LAABTA KA SOCO (Faallo buug) qore: Maxamed D.Ciise

LAABTA KA SOCO

  “Dareen iyo garasho”

  Faallo buug

Qore: Maxamed D.Ciise

 

Hordhac

Buugga LAABTA KA SOCO, waa buug ka kooban Boqol iyo Kontan bog, una dhiganto Toddobaatan iyo Shan warqadood, iyo qormooyin tiro ahaan dhan 19. Waxaa daabacay dhiganaha Madabacadda Laashin, oo ah madbacad leh wax soo saar tayeysan, iyo faafinta wax soo saarrada aqoonyahannada.

Waxaa u qalin qaatay dhiganaha Dr. Xuseen wadaad, oo ah qoraa leh qibrad fog iyo hodannimo afeed, waxa uu wax ku daabici jirey wargeys kii caan ka ahaa ee Xidigta Oktoobar. Waxa uu sidoo kale leeyahay wax soo saarro sheeko faneed ah oo ay kamid yihiin, Godob iyo Gallad, Kula-Lihi, Horta Yaa Abaal Gala Yaase guda, IWM. Waa qalin curiye leh hab qoraal gooni ah, hanaan sawir maskaxeed farshaxanimo leh, iyo hab weydiin loo soo gudbinaayo qaab falsafadeysan misana fudud. Qalin kiisu waxa uu ka warramayaa tagtadii, marna waxa uu hoga-tusaaleynayaa taaganta, marna waxa uu si farshaxannimo leh ku cabbiraa timmaadada.

 

Dulucda Dhigaalka.

Farshaxameynta dhiganahaan sida aan hordhaca kusoo tibaaxney waxa uu ka koobanyahay Sagaal iyo Toban qormo, kuwaas oo uu qoraagu u farsameeyay qaab suugaanneed sare, oo aad arkeysid in qormooyin ka badan kood ay ka billaabanayaan ama ciwaan looga dhigey Maah-maah soomaaliyeed. Farsamaddaas sare ayuu qoraagu kusii daray in suugaanta uu ku tolo dhacdooyin keena dunida.

Waxa uu ku billaabaya kala horreysiin mudnaan leh, isaga oo ugu horreysiinaayo in uu marka hore toosh weyn ku bidhaamiyo Dadka iyo Dalka, isaga oo ka warramaayo baahida dadkeena dabar goysay iyo dalka hodannimada leh ee ay heystaan. Waxa uu ka warramayaa bulsho ahaan dhimmaalka innagu dhacay iyo sida aan u dayacannay, dunidana kaga harnay innaga oo heysanno dhul barwaaqeysan.

Waxa uu mar kale bidhaaminayaa in bulshadeenna isbaddal ku immaaneyn ilaa iyo goor aynu innaga isbaddelno. Waxa uu aad innooga digayaa in is-dhigashada iyo habacsanaanta nagu dhacdey, ayna tahay cudur mudan in aan dabar jarno.

Waxa uu farsamadiisa ku dhisayaa weydiimo uu innoogu bidhaaminaayo suugaan mudan darsid, iyo daba kac. Waxa uu mar kale isku tolayaa Maah-Maah soomaliyeed iyo dhacdooyin bulsheed kuwaas oo aad moodeysid in aad akhrineysid qoraallada faylasuuf kii Girrigga ahaa ee Palato, weliba gaar ahaan sheekadiisa Godka iyo hummaagyada, sida falsafadeysan ee uu weydiimihiisa ugu soo bandhigey sheekadaas. Waxa aad isla sidaas tolmoon oo kale aad ku dhex arkeysaa in uu weydiimo mudnaan leh ka keenaayo Maah-maahda “Weysha gowrac dibigu ha quustee”.

Waxa uu qormada Seddexaad kaga hadlayaa arrin mudan dul istaagid, weliba jiilkaan danbe ee uu ku dhacay cudurka jalboodka arrimahana aysan iska taagin dhinaca miyir qab ka, waxa uu qoraaga kaga faalloonayaa qormadaan in arrimaha noloshu u baahanyihiin miyir qab iyo hoga-tusaaleyn, waxa uu kun jeer ka digayaa qar iska tuurnimada iyo qaab xumada loo wajahaayo arrimaha bulsheed iyo hab nololeedka qofeed.

Waa tii Ibraahin Garle uu lahaa tuduc kamid ah maansadii Mullaax;

  Miyirkiyo hubsiintuna

 Maro weeye la huwdo.

Waa isla meesha uu Hadraawi AUN, uu kaga warramay wareysigiisa loo badalay dhiganaha loogu magac daray Hogatusaaleynta Nolosha, in dhallintu u baahantahay in ay jeexdaan jid u gooni ah oo ka duwan kan ay buuxisay qashin ka iyo quusta nolosha.

Qormooyin ka dhiganaha qormo weliba waxa ay taabanaysaa nabar bulsheed iyo dhaawac dhayid u baahan, isla mar kalana qormo weliba waxa ay daawo u tahay isla nabar kale. Ka rogo laba saar, qormo weliba waxa aan u arkaa(Faallo Qoraha) in ay tahay qormo jiilkaan danbe aad u anfaceyso, oo aan aniguba qeyb ka ahay. Dhab ahaan waxa aan nahay jiil uu la jaanqaaday casriyowga, isla dhinac kalana waxa aan nahay jiil ay buuxisey Laab Lakac faro badan, waxa aan nahay jiil heysto qalab casriyeysan isla dhinac kalana waxa aan nahay jiil uu xirmey dhallanteed iyo sad bursi. Waxa aan nahay jiilka labbiska iyo muuqa se isla mar kalana waxa aan nahay jiilka ka dhintay qiyam ka iyo akhlaaqda gudaha, haddii ay ahaayeen jiilashii hore kuwa u caddiban culeysyada nolosha, hadda waxa aan jiilkeena u caddibannahay ilbaxnimada casriyowga.

Caqliga iyo Cilmiga waa qormo kamid ah qormooyin ka dhiganaha, misana ay mudantahay in si gooni ah loogu celceliyo akhrinta si aan ugu baraarugno halka uu tilmaamaayo Dr. Xuseen Wadaad, waa isla meesha ay tahay in bulshadu ay ku baraarugto, taas oo aan ogsoonahay (Ka Maxamed ahaan) in bulshada badidood ay cilmiga u bartaan si ay u manfacsadaan maal iyo muuq midda dunida taal. Waa marka aan dareemo in Cilmiga Maaddigu yahay hormariyaha dhalaalka se aadanuhu dayacay dhisidda ruuxdiisa iyo xeerar ka dadnimo.

Ugu danbeyn dhiganahaan Laabta Ka soco, waa dhigane aad u manfac iyo miisaan weyn leh, gaar ahaan dhallinyarada iyo jiilka soo koraayo kuwaas oo doonaayo iney dhisaan duni qiyam iyo qaayo-soorro leh, duni akhlaaqda qofeed iyo dadnimadu ku weyntahay, duni damiir iyo laab ka socoshadu tahay wax ugu weyn. Waa dhigane kulansaday wacyi miisaan weyn leh, soo xigashada Eebbe hadalkiisa, suugaan carbeed, mid ingiriisi ah, iyo mid soomaaliyeed.

Nabadsan

F.G: Wixii dhimmaal ah, aniga ayaa u diyaar ah inaan qaado masuuliyaddooda, fadlan iigu soo hagaaji;

N.daauud14@gmail.com

SHEEKOOYIN