KULA LIHI Q-23AAD| W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

KULA LIHI| Q-23AAD

Hubsiino ayaa la yiri
Hal baa lagu doorsadaa
Waxaanad hayn
Adoo ka haraa habboon.

Hubsiinadu, iyadu waa muhiim. Wax aadan hubin lagama falceliyo. Ha ku kadsoomin halkaan, micnuhu maahan hammi iyo rabitaan ha yeelan. Waxa kale oo ku jiray isla heestan ay hore u qaadday AHN Sahra Axmed Jaamac, erayo kale oo sidan ahaa:

Haweenku waa walaalahaa
Habluhu sida hooyadaa
Horraadda kuu jaqsiisay
Iyada hagar lagama galo.

Kuye, yeelkaa. Waa ku arkaahe adigu kolba rabtaad rabto u jiid. Horta mid waa runtiis oo waaba tii hore loo yiri: ”Hadal waa mergi”. Keyguse, hadal maahan, waana ka miisaan culus yahay, haddii uu hadalku ahaa mergi kolba doc u maroorsama, kan ha u qaadan sidaas. Xaalku, soo dhaaf halkiisi iyo Alamtaradi lagu celin jiray. Waa wax kastaahi dhab u qaado. Ha dhayalsan ee dhab u qaado. Haa dhab u qaado…Waa iga run oo dhalanteed ha moodin. Ha moodin oo ha ku dagan. Aan ku weydiiyo e, weligaa ma maqashay: ”Nin baahan, nin buko barax looguma dhiibo”.

Minii aad sugto in hawshaasi fusho oo baraxaasi gaaro ninkaa buko, arrinkaagu waa ”barkuma taal, kaaf iyo kala dheeri”. Marmar, waa dhici karaan waxyo aan la filanayn oo ku dhaca ”LAMAFILAAN” ama kedis. Waana hee tii uu ku heesayba fanaankii isaga ahaa ee reer Suudaan ee lahaa: Sudfa gariiba.

صدفة غريبة
ولا بالخيال
كيف التقينا وحكيوا عينينا
من دون سؤال

Kuye, sidaad u socotay, miyaad haddana noo keentay Suudaan iyo wax aanan fahmayn. Wax kale maaha ee waa in aad fahamtaa waxa la yiraa Sudfada iyo xigashadu in ay meelo kaleba ka imaan karto. Kuma diiddani in kolka hore hareerahaaga wax laga dayo. Cilmigase waa in aad ka doonataa kolba meesha uu kaa jiro.

Kuye, waaba ”Kaddar oo dibi dhal”, Ma waxa aad weli igu dirqihee wax aanan fahmayn. Nagu kala wadna waa sii dabadhigyay. Waa yaab ee isagu miyaanu ogayn in aanan kala tegi karin oo aan nahay laba isku tolan. Haa isku tolan. Qaabka iyo sida ay tahay isku tolnaantu waa uun adiga in aad fahamto.Isku tolnaantu, laga yaabee in aadan u fahmin sida ay runteedu tahay. Anigase, dan iyo muraad kama lihi middaas. Miyaanba kala hereynaaba. Waa maya e, xow hee isu daalihaa. Dib u jalleec minaad rabto ”I jiid aan ku jiido iyo jeenya daaliskood”.

Isdaalintu, sow maahan midda keento in loo baahdo nasasho. Haa, aanse su’aal kale ku celiyo e isdaalinta, ma midda madaxaa mise jirka intiisa kale? Waxa sax ah xikmadda ah ”Alcaqlusaliim fil jismusaliim”. Ma helo ee nagala aal madaxwareerkan e, miruhu macaan badnaayeene. Haa, kalama dhicin, dhedhenkaa kala duwanaa iyo muuqa uun.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN