KUWII KU XUMEEYAY MARNA XAMDIYI MAAYAAN! Qore: Amina Abdillaahi

qormo

Kuwii ku xumeeyay marna xamdiyi maayaan!

Goor sheegta waxa aan ku qiyaasayay, ilaa. 4:30 subaxnimo, weli qof iyo geed lama kala garan, dhulku waa kaymo awdan, waana hawd, xilligaasaan ka soo baxay gurigayagii, cidi imay ogayn, baxsi ayaan ahaa, duunyadu way xeraysnayd, dadkuna way hurdeen. Dharkaygii ugu cusba ayaan soo xidhay, waa toob gacmo dheere ah, iyo shalmad laban laaba oo liisho ah, cunaabina waan xidhnaa.

Aniga oo baqanaya ayaan soo guday, oo cagta boodhka soo daray, intii aan kaynta dhexmarayay, jabaqyo kala duwan ayaa ii baxaayay. Shimbiro cod qurux badan ku heesaya, iyo cida waraabahaba intaba waan maqlayaay, meel dhexe ayuu waagii iigu beryay, lugtaydii waan sii watay, waayo meeshaan gaadhiga ka raacayay caawa uun baan ku hoyanayay.

Gaajadu ha joogtee haraad ayuu afku ila qalalay, meelaha aan marayay ooli way taalay, balse umaan baydhin, oo waxaan diidayay in lay ogaado, Geel jirayaal geel la jooga ayaan arkay, waan ka il horeeyay, iskana qariyay, geed cufan ayaan hoosta ka galay, waayo waan ka baqanaayay inay waxyeelo ii gaystaan oo i kufsadaan.

Halkii baan ku jiray illaa shan saacadood, geelashii markay i daba mareen ayaan baxay, safarkaygiina sii watay, barqodheer ayaan galay tuulo yar oo aanan cidna ka aqoon, gurigii ugu soo kooneeyay ayaan iska galay, aniga oo dayaysan. Islaan waayeela iyo gabadh yar oo u adeegaysay ayaa joogtay, Duqdii way i waraysatay, waxa ay isu’aashay xaggan ka imid iyo halkaan ku socdo, haybtaydu cidda ay tahay, intii ay i waydiisayba jawaab waafiya oo ay ku qanaacdan ka siiyay.

Islaantii way igu dhegtay waayo ayeeyaday aabbahay dhashay ayay isku qolo noqdeen, ma tegaysid bay igu tidhi, talo igu cadaatay, ciil iyo murug baa i qabatay, habeen badhkii ayaan ka guureeyay, magaalada markaan in cabaara dhaafay ayaan is taagay xagaaf, ay baabuurtu soo mari jirtay, nasiib wanaagayga baabuurbaa soo laydhay, gacanta ayaan sii taagay, si aanu xawaare iigu dhaafin oo uu iigu joogsado, wuu is taagay oo bireega qabtay, waaba gaadhi askar beddeli ahi saaran tahay oo halkaan ku socday isaguna ku sii jeeday.

Shidhka ayaa layga soo dejiyay nin saarnaa sidii ayaan ku raacay, safar dheer oo aan nasiino lahayn ayaanu galay, askarta gaadhiga waxa u saarayd kalluun, roodhi, iyo biyo intaasanu quudanaynay intaanu jidka ku sii jiray, anigu waan faraxsanaa sidii aan xaramka ku socdo kale, waan u jeel qabay oo u hilloobay naftayduna way joogsan wayday jeer aan cagaha dhigo.

Waashiton, Baarliin, Paariis, iyo Landon way iga qaalisanayd, halkan tegaya, waayo kuwaas man aqoonba, magacooda iyo meel lagu hadal hayo toona. Laakiin baradaan ku socdo, ilaa yaraantaydii magaceeda iyo milgaheedaa ayaa dhegahayga buuxiyay aniga oo aan muuqaalkeeda arag. waata keentay in aan ka soo tahriibo gurigayagii, iguna kaliiftay masaafo dheer in aan soo galo, naftaydana halis ugeliyo.

Intii aan caqliyaystay, waxa miyiga noogu iman jiray dad qurux badan oo reer magaala oo aqoon leh, fadhigaa looga kicijiray, meel hebluu ka yimid ayaa la odhan jiray, habeenba reer baa neef u qali jiray oo casuumi jiray, qofkaasi markuu sii boqoolayo waxa lasiin jiray hadiyad, tulud geela loo qali jiray, Muqmad iyo subag baa jeegag looga sii buuxin jiray.

Akhriste halka aan ku socday waxa ay ahayd, magaaladda Muqdisho, waxa aan ku deggay gabadh aanu isku hayb ahayn gurigeeda. iyadu ilbaxad inta magaalo ku le’e kaatay ayay ahayd, gaadhigeeda ayay nagu qaadi jirtay oo nagu dalxiis gayn jirtay, ayaamihii hore waan ku dawakhmay quruxda magaalada, sidaan marba meel u daawanayay.

Maxaa jidad halaasiya iyo laamiyo wada hayweeya kala roggan. Binooyin lawada nashqadeeyay, Fillooyin iyo maxaa dabaqyo dhaadheer isku qoofalan, nimcada fadhida iyo qudaarta taala waad indho daraandaraysaa, dadku hawliyo hanti wadaag ayey ku shaqaynayaan, danyaraha iyo maalqabeenka lama kala garanayo, Qof waliba nolol wanaagsan ayuu ku noolyahay.

Amaanka, kala dambaynta, is qaderinta, xushmada iyo wanaaga laysu hayay, wuxuu ahaa mid aanan iloobi doonin, markaan ilbaxay ee magaaladii kala bartay tiyaatarka ayaan shaqo ka helay, waxa aan ka mid noqday bahdii fanka, mar haddaan goobtii lagu dhigayay aan qaabaynayay, oo hagaajinayay kuna dhexjiray bahdayda uun bay ahaayeen.

Mushaharka laysiiyo badh reerkayagaan alaab ugu iibin jiray oo ku biili jiray, nimcadii anigoo qudhqudhinaya ayuu dagaalkii sookeeye dhacay. Xamar noqotay gelgelin, iyo goob dagaal oo dhufays lagu galo. waa laga kala qaxay, oo hortaa banaan loo socday oo la kala fiidhay sidii adhi bahal u soo dhacay goosan ba meel u yaacay.

Nimcadii iyo nabadii ayay naga kadab qabteen, dibada ayay noo tuureen, Hoygayagii iyo guryaayagii ayey naga saareen, Dugaagay noo eryeen. Annagoo Dal leh ayay dalan baabi na badeen, ubixii noo daara iyo dabkii noo shidnaa ayay biyo ku shubeen. Agoon iyo Rajay bay naga dhiggeen. himiladayadii ayay laaleen, dawersadayaal bay naga dhigeen, xaquuqdayadii ayey meel kaga dheeceen. Waa ta keentay maanta in aan qof soomaaliya, dunida laga qadderin.

W/Q: Aminsa Abdillaahi

SHEEKOOYIN