KULA LIHI Q.11aad WQ Xuseen-Wadaad

KULA LIHI Q.11aad

 

Halkaan aan uga nasanno: ”No way iyo Alaysa kadaalika”.

Inkastoo dhir xoogliyo

Dhammac yaab leh lagu shido

Ma dhadhaar nuglaadoo

Sida dheylo Suulkiyo

lagu goosto dhooshoo

Hilib laga dhigtaa jira!!!

M.I.Warsame “HADRAAWI”

Waxaa la soo maray maamullo kala duwan, kala geddisan oo midba si ahaa, sina ku yimid. Waxaa la soo maray gumeysi adag (ISTICMAAR). Waxaa la soo maray waayo iyo waayo kale oo ka sii horreeyay. Xilliyadaas hore qaarkood qabiilka ayaa ahaa saldanad, oo isaga ayaaba ahaa waxa kala haya dadka. Ma hubtaa? Haahoo Waa run oo muddaa lagu soo caanamaalay, waase milaygow filsamaa.

Waxa uuna ahaa kan xalliya dhib kasta oo jira, kalana furfura dun kasta oo miliqda. Waxa yaraa waayadaas aqoonta maanta taal; haddana wax kastaahi waxa ay lahaayeen xal iyo doc lala aado oo la isla yaqaan laguna wada qanacsanaa.

Aqoonta cusub ee timid ma noqotay mid dabooshay baahiyo jiray?

Mise waxa ayba badisay baahiyaha oo waxa ay abuurtay baahiyo aan dhammaad lahayn oo tabar iyo maaraba loo heyn. Baahiyuhu waxa ay noqdeen kuwa aan dhammaan. Waa uun keen iyo kanna dhugo waa kugu faayaahe. Hadda ogow, noloshaadu waxa ay noqotay mid la leeyahay oo sidii la rabo laga yeesho, docdii la doonana loo rogo. Kol waa kol bari laguu jeediyo kol kalena galbeed. Haddii bari iyo galbeed marba dhinac lagu jeediyay aaween koofur iyo galbeedna?

Waxaanse filaa in aadan taasi weli garan.

Ee ma kugu kaalmeeyaa in aan middaasna kuu ifiyo? Kolleey haddaad garatana itaal aad maya ku tiraa iyo maan silloon ood wax ku taxliiliso horta ma leedahay?

Haddii ay haa tahay; waa keyd la keydsatay oo mugga wax kastaahi oo kale la muudmuudsado lala soo baxayo.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN