LACAGTU WAX WALBA KUUMA GOYN KARTO. W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

                                 LACAGTA WAX WALBA KUUMA GOYN KARTO.

Balwaddeena oo dhan waxay noqotay lacag iyo wixii hoos yimaada, waxa ina baaba’shay oo shaqsiyaddeena hoos u dhigay waa raadinta aan raadinayno lacagta, waxaanu u waynay lacag darteed nolosheena oo dhan , ha noqoto dalkii iyo dadkiiba, hadana sidaa ay tahay qanaaco ma jirto, qof walba tabashadiisa ku aaddan lacagta waa mid sii siyaadaysa oo aan marnaba nusqaamayn.

Qof walba oo inaga mid ah ha noqdo hogaanka inoogu sarreyaa ilaa maskiinka inoogu hooseeya subax walba wuxuu kasoo kacaa isaga oo baadi goob culus ugu jira lacagtaas, is waydiinta qof walba uu is waydiinayana waxay tahay, sidee gacanta ugu dhigaa Lacag!!?

In badan oo inaga mid ah waxay u haystaan ama aaminsan yihiin in waddada kaliya ee faqriga looga fakanayo farxad iyo maan dagana lagu helayo ay tahay helidda lacagta, lacagta sideedaba waa xushmad waa sida ay ka aaminsan yihiin dadka dunida ama Soomaalida qaarkeed waana u riyaaqaan qof walba oo lacag leh, qaddarin uusan shaqsiyan mudnayna waxaa lagu siiyaa lahaanshiyaha lacagta uu leeyahay darteed.

Waayadan waxaa xusid mudan in la ogaado in is waydiinteena ay tahay oo kaliya hebel lacag ma leeyahay inaga oo marnaba eegayn qaabka uu ku lacagaystay, qaab kasta oo lacag lagu helayo waayadan dhamaanteen waanu aqbalaynaa bilaa shuruud oo wax wal wal ah inaguma hayso xalaalinimada lacagta iyo xaaraanimadeeda.

Is waydiinta waxay tahay maxaanu ka fakaraynaa marka aan helno lacagta? Shaki kuma jiro in lacagta ay mar walba saamayn gaar ah ku leedahay nolosheena, haa waa sax waxay inaga fududaysaa culaysyo badan oo ina haysta, faqrigana way inaga fogaysa ilaa xilli kooban, qalbiyadeena waa ay ku dagaan sida aan iska dhaadhicino.

In aan dhaqaala ahaan isku filanahay waxay inoo ogolaataa in aan ka baxsano kuwa mar walba caburitna dhaqaala inagu haya, ayaga naftoodana marka ay na arkaan in aan dhaqaala ahaan dhisanahay xushmad gaar ah ayaanu ka helnaa.

Waxaa la dhihi karaa xornimo wanaagsan ayaa ku jirta in aad haysato lacag si aad ugu qarash garayso gaaridda farxadda aad doonaysid, sidoo kalana waxay kuu ogolaataa in aad gudato waajibaadkaaga qoysnimo iyada oo aan loo eegayn qaabka aad ku hanatay dhaqaalahaas, micnaha waa nolol kuu dhaanto ugu yaraan noloshii xaqiraadda ee dhaqaala la’aanta aad ku magacownayd.

Cid walba waa ay doonaysaa in ay ku raaxeysato dhaqaalaheeda, si qoys ahaaneed iyo si shaqisyan ahba, yaanan doonayn in dalxiis mar walba loogu baxo dibadda? Yaanan doonayn in cunto wanaagsan iyo xirasho qurux badan, dhamaan intaas waa damaceena, ma ahan in aan ka digayo lahaanshiyaha dhaqaala fara badan ama aan sawir fool xun ka bixinayo damaca waalida ah ee dadkeena waayadan daashaday.

Lacagta waa awood ku xoog badan noloshaada, laakin, laakin , laakin, waxa aan ku guul darraysanay in aan lacagta ku hayno goobtii loogu tala galay, kuna isticmaalno meesha ku haboon, lacagta waa mid qiima ku leh nolosheena, balse ma ahan taas macneeda in ay inoo tahay wax walbe.

Ma aha lacagta furaha sixirka ee inoo furi kara Qasnadaha qaninimada boqortooyada nolosha, micnaha aan uga dan leeyahay ayaa wuxuu yahay in wax walba aanan ku heli Karin lacagta.

Hubaal in ay inoo furi karto albaabo badan oo inaga xirnaa,taas shaki kuma jiro, laakin is waydiinta waxay tahay furashada aad albaabadaas furatay maxaa ka dambeeya, waa maxayse waxa kugu sugaya albaabadaas aad furtay gadaashooda? waa arrin wal walkeeda leh.

Jawaabta ugu fiican ee su’aashaas loo heli karana waa in ay noqota fahamka la fahamsan yahay waxa ay lacagta kuu goyn karto iyo waxa aysan kuu goyn Karin, taas haddii uusan qofku fahamsanayna, wuxuu la mid yahay qof kusii dhacaya god mugdi ah isaga oo mooda in uu Dheeman ka dal dalanayo.

Lacagtu kuuma gaddo saaxiibtinimada ama walaanimada dhabta ah, dhamaan dhabta nolosha kuuma goyn karto, dhalnteed’se waa kuu gadi kartaa, waxay kaloo kuu sahashaa in aad soo jiidato dareenka kuwa wax ma gartada ah, asxaab badan oo Nacamleeya yaal ahna ay kuu suubiso, balse dhabta ayaa waxay tahay in kuwan soo muuqda marka ay lacagta kaa muuqato aysan ahayn kuwa noloshaada dhabta ku ah.

Lacagta sidoo kale kuuma gadi karto qalbi dagan oo nabad qaba, way kuu gadi karta Sarriir raaxa leh iyo Guri qurux badan iyo daris aan buuq lahayn, iyo kuwa amaankaaga ilaalsho, balse taas lama macna ahan qalbi nabad qaba iyo laab dagan.

Laab dagan iyo qalbi dagan labadaba waxay ku yimaadaan aqbalidda duruufahaaga nololeed iyo ku qanacsanaanta heerka uu Rabigaaga kuu doortay.

Dadka ku sugta Doolar doolar kale, ama Malyan malyan kale waa kuwa aaminsan in ay helayaan laab dagan haddiba ay sidaas usii haystaan lacagta ay markaa gacanta ku hayaan, hubaalse waxay tahay in ay yihiin kuwa ugu buuqidda badan uguna murugada badan dhanka maskaxada iyo laabtaba marka ay xaalad adag oo lacag la’aan ah lasoo darasto, marnaba ma noqon karaan kuwa daganaan qalbi haysta, labada jeerba ha haystaan lacagta ama yeysan haysan.

Lacagtu sidoo kale ma ahan mid kuu gadi karta Xikmad aad ku kala garato macaanka iyo qaraarka Nolosha sidoo kalana dulqaad aad ku fahamto marka loo baahan yahay dulqaadka, qiimaha kaliya ee ay leedahay waa in aad ku dabaqdo baahidaada Caloosha, sawir aanan sawirkaaga ahayna ay tusiso dadka maanka gaaban ee kugu hareeraysan.

Hadaba is waydii haddii lacagtu aysan kuu gadi Karin nabadgalyo Qalbi, daganaan Laab , saaxiibtinimo iyo walaalnimo dhab ah, dad daacad ah oo noloshaada qayb ka noqda, waa maxay sabata aad naftaada ugu halligayso heliddeeada?

Lacagta nolosha raaxo ayey ka dhigtaa, balse, macnaha nolosha ayey ka arradantahay, dadka taas fahamsana waa kuwa booska ay mudantahay dhiga, wey isticmaalaan oo sida wanaagsan ayay u isticmaalaan, balse ma caabudaan mana ku hilmaamaan waxa ay dhab u yihiin.

Nolosha macanaha wanaagsan leh marnaba ma ahan nolol loo tirsho midda dhaqaalaha leh, ee waa mid loo tirsho qofka laabta dagan, ogaal dareen wanaagsan lagu larayna leh, sidoo kalana naxariis badan, kana baxsan kara dhinacyada kala gaddisan ee nolosha, isaga oo isku xirin xaalad gaar ah, ha noqoto mid dhaqaale iyo mid kale.

Qiimaha nolosha in uusan dhaqaala ku salaysnayn dhowr jeer in aad maqashay ayaa laga yaabaa, hadana dadka marka aad si hoose u eegtid mar walba waxa u jiro ama qiimaha la leh ayaa ah qofka dhaqaalaha leh.

Dunida aan hadda ku nool nahay waa duni Da’da qofka iyo garashadiisa aan wax lagu eegin oo qofka garaadka iyo garashadaba u saaxiibka ah haddiiba uusan dhaqaala haysan waxaa mar walba ka qiima badan garaad laawaha maanka gaaban balse dhaqaalaha haysta.

Isma waydiino sida dhaqaalaha lagu helay waayadan, hubaal in dhaqaalaha bulshadeena ay haysato uusan ku iman Dariiq uu Alle raali ka yahay, sida badan waa kuwa laga dhexlay boobkii iyo bur burkii waqtigii ay dhacaysay Dowladnimada.

Sidoo kale tacabka hantidaas ayaa ku yimid waddooyin aan sax ahayn oo qaarkood loo daadshay dhiiga dad kale, is wayadiintaase maxaan ku falaynaa, waxa inoo muuqda ama aan ku hadaaqyano ayaa ah in magaca dhaqaalaha uu inooga horreeyo shaqsiyadda Qofka.

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

 

SHEEKOOYIN