayaasha u ah Kufsadayaasha”.

CADDAYMIHII
Mary waxay samaysay qalad ahaa in ay isla markiiba is nadiifis jir ahaaneed iyo goobtiiba samaysay oo caddaymihii loo isticmaali lahaa in lagu soo qabto Dambiilayaashaa meeshaas ku tir tiro waaba haddii ay dacwad gudbin lahayd.

Waxay caawin waydiisatay Farmashiya goobta ka dhawaa kaas oo siiyay daawooyin xanuunka baaba’sha iyo kuwa antibiotic ah.

Nasiib wanàag way ka badbaaday in ay kufsigaas ka qaaddo Xanuunka HIV laakin dhacdada ayaa ku reebtay uur ku taalo Murugo, iyo Ceeb ay dunida caro daran ugu qaaday.

Si nafteeda ay uga daawayso xanuunadaas daran ee ay ka qaaday falkaas foosha xun ee lagula kacay ayey ku biirtay goob lagula taliyo Hablaha dhalinyarada ah ee xaaladdeeda oo kale wajaho, goobtaas oo ahayd goob u dhaw jaamacadda, halkaas oo ay ka heshay fursad ay sheekadeeda kula wadaagto inta ku xaaladda ahayd.

Qofka marka uu dhib ku dhaco hadana la aamuso ma noqdo qof ka bogsada dhabikaa, hadana farqiga u kala dhaxeeya qofka bulshada la wadaago xaaladdiisa ayaa mar walba laba jeer ka faaiido fiican.

A- waa marka koowaadee qofkaas wax la wadaago bulshada wuxuu nafis u helaa naftiisa in ay si tartiib ah isku daawayso oo uu kaga bogsado dhacdadiid ku dhacday.

B- bulshada ayaa ka faaiido oo wuxuu la wadaagaa wax qof walba ku dhici kara, isaga oo dareensiiya in bulshada qof walba oo ka mid ah xaaladdaas ay la soo darsi karto.

“ waan ilmeeyay runtii markii iigu horeysay ee aan arriinta la wadaago qof aan naftayda ahayn, laakin si tartiib ah ayaan u dawoobayay”

Hadda Mary waxay qayb ka tahay urur caawiya hablaha xaaladdeeda oo kala la soo darasto.

“Waxay doorteen in ay la aamusnaadaan inta ay ka hadli lahaayeen ayey hadalkeeda kusoo gunaanadday Mary, aamusnaanta xal ma ahan ee Dumarow ka dhiidhiya dhibkan”.
Dhammaad
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN