Labiskaan iyo afkaan maba is lahan abaayo!!. (Sheeko gaaban)

                              Labiskaan iyo afkaan maba is lahan abaayo!!.

(Sheeko gaaban)

Waxaan u socday Masjidka waxaan u dag dagayay salaad Maqrib, indhahayga ayaa waxay si lama filaan ah ugu dhaceen laba gabdhood oo qaab Soomaali lahaa, waxaan is iri waa dadka soomaalida u eg balse la yaabka ayaa wuxuu noqday markii mid ka mid ah ay afsoomaali ku hadashay taas oo fajiciso igu noqotay.
Lama yaabanayn gabdhaha afsoomaaliga ku hadlayay, waxa la yaabka i galshay ayaa ah in aanan ka filayn in gabdhahaas ay Soomaali noqon karaan sababta aan sidaas ugu moodayna waxay ahayd qaabka labiskooda oo aad aan ugu ekayn qaab soomaaliyeed, mid ka mid ah waxay sidatay garan iyo jiinis aad ugu dhagan, foolxumadeeda jir ahaaneed waxaa sii muujiyay jiiniska oo ku dhaganaa iyo iyada oo qaarka dambe u waynayd.
Aniga oo sidii u yaaban ayaan hadana sii yaabay kadib markii haweenay u labbisnayd qaabka carabta oo midab ahaana midabka carabta lahayd ay hal mar ku tiri gabadhii afka soomaaliga ku hadashay” abaay macaaney ingariisk ma iskaga hadashidoo labiskan iyo luuqaddan aad ku hadashay maba is qaadan karaanee kadib markii aan maqlay erayga afka islaantaas aan carabta ku qayaasayay ayaan mar kale yaabay waxaana niyadda iska iri saana ma ii dhinnayd in umaddii oo dhan ay wada Soomaali igu noqdeen!
Aniga labadaas qof midna kuma qayaaseen in uu Soomaali yahay balse waa dhacday.
Nasiib wanaag maqribkii aan u cararayay lama addimin markaa, marka waxaan haystay xoogaa jaanis ah oo aan kula hadlo haweenta Carabta iila ekayd.
Waxaan ku iri galabta la yaab ayey ii ahayd, wali ma arkin Gabar Soomaali ku hadlaysa oo sidaa u labbisan iyo carab qof aan ku qayaasayay oo hadana soomaali waliba reer xamar ah kusii hadlay, markaas ayaan iri yaabka yaabkiis ma ahoo?
Islaantii inta qososhay ayay igu tiri “maxaa? ad kaligaa miyaa soomaali isku moodday?
Kaftan gaaban kadib waxay igu tiri aboo macaanow dadka ayaantan soo baxay ee afka soomaaliga ku hadlaya hadana dhaqanka aan wadan waxaan kusoo rogi lahaa amar, hadii aan awood u leeyahayna soomaalinimada waan ka saari lahaa, Af ajnabi iyo afsoomaali isma qabtaan, Labis ajnabi iyo afsoomaalina isma qabtaan, gabdhaha is qaawinaya waxaan oran lahaa walaalayaalow haddii aad dhaqankeena bah disheen fadlan afkana noogu dhaafa sida aad u dhaafteen dhaqankeena.
Qore :Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN