Kula-lihi | Q. 22aad | W.Q: Dr. Xuseen M. Cabdulle

Kula-lihi Q. 22aad
Magrintu, iyadu ma wax kalaa oo ka fog doodahayna? Mise, doc kalaan la aadnaa iyada?
Yaanan la aadin meelo kale, ma iyagaaba kala fogba. Haa, minii la rabo waa la kala duwi karaa ee ma kula tahay adiga? Adiga marka aan ku leeyahay waa uun adiga ”Madaxaaga mayrax ku duubo”. Mayrax ku duubo. Mayraxdu, waxa ay tahay adiga soo hel iyo xikmaddu halka ay salka ku hayso.
Waryaa hooy hooy, maanyahow; Yaad magrilow leedahay? Iga xishoona waa sii dabadhigyay.
Maba dhici karto, Makrilow cid ow makriyay in uu maslaxeeyo. Sideeba ku dhacaysaahee, isagaaba makriyayay e.
Ar Maanyahow, xaad u diidee in reeraha dumaayo in la maslaxo oo islaax la dhex dhigo?
Adiga, ma kula tahay in dabadaboole wax maslaxayn karo? Weliba, kuwii isaga uu dabadabeeyay.
Kuye, Makrilow ayaad waddaye, haddana xageed noogu keentay dabadabada?
Kuwaas, minaadan garan ku darso oo aan ku weydiiya e ”Diradilaale, isagu ma taqaan horta?
Kuye, waryaa dib ugu noqo oo dib u gal dugsiyada laga barto naxwaha afkahooyo.
Aanba yeelo oo ku noqdo barashada naxwaha e, maxaad saluugtay oo kuu muuqdo?
Kuye, Jamaca, mufradka, mudakarka iyo mu’anaska ku noqo oo soo kala miir.
Waa tahay e, adiga intee aad ku ogayd oo aad uga tagtay Musannaha? Mise isaga kuma jiro naxwaha aad ka hadlayso? Jamacase, ma kuu midaa adigu?
Kuye, Jamac xow jamac dhaammaa?
Isku si wax uma naqaan ee aan kala joogno halkaas, anna aan u sii qummo hawlahaas aadan arag ee aniga ii gaarkaa.
Waxase aan kuugu deraa; adigu, mar kastaba ka xishoo dheddigowga.
Kuye, yaa gartay waxa uu sheegaayo maankaan wareersan? Yaa yiri dheddig iyo wax u eg aan sheegay?
La soco qaybaha xiga…
Xuseen M.Cabdulle ”Wadaad”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN