LAASHIN: IFTIIN AMMIN LOO BAAHNAA IFAY| W/Q: Cali M. Diini

LAASHIN: IFTIIN AMMIN LOO BAAHNAA IFAY

Toddobaadkaan bahda qalinleyda Laashin waxa ay xusayaan toddobaguuradii aasaaskii mareegta iyo madbacadda Laashin. Waa toddoba gu’ oo Laashin ay guul ku geeraarayso. Aasaaskii Laashin waxa uu ku soo beegmay ammin dhallinyarada Soomaaliyeed ay baahi wayn u qabeen helista dhiganayaal afkooda hooyo ku qoran, ammin dhallinyarada Soomaaliyeed la soo kaceen hammuun akhris iyo qoraal. Ammin aan oran karo waxaa Soomaalidu bilowday wax aan ku tilmaami karo kacdoon akhris iyo qoraal oo socod-diinle ah. Ammin dhallinyaradu bilowday nuxnux hoose oo ay calaamad su’aal ku saarayaan xaaladda dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaalidu ku sugan tahay. Ammin ay iftay isbeddeldoon fikir iyo mid nololeed.

 Waxaa maragmaddoonto ah in isbeddal ummadeed oo sal iyo baar ahi keliya ku imaan karo hab fikirka dhaqan oo la beddelo (la saxo wixii khaldan) taasina waxa ay ku imaan kartaa dadweynaha oo yeesha dhaqan wax akhris iyo mid qoraal oo ay afkooda hooyo uga haqab beelaan. Waa halkii Soomaalidu ka tiri biyo sacabbadaada ayaa looga dhargaa. Sidaas daraaddeed, dadka Soomaalidu waxa ay isbeddel nololeed oo qaayo leh ku samayn karaan waa in dadweynuhu helaan qoraallo iyo buugaag afkooda ku qoran oo ku waxbartay iyo mid aan baranba heli karo akhrinna karo.

Sida aan sooyaalka dunida ku barannay ummadi waxa ay xoroobi kartaa taladeeda iyo aayeheedana maamulan kartaa marka ay afkeeda hooyo ku hesho aqoonta iyo cilmiga, diini iyo maaddiba.

Ka hor intii aan Johannes Gutenberg sancayn mashiinkii daabacaadda 1450kii, dadweynaha reer Yurub waxa ay ahaayeen kuwa aan wax qorin wax na akhrin (illiterate). Ogaallada diineed iyo kuwa maaddiga ahba waxa ay marti uga ahaayeen wadaaddada mad’habta Kaatooligga iyo qoysaska reer boqor. Dhammaan aqoonaha reer Yurub waxa ay ku qornaayeen afka Laatiinka oo wadaaddada iyo inta xukunka haysataa oo keli ahi akhrin kareen. Sancadii mashiinkii Gutenberg waxa ay sababtay in kitaabkii Baybalka iyo aqoontii kale ba lagu soo saaro afafkii dadyowga reer Yurub oo dadweynihii caadiga ahaa helaan kutub iyo buugaag badan ayna ka maarmaan wadaaddadii Kaatooligga ahaa iyo qoysaskii reer Boqor, isla markaana ay dadweynuhu ayagu tafsiirtaan oo falanqeeyaan waxii buugaagta ku qornaa oo markii hore kaniisadaha iyo qoysaska reer boqor macnayn jireen ama tafsiiri jireen. Waxaa soo la soo saaray bugaag iyo qoraal kala duwan, waxaa dib boorka looga jafay taariikhihii, falsafadihiii iyo aqoonihii sayniska ee Giriiggii iyo Roomaankii, isla markaana gorfayn iyo falanqayn lagu sameeyay. Taasi na waxa ay sababtay in dadweynihii reer Yurub ka xarigfurtaan qolyihii farakutiriska ahaa ee qarniyaalka badan afduubka ku haystay.

Si taas la mid ah, dib u dhaca iyo tiiha Soomaalida muddada dheer cuskanaa waxaa qarqarsiga loogu goyn karaa aqoonta iyo ogaalka oo dadweynaha Soomaalidu afkooda hooyo uga dhergaan, taasi na waxa dhici kartaa marka la helo qorayaal iyo madbacado soo saara aqoon iyo dhigaallo Soomaaliyaysan. Sidaas awgeed Laashin waxa ay iftiintay ammin baahidaas dadweynaha Soomaaliyeed qabeen/aan. Laashin, keliya ma soo saarto buugaag Soomaali ah ee waxa ay dhiirragelisay/saa oo soo saartay qorayaal haldoor ah oo afka hooyo wax ku qora. Waxa ay ifisay iftiin u bilig yiri dhallinyaro badan oo hibo halabuur leh.

Waxa ay ahayd dabshidkii 2017 markii widaaygay Bashiir M. Xersi oo ka mid ah aasaasayaasha Laashin uu igu yiri: “Caliyow waxii qoran baa quruumo haree hankaagu ha dhaafo bostiyo/posts aad Facebook ku xarxarriiqdid.” Dabshidkii xigay (2018) ayay ahayd markii Dr. Hussein Wadaad, guddoomiyaha Laashin igu yiri: “adeer hibo halabuur baad leedahaye wax qor.” Isla dabshidkaas ayay markii aan bilaabay qorista buugga Waayihii Warsame oo gacan hagarla’aaneed aan ka helay widaayaday qoraa, abwaan Cabdiraxiim H. Galayr, qoraa abwaan Ibraahin-Nolosha iyo qoraa, laashin Xasan C. Calasow Shiribmaal. Abaal aan idlaan baan dhammaantood u hayaa.

Shan (5) gu’ ka dib waxa aan qoray labo (2) buug midkii saddexaad na gacanta ayaan ku hayaa. Waxa aan dareemayaa in aan ahayd qof cusub ruux cusubna ay i shidaalinayso. Waxa aan qirayaa oo hubaa in aanan Laashin la’aanteed maanta ahaadeen qofka aan ahay.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa guulaysta gacallayaal.

W/Q: Cali M. Diini

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN